Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa si rasmi ah uga furmayBandhigga Caalamiga ah (Hargeisa International Book Fair) oo noqonaysa sannadkii tobnaad ee la qabto carwadan oo ay sannad-walba ka soo qayb-galaan ergooyin iyo marti-sharaf kala duwan oo kala socda Waddamada Adduunka.
Carwada 10aad ee Buugaagta Hargeysa waxa furay oo ka qayb-galay madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), masuuliyiin dowladda ka tirsan, Abwaaniin, Aqoonyahanno iyo Marti-sharaf magac iyo maamuus ku leh Adduunka oo sannadkan lagu marti-qaaday.
Haddaba Faafaahinta warkan iyo Qaabkii ay ku bilaabantay furitaanka Carwada 10aad ee Bugaagta Hargeysa, ka daawo Muuqaalkan Hoose
https://www.youtube.com/watch?v=6xo-mGxExuM