Dhaartii Alle, Madaxweyne dhinac maray ! W/Q:Maxamed Sidiiq Dhame

Madaxweynaheenna sharfan qalinkiisu wuxuu dulmiyay beel dhan oo dalka ku uumman, xil-magacaabid kasta oo qasriga kasoo baxdaa waxay sadbursiimo iyo saami dheeriya u tahay beelo gaara. Siilaanyo kitaabka Alle wuxuu midigta u saaray inuu shacabkiisa ugu adeegi doono daacadnimo, caddaalad iyo sinnaan. waxaan u arkaa beesha Gabooye ee ka qatan saamigay xaqa u lahaayeen godob in laga garaabo mudan.

 

 

Dadnimada iyo damiir samaantu waxay ku jirtaa in caddaalad darrada laga dhiidhiyo oo aan la daawan. sharaf dhacbay u tahay hoggaankeenna in saamiga beelaha loogu laba iyo saddex goor celinaayo in aan mar qudha la xusin Beesha dhan ee xaqa dastuuriga ah u leh inay helaan saamiga beelaha kale helaan. waxaan ka ahayn Lataliyihii hore ee is-casilay iyo hal wasiir xigeen oo isna is-casilay. intii ka danbaysay labadaa masuul xasuusta qasriga way ka baxeen.

 

 

Dawladnimadennu waxay ku salaysan tahay beelo, saami-qaybsi aan qolo keliya laga tegi karin. beelaha badh sadbursiimo kalay u bu’ayaan, beeshaa sharafta mudan ee Somaliland lixda gobolba degtaana waxay ka oomantahay xilalka xukuumadda ee lagu wadhwadhay.

 

 

Madaxweyne barmadaw iyo boogbay ku tahay taariikhdaada, hoggaamintaada iyo madaxweyne-nimadaada in aanay seefta xilka qaadistaadu karin Wasiirada haybtaada. waa tusaale iyo muraayad laga dheehan doono caddaaladaada la’aantaada iyo sinaan la’aantaada ummaddeed. kow iyo laba maaha inta Digrayto ee aad xil masuul kaga qaadday ee aanad midna ku sadqayn wasiirada maamulkaaga ugu liita.

 

 

Taariikhbay u ahaan lahayd Siilaanyo inuu noqdo madaxweyni u horeeyay ee Beesha Gabooye wasiir buuxa u magacaaba muuse xariiqine wuxuu dhitaystay inuu godbiyay beesha oo aan marqudha xil ay u qalmaan loo magacaabin.

 

 

Ictiraaf iyo umadnimo adduunka laga yaqaanbaynu u halgamayna, 25 gu’ waxa innagu dhex dulman beel dhan oo deegaan, diin iyo dadnimo la wadaaga reer Somaliland.Madaxweyne waa xisaab kuu taal iyo xaq kugu maqan eexda aan qarsoonayni. Nabsiga Siilaanyo, mid saxuu Alle keeni !

 

 

 

W/Q:Maxamed Sidiiq Dhame