Dhacdo Cajiib ah: Haweenay aan awoodin inay Maqasho Codka Ragga Balse Maqli karta Codka Dumarka

Mucjisooyinka Dunida ka jira ma aha kuwa aynu soo koobi karno waxaynu mar kasta la kulanaa arrin lama filaan ah.

Magaalada Xiamen ee Koonfur bari Dalka China waxa ku nool haweenay qabta xanuun aan hore loo arag oo ka halleelay dhinaca maqalka.

Maqaal Arrintan ka hadlaya oo lagu qoray Jariiradda Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska, waxa lagu sheegay in haweenaydani ay maqli karto oo kaliya Codka Haweenka oo qudha, balse codka Ragga aanay maqli karin. 

HaweenaydaDhibaatada noocani ah ma aha mid ay ku dhalatay haweenaydaasi sida lagu baahiyey Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, laakiin haweenaydan ayaa seexatay kadib subaxnimadii markii ay toostay ayaa waxay maqli weyday Codkii saygeeda.

Intaasi kadib, waxa la geeyay dhakhtar waxaanu dhakhtatkaasi sheegay in dhibaato dhinaca Maqalka ah oo ku dhacda 13 kun ee qof hal qof oo ka mid ah soo waajahday gabadhani taasi oo ah xaalad aad loo arag.

Waxa aad u adag in xaaladda noocan oo kale ah ay dhakhaatiirtu ogaadaan sababtuna waxay tahay in dhakhaatiirta badankooda xaaladda noocani oo kale ah aanay aqoon u lahayn.