Dhibaatooyinka Caafimaad ee Caruurta Hurdada ku Kaadsha iyo Waxyaabaha Sababa

 

Hargeysa(SLpost)-Sheekh Cabdiqaadir Carab Warsame (Sheekh-Jaabir), oo kamid ah Culimada Hargeysa ee dhinaca Caafimaadka Bulshada ka shaqeeya, ayaa ka hadley dhibaatooyinka iyo waxyaabaha kalifa Caruurta hurdada ku kaadsha Habeenkii.

Mawduucan oo Sheekh-Jaabir kaga hadley Xanuunada Caafimaadka Caruurta ee kaadida kuradada iyo arimaha kalifa isagoo dhameys tiran waxa uu u dhignaa Sidan.

“xanuun kastaa waxa uu leeyahay abtirsiin iyo meel uu kasoo jeedo oo loo aaneeyo,xanuunada ku dhaca uurkujirta sida kalayaha,midhicirada,caloosha,beerka, dhamaan xubnaha la jaarka ah ee loo yaqaan macdanta,waxaa lagu naanaysaa qoyska wadnaha afsoomaali ahaana dhamaantood waa uur kujir.xanuunkasta oo lasoo darsa xabnahaasi waxay mushkilad iyo dhibaato u gaystaan qofka caafimaadkiisa guud, waxaana had iyo jeer xubnahaas uurkujirta lasoo darsa xanuunada cimriga dheeraada ee aan hore loo dawayn Karin ama bogsigoodu adkaada.

Cudurkan kaadida habeenkii waa cudur qadiimi ah oo binu aadamku in badan yaqaanay waxaana lagu tilmaamaa cudurada aan dawada lahayn,inkastoo ay jirtay habab iyo siyo lagulasoo tacaali jiray xanuunkan,hadana waxay ciladani safka hore ka gashay arrimaha aadka u kakan ee dhakhaatiirta iyo culimaduba isku khilaaftay,kadib markii la ogaaday habab iyo noocyo loo daweeyaa inay jiraan iyadoo loo marayo in xanuunka loo kala saaray noocyo sidaasina ay isku badeshay waxii hore ee laga aaminsanaa. waxaana dhaqanka kala duwan ee shucuubta caalamka ku nooli ku fasiray tilmaamo aad u kala duwan oo xattaa qaar iskasoo horjeedaan, inta aynaan cilmi ahaan u galin xaaladan bal ogow in bulshada soomaaliyeed lagu arki jiray dad ka cabanaya cilad kaadi ee habeenkii iyagoo dadkaas da,doodu kala duwan tahay ayay 80% u badnaayeen dad da,doodu ka hoosayso 13 sanno waxaase si naadir ah loo arkaa in dadka kaadsha habeenkii iyagoo hurda ay 2% ay yihiin dad waawayn oo ilaa 36 sanno gaadhay.

Noocyada kala duwan ee xaaladani dadka u haleesho waxay leedahay qaybo iyo habab kala duwan oo ay ku kala duwan yihiin dadku, tusaale ahaan waxaa jira qof isagu habbeenkii marka uu kaadshayo aan ogayn ee marka ugu horaysa ee uu tooso oo kaliya ogaada sida isagoo diirimaadkii kaadida uu ku jiifay isku badalo qabaw sidaasna uu ku dareemo oo uu tooso,waxaa isla noocaas inyar kaga duwan kuwa iyagu sameeya ka galgalashada halkii ay hurdeen ee naftoodu iska diido in dareenkaa qoyaanku kiciyo,waxaa iyadna qaybtaas ka duwan kuwo iyagu ogaada marka ugu horaysa ee dhibic kaadi ahi kasoo baxdo sidaasna ku toosa oo soo kaadsha,waxaanay ku xidhan tahay kaadida qofka haysa iyo sida u xajisan karo, waxaa iyaguna dadka noocaas loo saameeyo ka duwan kuwa iyagu aan toosin ilaa arroortii latoosiyo ama ay iyagu iskood iskaga baraarugaan.

Xanuunkan kaadida ee habeenkii qofku kaadsho isagoon ogayn waxaan doorbiday inaan macluumadkaas kuu horaysiiyo kahor intaanan kuu galin halka uu ka yimaado iyo sida uu ku bilaabmo iyo wax u xal ah iyo sida uu u qaybsamo xanuunkan laftiisu.

Marxalada caruurnimo ee ilmuhu dhabta hooyada iskaga kaadshi jiray waxay ahayd nolol caruurnimo oo aanay wali korin xubnihiisa iskaantarool ee jidhku,khaastan garashadiisa maskaxeed oo aan wali kuwada baahin jidhiisa si ay u saydarayso xubin kasta sida dhaqaajin ama joojin xubin kamid ah jidhkiisa waxaasi oo dhamina waxay ku yimaadaan is ogaansho iyo is ogaansho la,aan.

Waxaa haboon in waalidiintu ogaato khaastan hooyooyinka in ilmaha korayaa uu leeyahay shayo badan oo aan muuqan sida xubnaha hoose ee jidhkiisa oo iyaguna u koraya sida jidhkiisan sare u korayo ee aad aragto.

