Ciyaartii Galabta Ee Boorama Oo Dhimmasho Iyo Dhaawacba Sababtay Iyo Sida ay u dhacday

 

Boorama(SLpost)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, halka imika naloogu soo waramayo mid kale oo dhaawac ahaana in uu dhaawac dhintay, dhaawaca ayaa isaguna dhawr qof maray sida Somalilandpost xogta ku heshay kadib markii ciyaartii galabta ee garoonka Xaaji Daahir rabshado ka dhasheen. Rasaas boolisku ku kala dareerinayay boqolaal qof oo daawanayay ciyaarta ayaa sababtay dhimashada iyo dhaawaca.

 

Ciyaartii galabta dhexmartay gobolada Awdal iyo Maroodijeex ayaa rabshado hadheeyeen, kuwaasi oo sababay in ciyaarta lagu kala dareero kadib markii Rikoodhe gobolka Awdal loo qabtay oo Maroodijeex lagu laadan lahaa buuq dhaliyay.

 

Ciyaartoyga Gobolka Maroodijeex ayaa la sheegay inay la dagaalameen garsoorka kadib markii uu u cuntami waayay Rikoodhaha oo ay u arkayeen mid aan caddaalad ku salaysnayn, maadaama ay ciyaarta ku hogaaminayeen Gool iyo Eber.

 

Isqabqabsiga garsooraha iyo diidmada Rikoodhaha ayaa sababtay in taageerayaasha Awdal dhagaxaan soo tuuraan, kadibna Booliska ayaa rasaas riday, waxaana sidaasi lagaga kala dareeray Ciyaarta labada Xul dhex maraysay.

 

 

Xogo SLpost ka heshay xidhiidhka ciyaaraha ayaa sheegay in Ciyaartoyga Maroodijeex u hogaansami waayeen Garsoorkii islamarkaana diideen in lagu laado Rikoodhihii, taasina ay noqonayso mid jabinaysa sharciga ciyaaraha. Faahfaahin dheeraad waxa laga sugayaa wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka kubbadda cagta.

 

 

Maamulka ciyaaraha ayaa guusha ciyaartaasi siiyay kooxda gobolka Awdal, waxaanay kooxdaasi ku baxday kaalinta koobaad iyadoo leh 7 dhibcood, halka gobolka Maroodijeex oo watay saddex dhibcood hadhay..

 

Sidee bay u wada ciyaareen labada gobol? Yaase ku Gacan sareeyay ciyaarta gudaheeda?

 

 

Kulankan adag oo la wada sugayay ayaa Xaaji Daahir Stadium ku dhexmaray kooxaha gobolada Awdal iyo Maroodi Jeex, wuxuuna kulankani ahaa kulan ka tirsan Group-ka dhimashada ee Group A.

Maroodi Jeex ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo ay wali dhagaheeda ka sii guuxayso guuldaradii xumayd ee ka soo gaadhay kooxda gobalka Hawd, waxayna kooxda gobolka Maroodi Jeex ay kulankan maanka ku haysay in waxaan guul ahayn ay gabi ahaanba ka hadhi doonto tartanka gobolada Somaliland, sidaa daraadeed waxa uu kulankani Maroodi Jeex uga dhignaa guul ama geeri.

Laakiin gobalka Awdal oo hogaanka u hayay Group A ayaa kulankan uga baahnaa barbaro kaliya si ay sideed dhamaadka tartanka gobolada Somailand ay u soo gaadhaan, laakiin  kooxda gobolka Maroodi Jeex oo koobkan difaacanaysa ayay kulankan ka go’nayd inay u soo baxaan wareega sideed dhamaadka.

Dardar iyo dadaal badan kadib kooxda gobalka Maroodi Jeex ayay qaybta hore ee ciyaarta heshay goolkeeda furitaanka kadib markii uu gooldhayaha taariikhda cajiibka ah tartanka Somaliland ku leh ee Maxamuud Govinda uu kooxda xulka goblka Maroodi Jeex udhaliyay goolka ay sida wayn ugu baahnayd, wuxuuna Govinda ciyaarta ka dhigay 1:0 ay kooxda gobalka Maroodi Jeex hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Maroodi Jeex ayaa kulankan soo bandhigayay ciyaar gabi ahaanba ka duwan kulankii hore ee ay guuldarada la kulantay, waxaana ka muuqatay khibradii iyo ciyaar wanaagii ay caanka ku ahaayeen, balse kooxda Awdal oo aan iyaduba dabyar shidayn ayaa dadaal ugu jirtay sidii ay goolka looga hormaray iskaga soo celin lahayd balse qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1:0 ay Maroodi Jeex hogaanka ciyaarta ku hasyay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxood soo laabteen iyaga oo laba ujeedo oo kale duwan u dagaalamaya, waxayna kooxda martida loo ahaa ee Awdal ay doonaysay sidii ay ciyaarta ugu yaraan barbaro ugu soo celin lahayd halka kooxda gobalka Maroodi Jeex oo qaybta hore gool ku hormartay ay doonaysay inay ugu yaraan natiijada ciyaarta ilaashato ama ay goolal dheeraad ah la timaado.

Kooxda Maroodi Jeex ayaa markiiba heshay laba fursadood oo goolal loo fishay iyada oo weerarkeedu ay fursado halis ah ku abuureen goolka Awdal laakiin goolhayaha kooxda gobalka Awdal.