DAHABSHIIL: Wuxuu Astaan u yahay Dhiiranaanta, Dhaaya-fogaanta & Dhabar-adayga Soomaalida.

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye)

Shirkada Dahabshiil, marka qofka Soomaaliga ah ama baddi shucuubta caalamku magaceeda maqlaan, markiiba waxa niyadooda ku soo dhaca yididiilo, siyaalo kala duwan, qof walba miqyaas gaar ah u siinaya.

Qof ayey xusuusinaysaa, ama niyadiisa ku soo dhacaysaa ma fariintii farxada ayaa ku soo gaadhay, ama hadii aynu si kale u dhigno, dareemayaa inuu helay dhaqaale ku soo gaadhay adeegyada shirkadu fuliso awgeed, la’aanteedna aanu ku naaloodeen.

Shaqsi kale ayey xusuustiisu dib ugu celinaysaa maqalka magaca Dahabshiil, culays kula soo gudboonaaday qadarka Alle, balse, wax ka qabashadeeda iyo ka soo kabashadeediiba kaalin lama ilaawaan ah ay ka qaadatay, abaal aanu ilaawayna ugu hayo dhamaan maamulka iyo hawlwadeenada shirkada.

Sidoo kale, qof kale oo waayaha nolosha ka gaadhay miqyaaska badhaadhaha ama haynta heer ku deyasho mudan, ayey maqalka magaca Dahabshiil, uga dhigan tahay, shimbirkii guushiisa, Idamka Alle, dabadii, iyo gacantii maalgashigiisa sabab u ahayd, una fududeysay gaadhitaanka guusha uu ku naaloonayo.

In badan oo noloshooda iyo inta ku xidhiidhsan ee caalamka ku kala nooliba, isha dhaqaale ee ay ku tiirsan yihiin, kana soo baxdo tahay xidhiidhkooda shaqo ee shirkada Dahabshiil, ayaan qabaa inay wax walba uga qiimo badan tahay, kuna doorsanayn, inta ay lamaan yihiin.

Haddaba, haddaynu tusaale kooban ku soo aragnay, halka ay noloshooda kaga jirto shucuubta caalamka, si guud ahaana shucuubta Soomaalida maqalka shirkada Dahabshiil, iyo xidhiidhka adag ee u dhexeeya ama la wadaagaan adeegyada kala duwan ee ay bixiso, dhinaca kale, way yartahay, ama tiro ayaa lagu heli karaa inta ku baraarugsan ama u istaagta inay u diyaargaroobaan difaacashada lama huraankooda! Iskaba daa inay qiraan abaalka ay ku leedahay, horumarka ay gaadheen iyo heerarka ay hiigsanayaan-ba.

Hadaan u soo noqdo, xulashada cinwaanka maqaalkan “DAHABSHIIL: Waxuu Astaan u yahay Dhiiranaanta, Dhaaya-fogaanta & Dhabar-adayga Soomaalida” iyo sababta aan qalinka ugu qaatay qoraalkiisa, xaqiiqdii waxa igu ajburay, isla markaana mudan in maqaalo iyo mowduucyo intan ka sii faahfaahsan laga diyaariyo, qoraal kooban, balse koobsaday fariin macnayaal kala duwan xambaarsan,  uguna horeyso qiritaankooda waxqabad, kartiyeed, iyo hadafka ay hiigsanayaan, ugu dambayna ah halbeeg tilmaamaya kaalinta dir-sooc ee Qofka Soomaaliyeed uga dhigan yahay shucuuta caalamka iyo waxqabadkiisa, oo sumadna u noqotay shirkada Dahabshiil.

Qoraalkaa kooban oo bartiisa Facebook uu ku baahiyey Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Dr Adan Xasan Adan (Beleloo), oo u dhignayd:

“Waxay shalay ii ahayd maalin aad u qiimo badan. Waxaan Xarunta Safaaradda Djibouti ee Muqdisho hadhimo ku wada qaadannay asxaab uu ka mid yahay Xaaji Maxamad Siciid (DAHABSHIIL) oo u yimid sii ballaadhinta qayb ka mid ah ganacsigiisa. Magaca Dahabshiil wuxuu astaan u yahay dhiirranaanta, dhaaya-fogaanta iyo dhabar-adaygga qofka soomaaliga ah. Dahabshiil waa bud-dhig u baahan baadhitaan cilmiyeed iyo laga dhigto cibaaraqaadasho horumarineed.”

Dhab ahaan, waan uga mahadcelinayaa Safiir Dr Adan Xasan Adan, garashada Ilaahay siiyey, iyo dhaaya-fogaantiisa uu ku cabiray, kaalinta shirkada Dahabshiil mudan tahay u huritaankeeda, iyo sida shucuubta caalamku uga korodhsan karaan aqoonta iyo waaya-aragnimadda ay ku gaadheen horumarka ay maanta ku naaloonayaan, iyo hiigsigooda mustaqbalka, Ilaahay ha ku guuleeyee, Aamiin.

Waxaan kaga baxayaa, maanta Safiir Dr Adan Beleloo, waxuu innaga furtay xujo innagaga beegnayd inteena badan, ka garaabida abaalka ay innaga mudnayd shirkada Dahabshiil, balse waxa la eegi doonaa, siddaynu wax ugu qaadano iyo inta aynu ka weelayno weedhahaa dhaxalka ah.