Cirro iyo Muuse Mid ba Halbaa Seegay W/Q: Dr. Mustafe Kaydsane

Adeer “Gar waa loo wada Islaam e”

1) Cirro halbaa seegay: waxay ahayd in uu ku dherersado Marxuum Cigaal oo uu yidhaahdo ” Cigaal dalka wuxuu taladiisa la wareegay iyadoo rajadu xuntahay oo ay Mujaahidiintii hirdamayey dalkii ku galgalimaysteen, wuxuu raftaba, wuxuu abuuray rajo iyo dawladnimo, dalkana wuu mideeyey. Sidaasoo kale ayaan anigu dalka marxaladan ka saaraayaa, rajo ayaan abuurayaa, ummaddan qabiilka loo kala qaybiyey ayaan midaynayaa, halkaana waan gaadhsiinaya horumarinta dalka”. Taa saa u habboonayd halkii uu eedayn iyo eedayn-celin ku mashquuli lahaa, ama uu dib u jaleeci lahaa marxalad uu isagu ka bari yahay. Muusoow keerle dadka haraadan ee gaajoonaya miyey soli kartaa, mise sahan barwaaqo ayey u yaboohin kartaa? Waa maya.

2) Muuse na halbaa seegay: Muuse isagoo casharo kabartay kufaa kacii kadhay halgankii, isku dhacdhacii jiray iyo ka soo doogeedii dambe, waxay ahayd inuu soo bandhigo fikir iyo qorshe cusub, isaga oo leh:

“waxa an rabaa in aan dalka iyo dalka mideeyo, shalay haddaan ahaa sarkaal maanta waxaan ahay Hogaamiye leh Hiraal fog, qorshe balaadhan,. Haddii an gefay shalay hala i cafiyo, maanta waxaan ahay waayeel waayo arag ah”. Laakiin ma ay ahayn in uu dib uga galo difaac marxaladii 1994 iyo saymaheedii, waxay ahayd “fule xantii ma mooga e”, in uu iska baraxo tuhun kasta oo lagu gani karo.

Labaduba ummadda hala horyimaadeen wixii ay dalkan u hayaan. Waxa ay isu soo sharexeen ummad ay rajaddii qaranimo kasii qarsoomayso oo u baahan baaq qarinimo iyo dawladnimo iyo mustaqbal.

Adeer riwaayad hore loo soo daawaday dadka yaan lagu dhagabarjayn, nin waliba naftiisa ha ixtiraamo in ta aanu ummadda hor iman, muraayada ha isku soo eego, talaqabeen xisbigiisa ee sama ka taliska ah haka talo qaato.

 

W/Q: Dr. Mustafe Kaydsane

Hargeysa, Somaliland.