DAAWO Nuxurka Dood Adag oo ay gon-daha is-dareen Guddoomiye Cirro, Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Prof Samatar

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool waddanka Maraykanka iyo Dr. Maxamed Cabdi oo isaguna Bare ka ah Jaamacad ku taal Ingiriiska, ayaa Dooddii Jimcaha ee Galabta Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ka wada qayb-qaatay, taasoo ku saabsanayd Saldhigga Millateri ee Somaliland Imaaraadka ka siisay Berbera oo ay labada Gole ee Baarlamaanku Axaddii toddobaadkii hore Aqlabiyad ku ansixiyeen.

Haddaba, Doodda Galabta ay BBC-du qabatay oo uu Daaddihinayey Weriye Cabdinuur Sheekh Maxamed Isaxaaq, waxa ugu horreyn lagu bilaabay Cabdiraxmaan-Cirro, waxaanu ku dooday inaan waxa Golaha la keenay Heshiis ahayn oo uu is-beddelay Ajandaha Madaxweynuhu labada Gole Warqadda ugu soo qoray, ee la keenay Waraaqo, isla markaana Golaha la afduubay, sidoo kalena aanu jirin Sharci labada Gole ka dhaxaysiinaya inay wada ansixiyaan Heshiis ay Xukuumaddu soo gashay oo la xidhiidha Dhaqaale, Siyaasad iyo Nabadgelyo. Balse, waxan la ansixiyey ay ahaayeen Warqado Luuqadda Soomaaliga Madaxtooyadu ku soo qortay.