Daawo Marwo Edna Adan oo Khudbad Qiiro galisay u jeedisay Ardayda Dhammaysatay Barnaamijka Shaqo-qaran

Hargeysa (SLpost)- Dr Edna Aadan Ismaaciil ayaa maanta ka qayb-galay xaflad ballaadhan oo Dugsiga Tabobarka Ciidanka ee Dararweyne loogu qaybtay gunaanadka Barnaamijka Shaqo-qaran oo muddo saddex bilood ah lagu carbinayey boqolaal Ardayda ka baxday Jaamacadaha, kaas oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi maanta soo xidhay.

 

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland oo munaasibada ka hadashay, ayaa weedho dhiiri-gelin ah u jeedisay ardayda dhammeysatay tabobarka Ciidan, waxaanay ku boorisay inay dalkooda ku difaacaan Aqoontooda iyo Tabobarka Milatari ee ay heleen.