Waxaana caruuta mayeedhaanka ah ay xaq u leeyihiin inay ku kaadshaan meel kasta iyo cid kasta sidaa darteed ayay ka reeban tahay cid kasta inay hakiso oo ay joojiso kaadidaa ilmaha kasoo baxaysa,maadaama aanay jirin si uu kuugu sheego inuu kaadshayo,adna iska joogi inaanad sina kaga joojin,waayo waa xaq ilmu leeyahay arrintani qofka ka nixiya ilmo kaadshaya oo dhalaan ah wuxuu sababayaa cawaaqib xumo iyo cilado wiiqa fayoobaanta habsami u kaadi ee qofka waxaana caruurta iyagoo wayn kaadsha habeenkii ay badankooda xanuunka ka qaadaan xaalado nafsaani ah sida tan oo kale waayo waxaa wax la ogyahay ah in jidhka binu aadamku dhamaantiis tababar qaadan karo mana fiicna in xubnaha sida dabiiciga ah u koraya lagu wiiqo amarro iyo dhaqan qalfsan ama dabacsan oo ku lidi ah sidoodii ay u shaqaynayeen.

Markaad u fiirsato xiliga ay caruurta yaryari joojiyaan kaadida bilaa kaantaroolka ah waxay qofba ugu bilaabantaa sida loo tababaray iyadoo aad arkayso caruur marka hooyadood dhabta ku hayso ama qof kale hadii ay kaadi qabato bixiya dareen ay ku tusinayaan qofka haya in kaadi ama saxaro hayso ilmaha,halka caruuta qaarkood iyagoo wayn aanay garanayn taas,waxaana marka ilmuhu sanad jir gaadho lagu dhiqi karaa in loo muujiyo marka uu saxaroodo kadib ama kaadsho in marka la hayo ee qof dhabta ku hayo aanu samayn sidan oo kale waxaana loo bari karaa sida hooyado ay u bartay inuu ilmuhu ku hadaaqo …maamo …ama …baabo…ama…hamsii…ama …naxsii….dhamaan kuwaas oo kale waxaa u raaci kara ….ish ….ama …ix ix ix …i.w.m . waa wax iska macruuf ah luuqada caruurtu..

Sida ay caruutu u kala maskax furan yihiin ama hooyooyinku ay u kala waayo aragsan yihiin ayay ku xidhan tahay habka tababar ee ilmu qaadan karo.

Marka ay caruurtu hadalka luuqadooda barato dhamaan ayaa lagu tilmaamaa waqtiga ay iyadna kaadida bilaa kaantaroolka ah joojiyaan,waxaana markaas ay caruutu laba jirsandaan waalidka la gudboon inuu ilmahiisa wixii sharaab ah uu siiyo laba saacadood ka hor intaanu seexan kadibna uu kaadisiiyo marka uu ilmahu sii seexanyo inyar kahor daqiiqado,iyadna dhawaan waxaa la xaqiijiyay in xafaayada caruurta loo xidhaa ay leedahay waxoogaa cilad caafimaad oo xaga is ilaalintii ilmaha uu baran lahaa isagoo aad arkayso inuu ku waynaaday inuu ku kaadsho ikhtiyaarkiisa markaa waa in hooyadu barato xiliga uu ilmaheedu ka gudbil lahaa xafaayada.

Sidoo kale waxaa iyadna aan fiicnayn in ilmaha loo ogolaado inuu seexdo meel aan furaashkiisa ahayn, ka ilaali in caruurtaadu ku gamado meel kale oo aan ahayn meeshooda hurdo ee rasmiga ah waayo hadii ilmaha todoba jir ka yar uu seexdo, ma fiicna in la toostoosiyo ama la qaado isagoo hurda waayo taasi waxay keentaa riyooyin iyo khalkhal gala habkooda jidh ee xubnaha seexda iyo kuwa soo jeeda iyadoo ay dhici karto inuu barto dhinacna kasoo jeed dhinacna dareen hurdo yeelo waayo taasi waa ta keenta iyadna in ilmuhu joogteeyo umuuro aanu hore u lahaan jirin sida waxaa jirta caruur saqda dhexe uun la arko iyagoo kacay ama sare fadhiya waxaana tan lagu daraa inuu ilmuhu kaadsho isagoo yara og ama aan ogayn,markaa iska ilaali inaad caruutaada toostoosiso ama aad qaad qaado ama aad sharaab ku siiso furaashkooda seexashada iyagoo u diyaar garoobay hurdo.

Hadii aad aragto in ilmahaagu kaadsho isagoo shan sanno jir ah ama ka wayn ka ilaali canaanta faraha badan iyo dilmada joogtada ah,waayo miyaanad arag in caruurta qaar hadii ay aad u ooyaan ama naxaan ama qoslaan in ay iyagoo ku hortaagan kaadshaan,haa way dhacdaaye ma fiicna inaad wiiqdo adkaysiga caruurnimo ee qofka koraya si aanu u xajisan kari waayin oohinta kaadida iyo dhiiranaata qof ee soo jeeda .

Waxay soomaalidu in badan hadalkeeda kusoo qaadataa markay tilmaamayso qofka geesinimadiisa kalyo iyadoo cabbirta qofkaas hebel waa bilaa kalyo yacniga bilaa dhiirasho iyo adkaysi.

Sidaa darteed ayuu cilmiyana u jiraa xidhiidh ka dhexeeya qofka dareenkiisa nafsaani iyo xubnihiisa jidhka.

Qormadan oo aan islahaa mid kaliya kusoo koob ma noqonayso sidaan rabaye aan u dhigano qaybta labaad danbe isha allaah …… hadii aad meelaha qaar fahmi waydona waxaa adkaa tafsiirka xaga sharaxa erayada oo raba in la keeno kalmadaha ugu dhaw