Somalilandpost | News and Analysis

Codbixiyeyaal Kala Fog – WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).

f94d59eccf4de576076491419bbc15f3_XLBarnaamij muuqaal ah oo dhawaan lagu sameeyey magaalada Oslo ee caasimada Norway, ayaa lagu soo bandhigay waxa qofka sirta u ah ee aanu cid kale u sheegin. Barnaamijka oo la sameeyey xilli hawlo doorasho lagu jiray, ayaa waxa ugu mudnaa laba weydiimood oo la kala weydiinayey dadka asal ahaan Noorwiijiga ah iyo dadka aan ahayn oo soomaalidu ku jirto.

Waxa ay laba su’aalood kala ahaayeen inuu qofku sheego xisbiga uu u codaynayo ama uu u codeeyo, iyo ta labaad oo ahayd inuu qofku sheego xilligii galmo uu sameeyo ugu danbaysay.

Dhammaan dadkii Noorwiijiga ahaa way diideen inay sheegaan xisbiga ay u codaynayaan/u codayn doonaan, iyagoo ku adkaystay inay sir u tahay oo aanay cid u sheegayn. Waxay se si dhib yar uga jawaabeen ta galmada oo rag iyo dumar ba qof kastaa xilli ugu danbaysay wuu sheegay.

Dadka ajaanibka ah ee Soomaalidu ku jirto oo iyagana su’alahaas la waydiiyey, si dhib yar waxay u sheegeen xisbiga ay codka siinayaan ama ay codka siin doonaan. Laakiin su’aasha galmada markii la waydiiyey, waxay u ku gaabsadeen inay sir tay oo aanay sheegayn. Dadka qaar iyaga oo maxa xoqanaya oo su’aasha ka yaabban ayey dhaqaaqeen.

Halkaa waxa aad ka arkaysaa sida ay u kala fog yihiin codbixiyeyaasha doorashada ee waddamadu, oo tusaale ahaan dadka Noorwiijiga ah ee codkooda qarinayaa waxay og yihiin in codkoodu yahay waxa xisbiyadu isku haystaan ee loolanka ugu adag ay ugu jiraan, oo mid kastaa ku dadaalayo inuu helo. Taasina waxay keentaa in xisbi kastaa la shir yimaado barnaamij-siyaasadeed miisaaman iyo doodo wax-ku-ool ah.

Innagana waxa aad arkaysaa dadweyne dhan ama beel abaabulan oo leh: “Haddii aanu reer hebel nahay, xisbi hebel ayaanu codka siinaynaa.” Halkii ay dadkaasi ku gorgortami lahaayeen codkooda oo inta ay u aamusaan xisga uu barnaamijkiisu ganciyo ay codkooda siin lahaayeen. Waa se la iska gaadhi doonaa haddii Alle ka dhigo.

Waxa kale oo aad arkaysaa qof meel kasta la taagan oo leh: “Xisbi hebel ayaan u codaynayaa.” Waxa kaa ka sii daran mid ku lebbisan oo maryo la xidho dhigtay calankii iyo astaantii xisbiga uu taageersan yahay. Qofku xisbi wuu taageeri karaa, codkiisana wuu siin karaa, laakiin waxa ololeyaasha loo gelayaa in codkiisaa la hanto.

In codbixiyuhu codkiisa qariyaa waxay halxidhaale culus ku noqonaysaa la doortayaasha oo werwer iyo xasilooni darro la soo dersayso, isla markaana filashada guushu waxa ay kaga laalmaysaa raar sare.

 

Cabdishakuur  X. Muxumed Muuse (Heersare)

Cabdiheersare01@hotmail.co

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE