Dawladda Jabuuti oo maanta ka hadashay Doorashada Somaliland looga dareeray iyo Muhiimadda ay leedahay

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Jabuuti, ayaa ka hadashay muhiimadda ay Somaliland u leedahay Doorashada madaxtooyada ee maanta dalka ka qabsoontay, waxaanay shacbiga iyo xisbiyada ku bogaadisay hannaanka diyaar-garowga iyo qaabka ay u qabsoontay doorashadu.

Ka-waaliyeSafiirka Dawladda Jabuuti u fadhiya magaalada Hargeysa, Xuseen Kawaaliye oo maanta u warramay telefishanka Star, ayaa sheegay in kormeer ku soo maray qaar ka mid ah goobaha Codbixinta ee magaalada Hargeysa, isla markaana uu indhihiisa ku soo arkay doorashada oo qaab hamsami ah u socota, codbixiyeyaasha oo si niyad ah ugu jira safafka iyo hawl-wadeennada ku guda-jira doorashada oo masuuliyad iska saaraya qancinta dadka iyo dhammaystirka hawsha ay hayaan.

HADDABA HOOS KA DAAWO WARAYSIGA TELEFISHANKU LA YEESHAY DANJIRE KA-WAALIYE