Dooddii Xalay iyo Sidii loo kala Adkaaday

 

Faallo yar aan ku sameeyo Dooddii layaabka lahayd ee Xalay, Iyo sidii Hadalka loogu kala awood batay ee siyaasiyiintii ugu kala adkaadeen.

 

Hadalo dhaadheer oo ay jeediyeen Lixdan Siyaasi waa Labada ilma Xaashi, Samatar, Xirsi, Abyan iyo Sucaade, kedib waxaa la galay Dood adag oo la is mari waayay se lagu kala adkaaday,

DOOD

  • Ugu horeyn waxaa Dooday Maxamed Xaashi Cilmi oo Wadahadalada diidanaa iyo Axmed Ismaaciil Samatar oo Ogolaa in la wada hadlo min 15 daqiiqo ayaa ay hadleen,

 

Maxamed Xaashi oo Hadalka ku horeeyay waxa uu ku dheeraaday dhibtii kala Gaadhay Somaliland iyo Somalia doodiisuna waxa ay daarnayd maadaama dhib la inoo geystay ma aha in aan wada hadalno Nuxurka hadalkiisuna intaas uun buu ahaa,

 

Lkn Axmed Ismaaciil Samatar oo kala doodayay Engineerka diidmadaas isna waxa uu jeediyay Qudbad 15 daqiiqo ah, hadaladiisuna waxa ay ahaayeen kuwo uu aad uga soo fiirsaday uu soo qodabeeyay oo soo cilmiyeeyay daliilo iyo dublamaasiyadna uu ku daray,

 

Doodda labadan aqoonyahana waxa ay u muuqatay mid Axmed ku gacan sareeyay iyadoo dareenka dadkana aad ka garanaysay sacabkii badnaa ee ay afkaaraha samatar kaga jawaabayeen,

 

  • kedib qudbadihii iyo Aragtiyihii Sadexda Xisbi ayaa bilaabmay,
  • Waddani oo uu u hadlay Xirsi Cali Xaaji Xassan iyo Kulmiye oo Maxamuud Xaashi u hadlayay iyo Ucid oo Abyan u hadlayay waxa ay ahaayeen kuwo ku midaysan in lala hadlo Somalia, Marka laga yimaado weerar iyo weerar celisyo dhex maray xisbiyada kulmiye iyo waddani ama Maxamuud Xaashi iyo Xirsi oo dood adagi dhex martay,

 

Abyan isagu waxa uu u hadlay sida Ucid looga bartay dhexdhexaadnimo iyo wadaniyad intaas kedibna waxaa bilaabantay dooddii oo ay foodda is dareen 6da siyaasi mid walbaana mid kale aragtidiisa dhaliilay,

 

Cali Mahdi JIbriil
Cali Mahdi JIbriil

Iyadoo halkaas maraysa ayay mar qudha dooddii isku bedeshay dood laba dhinac uun ka socota oo dhex maraysa Xirsi iyo Maxamuud Xaashi dadkuna waxa ay ahaayeen kuwo dooda labadan siyaasi aad u jeclaysanayay, siyaasiyiinta kalena qudbadoodu waxay u badnayd kala taageerista afkaaraha Maxamuud Xaashi iyo Xirsi, oo isku liddi ahaa Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlay doodda labadan siyaasi ayaa sheegay in ay tahay mid qurux badan oo wax badan laga faaiidayo, sidoo kale Prof Samatar iyo Maxamuud Xaashi ayaa Madasha ahaa kuwo isku aragti ah isku soo hal qabsanayay dhinacna rasaasta u wada riday.

 

