“Dawlad Jirta Ayaa Wax Gudbisa Ee Tuugo Meel Iskugu Tagtay Oo Magaca Somalia Wax Ku Cunaysa, Waxay Inaga Qaadayan Ma Jirto” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay dacawadaay dawlada Somaaliya ka gudbisay Qunsulka Turkiga u fadhiya magaalada Hargeysa ee ku saabsan Baasaboorka Somaliland oo lagu bixiyo fiisaha dal ku galka dalka Turkiga.

 

 

waraab

 

 

“Dawlad jirta ayaa wax gudbisa ee tuugo meel iskugu tagtay oo magaca Somaliya wax ku cunaysa waxna aan qabanaynin oo qabyaalad ku fadhiya oo is wada xaasidaya oo inagana cadawgeena ah oo aan horumarkeena iyo dedaalkeena aan raali ka ahayn wax alaale wax ay inaga qaadayaan ma jirto, dacwadana mid wax u taraysa oo laga yeelayo Turkiguna uu ka qaadanayo maaha, Somaliland iyo Turkigu xidhiidh bay lahaan jireen ilaa qarnigii 17aad, markaas dawlad aan jirin waxba ka qaadan mayaan.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika

 

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu intaas ku daray  “Maalin walba waxa inoo muuqanaya xaasidnimada calool xumada iyo xigdiqa nimankaas Somaliya ee isku sheegaya inay Dawlad yihiin, waxaan leeyahay Shacabka Somaliya waa Shacab aanu halgankii wada galnay oo aanu wada ridnay dawladii Siyaad Barre, wanaag baa naga dhexeeya, ee waxaan leeyahay nimankaas sida khaldan xukunka u yimid Somaliland waa qaran, oo waa dawlad oo waa dal ee ha ku daalina, niyadana ka saara.

 

 

 

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Cabdisalaan X. Cumar Hadliye, waxa uu yidhi  “Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Cabdisalaan oo ka soo jeeda Somaliland, oo ah nin aanu saaxib ahaan jirnay oo aanu meel ku soo wada kornay waxa uu dheeraaday Wasiiraddii Arrimaha Dibadda ee Somaliya soo maray, nacayb uu neceb yahay Somaliland oo xitaa iyagii ayaa la yaaban”.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa