Dhakhaatiirta dalka iyo kuwa caalamkuba waxa ay dadka uga digaan fadhiga faraha badan

Dhalinyarada S/land Oo Dabiib U Helay Buurnida Iyo Calool Ka Soo Baxda Oo Aanay U Baahnayn Xiligan!!

Waxa 24-Kii Saacadoodba Jimicsi Ku Sameeya 2-Ka Goobood Oo Caasimada Ah 1500 Dhalinyaro Ah

Hargeysa, August 9, 2011 (Haatuf) – Dhalinyarada Somaliland ee ku dhaqan caasimada Hargeysa ayaa si xawli ah ugu qulqula goobaha jidh dhiska (Gym), kuwaas oo ka raadiya inay ka helaan Caafimaad iyo siddii ay jidhkooda u dhisi lahaayeen (Body Building), isla markaana ay iskaga riddi lahaayeen baruurta iyo Buurnida, halka qaarkalena ay ka dayaan in xubnaha jidhkooda ku koriyaan, una adkaado.

Dhalinyaradan ayaa sidoo kale goobahan kaga raysta, isla markaana si weyn u mahadiyey kadib markii ay goobahan kaga soo xeroodeen balwadaha Qaadka iyo Sigaarku ka midka yahay, sidoo kalena ku kharashgareeyaan wakhti ay meel iska fadhiyi lahaayeen oo ay la soo darsi lahayd Walwal iyo Walaac ka qabsada xaaladaha duruufeed ee ku gedaaman dhalinarada Somaliland, kuwaas oo qaarbadani ay la tiiicayaan Shaqo la’aan iyo dhaqaalo xumo dalka ka jirta oo sababtay inay u hayaamaan Baddaha.

Qaar badan oo dhalinyarada Jidh dhiska samaysa ka mid ah ayaa sheegay inay iska ridaan Calool ka soo baxday oo aan loo baahnayn xiligan ay ku jiraan da’da dhalinyarnida, taas oo foolxumo xaga jidhka ah ku keenaysa jidhka.

Wariye ka tirsan Wargeyska Haatuf oo booqday xalay caweyskii sawirona ka soo qaaday laba goobood oo jimicsi oo ay ka mid tahay Bilkhayr Gym ayaa sheegay inuu arkay dhalinyaro tiradooda uu ku qiyaasay boqolaal oo qaadqaadaya Biro, halka qaar kalena ay Fuushanaayeen Baaskiil aan halkeeda ka dhaqaaqayn.

Sida uu sheegay Wiil dhalinyaro ah oo fadhiyey qaybta Diiwaangelinta iyo lacagqabashada oo ka mid ahaa hawlwadeenadii goobtaasi (Reception-ka) ayaa u sheegay Wariyaha in qalabkan oo ah mid casiriya laga keenay dibada, isla markaana ay maalgaliyeen nin ku sugan dalka qurbaha iyo inan kale oo dalka jooga oo iska kaashaday sidii goobtan dhalinyarada loo furi lahaa.

“Ramadaaanta aad ayay usoo badanayaan dhalinyarada timaada Jimicsiga xoog ayaa loo bartay, shan boqol kor ayay u dhaafayaan goobtan goobtan Bilkhayr Gym jidhka ku dhisa, Exercise-ku caafimaad ayaa ku jira iyo jidh dhis waana qofka quruxdiisa, dhalinyaradu sidoo kale camala’aantana way kaga samrayaan oo way ku mashquulayaan, balwdana way kaga fadhiisanayaan, fikirkan nin qurba joog ah ayaa iska leh”. Sidaay uu yidhi inanka dhiiwaangalinayey dhalinyarada oo ka gaabsaday magaciisa.

Sidoo kale waxa aanu isagana wax ka weydiinay mid ka mid ah dhalinyaradii ku jimicsanayey goobtan oo biro kala duwan kor u qaadqaadayey waxaanu yidhi “Magacayku waa Muxiyadiin Jaamac Muxumed “Run ahaantii waxa ay ila tahay jimicsigu waa jidh dhis iyo caafimaad ahaan uun, anigu ilaa iyo shan bilood iyo badh ayaan jimicsigan samaynayey, walaahi wax badan ayaa iiga kordhay markii hore jidhkaygu waxa uu ahaa mid isku daadsan, lixdaa bilood jidhkaygu wuu kala baxay waxyaabo farabadana waan ka faa’iday, dhalinyaro aad u badan ayaa halkan timaada”.

Bulshada Somaliland rag iyo dumar kay doonaanba ha ahaadaane ayaa sanadadii u dambeeyey waxa ay si weyn u soo jeclaanayeen Fadhiga iyaga oo neceb lugta iyo socodka, kuwaas oo iibsada gaadiidka yaryar ee lagu tamashleeyo, isla markaana kuwa aan gon karini ay raacaan Basaska iyo tagaasida.

Dhakhaatiirta dalka iyo kuwa caalamkuba waxa ay dadka uga digaan fadhiga faraha badan, iyagoo sidoo kalena kula taliya inay socod sameeyaan, hase yeeshee caalamka ayaad moodaa wakhti xaadirkan in dadka ku nooli ay sii Naaxnaaxayaan, taas oo dadka qaar ay ku tilmaamaan inay salka ku hayso technologyida casiraga ah.

Daraasad dhawaan laga soo saaray dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in qofka Shaqaalaha ah ee Xafiiska ku xiga ama xafiisyada goobta uu ka shaqeeyo uu Online-kula xidhiidho halkii isaga oo socda uu u tagi lahaa, taasina ay keentay in fadhigaa badan ay ku cayileen.

Xigasho: Haatuf