Sucaad Carmiye oo iyadu Markii hore Dardar ku soo gashay doodda dadkuna ay aad ugu sacbiyeen waxa ay Samaysay laba Khalad oo aanay dadku jeclaysan, markii koobaad waxay weerar ku qaadday Beesha Gobolada Sool Sanaag iyo Buuhoodle oo uu afkooda ku hadlayay Ku xigeenka Ucid Axmed Cabdi Abyan oo markii hore ka sheekeeyay Somalia Iyo Somaliland halka uu khilaafkoodu ka soo bilaabmay kuna soo daray in Siyaad Barre Soomaali oo dhan wax yeeleeyay uguna Horeysay Majeerteeniya cid wax la yeeleeyo, lkn sucaad ayaa hadalkaas uga fal celisay si Caadifadi ka muuqato iyadoo leh maxaa naga galay dadka la laayay anaga somaliland baa lana dhahaa iyo ereyo u muuqday kuwo lidi ku ah barriga somaliland, ka soo qayb galayaashu aad ayay uga xumaadeen hadalka Sucaad Abyan oo u jawaabayna wuxuu ku yidhi, SNM looma dhamayne maxaad Xasuuqii Taleex u sheegi waydaa hadii aanay wax kale kugu jirin, mar labaad Sucaad Carmiye waxay weerar loo qaadan waayay ku qaaday Madaxweynihii Hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo ay ku eedaysay in uu dalka khiyaameeyay Heshiisna Somalia Maraykanka kula soo galay ka hor Doorashadiisii 2010kii arintaas oo guuxyar abuurtay, ayaa waxaa si adag su’aal uga waydiiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradaha Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Golayaasha Maxamed Xuseen Dhabeeye oo ku yidhi hadal u dhignaa, “Sucaad waxaan waydiinayaa in ay cadayso halka Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mujaahidkii dalkan usoo halgamay oo aanan weligayo khiyaamo ka filanayn dalkiisa jeclaa halka uu khaayinul wadanka ku noqday noo cadee maxkamad ayaanu taagaynaaye, hadii aanad cadayn hayna hadalkaaga kaaga hadhi mayno,”

 

Ka soo qayb galayaashii ayaa aad ugu sacbiyay Dhabeeye, sucaad oo hadalka ka jawaabaysayna waxay shegtay in aanay sidaa u jeedin keliyana ay Caadifadi qaadday oo immotional ay noqotay,

 

Suxufiga Ruug Cadaagga ah ee Maxamed Cabdi ilig oo Barnaamijka daadihinayay ayaa su’aalo aad u muhiima siyaasiyiinta waydiiyay, maxamed xaashi ayuu waydiiyay wadahadalada dunida oo dhan doonayso sababta uu isagu u diiday, kedib maxamed xaashi wuxuu ku jawaabay “umaba baahni” sidaas ayayna dooddii maxamed xaashi ku jabtay cid danbena wax ma waydiin, wuuna iska fadhiyay intii ay dooddu dhamaanaysay,

 

M.C.ilig suaalihiisii kale ee muhiimka ahaana waxa ay u bateen kuwo uu waydiinayay Maxamuud Xaashi iyo Xirsi oo aragtiyo iska soo hor jeeda qabay golahana loo kala baxay,

 

Intaasi kedib waxaa la galay su’aalihii dadweynaha oo dhinac u badnaa

 

Bulshada oo la siiyay tobaneeyo su’aalood waxa ay suaalaha ugu badan waydiiyeen Maxamuud Xaashi, Prof Samatar iyo Xirsi, halka min hal su’aal la waydiiyay abyan iyo sucaad, eng maxamed xaashina aan wax su’aal ah la waydiin,

 

Maxamed xaashi ayaa u muuqday mid keligii ka aragti duwanaa dadka kale macaa ka soo qayb galayaasha oo su’aalohooda aan marna odhan maxaa loo wada hadlayaa iyo lama wada hadli karo, sidoo kale engineerka ayaanay dooddiisu ahayn mid adag, bulshaduna isaga wax su’aalo ah ma aysan waydiin.

 

GUUD AHAAN MUUQAALKII SIYAASIYIINTA

  • Prof Samatar doodiisu waxa ay ahayd mid aqoon badani ku dheehantahay,
  • Maxamuud Xaashi dood difaac iyo xog ogaalnimo ka muuqato.
  • Xirsi Xaaji Cali dood aragtidiisa xisbi iyo afkaartiisa gaarka ah ku dhisan oo aad u adag kuna janjeedha kulmiye.
  • Sucaad Carmiye Dood adag oo markii danbe xoogaa Caadifad ah ay ku dartay.
  • aqoonyahan Abyan dood dhexdhexaadnimo degenaan badan iyo akhlaaq wanaagsani ku dheehantahay.
  • Maxamed Xaashi dood aanay inta badan dadku fahmin sida ay u socoto waxaana uu ahaa shakhsigii ugu doodda yaraa madasha.

 

Guud ahaan waxa ay libta dooddu raacday Samatar iyo labada siyaasi ee Xirsi iyo Maxamuud oo iyagu si gaara dood adag u wada galay ahaana kuwa hadalada ugu badan madasha ka jeediyay.

 

W/Q Calimahdi Jibriil Xasan

Qormadani waxay xambaarsan tahay Fekerka gaarka ah ee Qoraaga Magaciisu ku xusan yahay, kamana tarjumayso Aragtida Warbaahinta Somalilandpost.net