BUUR MADAW WAA DILAAL U ADEEGA CADAWGA SOMALILAND

Waxa bulshadeenu ka dheregsantahay waxaynu nahay qaran leh cadaw badan oo jecel jabka iyo khasaraha qarankan, kaso aynu yar iyo weyn heegan ugu jirno sidii aynu ugu wajihi lahayn in kabadan inta uu cadawgu damacsanayahay, cadawgaasu waa mid muuqda oo aynu ku wajihi karno cududeena ciidan iyo mabda cad ee u degasan qarankan kuna saleysan doonista ummdan, waxanan qaba cadawgeena dibada badiba waxa heegan ugu jira ciidamada kul iyo qabawba jooga jiidaha ama an idhahdo xuduudaha dalka. sidoo kale ciidamada amniga ayaa iyaguna xiliga aynu hurudno iyo xili walba heegan ugu jira ilaalinta amniga iyo nolosha muwaadiniinta waxanan huba in abaalkooda aynana gudi karin lakin madaxdeena iyo hogaankeenu u dadaalayaan sidii ay iyagana u daryeeli lahayeen darajo iyo dheef wixi ay xaq ugu leeyihiin qarakaba.
hadaba waxa jira cadaw dahsoon oo aynana badi wada garan karin lakin marmarka qaar ay cadaato cadaawada uu u hayo qaranka iyo bulshdaa iyo madaxdisaba. waxa kamida cadawagaas buur madaw oo xaqiiqatan hadii aad tariikhdiisa dib u raacdo waa mid madaw sida ku cad magiciisa. anigoon been ka sheegeyn waxan dhacdey in xili ku beegan 1995 uu af duub kula kacay nin ganacsade ahaa taaso xaqiiqatan ah war qofkastoo magiciisa maqla kusoo dhacda maskaxdiisa. waxa kalo uu ku caan baxey isku dirka beelaha wada degan cayda madaxda iyo u adeegida cadawaga waxa ay xukumadii u hogaminayey mudane madaxweyne daahir riyaale kahin u taxbtey xabsiga iyadoo xukumadasi ilaalineysa amniga qaranka iyo halista iyo fidnada buur madaw faafinayo.
waxa dhacdey inta kadiba in uu usoo jeesto afuufida dabka iyo colaadaha beelaha isagoo markaa lagu eedeyn jirey in xukuumadi xiligaas dabada ka riixaysey lakin  an odhan karo waxay ahayeen war aan sugneyn oo an la hubsan ee wuxu u adeegayey cadawaga ay markii horeba xukuumadasu ku tuhuntey ee ay xabsiga u dhigtey.

waxan jecelahay in aan waxa aan ka arkey an ka sifeeyo buur wadaw, 15/05/2009 ayaa waxan la socodey wefti madax ah oo boqasho ku tegey wadanka uganda, markii safarkasu no soo dhamadey waxanu soo marney magalada addis ababa ee dalka aynu jaarka nahay. waxayna weftigu joogen dhawr cisho oo ay sababtey hakad geley dulimadkii sharkadii weftiga geyn lahayd casimada hargeisa, waxa buur madaw qado ku casuumey weftigii aan lasocodey oo ah rag madaxa aniguna aan ahaa shaqale dawladeed, xarunta casuumada qadada buur madaw waxay ahayd makhyada sanca oo ah makhayad  carbeed laga leeyhay yeman oo ku taal badhtanka addis ababa, halkii balanta qadadu ahayd aya layimi, bilawgiiba buur madaw iyadoon laysba bariidin ayuu bilaabey  sheeko u badan is faanid uu ka sheekaynayo naftiisa marna uu caayayo beelo iyo dad madaxa oo agteena maamus iyo cisi ku leh, waxad mooda in anu bur madaw garaneynba dadkan u u sheekeynaya in ay yihin madax ama aan idhahdo dad aqoon iyo caqli u saaxiba kana mida hogaanka ugu sareeya dalka, waxad modeysey in salanta iyo bariido uu sugi layahay si uu xumaan iyo cay usheego. xubnahan weftiga ah maaha niman ugu yimi karameyn wayo isku meeqamba may ahayn oo wa yiqiineen shaqsiyada buur madaw hase yeeshe waxan filaya in ay ahayd keliya in aaney fadhiyin uun hoteladii ay deganayeen   ee ay soo minjo baxsasadan. qadadii kadiba buur madaw waxa uu rabey in ay wada qayilaan weftiga hase yeeshe badi waxay ahayeen rag aan balawad lahayn,  waxase jirey xubno yar oo iyagu qayilayey waxanu racney tagaasi uu so balansadey buur madaw waxa dhamantoyo uu  noo hor galay oo na geeyey guri anaan xasuusan halka uu  kaga yaal addis abbaba, markanu gaadhney gurigii oo noo wadey oo ay ka  buuxan gabdho xabashiya iyo wiilala amxaaro, hore u soconey qolna nala fadhisi badeecado iyo haashtari iyo macawiso lagu taxa intii qayileysey  dhamantayona fadhisaney ragi qayilayeyna bilaabe isna bilaw sheeko faaan xad dhafa uu ku bilaabey waxa uu ka sheekeyey safar uu ku tagey libiya wxa uu sheegey wada hadal gaara oo ay qadaafi yeesheen waxa dhacayseyn in aanu hadlaka kala jareyn mar marka qaarna telfoon kusoo dhacayey oo intu yidhahdo iga rali ahada oo kula hadlo af xabashi burbura marna af caraba iyo inglish jajaba ah oo an yeelaneyn micno qofku fahim karo waxa marka uu dhameysto laha waa rasil wasarihii somaliya waa wasiirkii arrimaha debda ee dawlada ku meel gaadhka ah raga madaxda ee u sheekaynayo marba intey is jaleecan ayey dhoola cadeynayan maha niman hada uu is barayo waxanu fadhino oo uu shekadii hoganaka u hayoba waxa mar danbe yimi nin dhaliyara oo xabashiya oo marka xidhana marya iska cadiya lakin uu nogu sheegey in uu haysto madaarada itoobiya. dhab ahan may ahayn wax quseeya ragan uu casuumey lakin waxa la marey faanka waxanad dareemi kareysey in badi wuxu sheegaya tahay waxan sal iyo raad tona laahayn, waxa uu mar marka si badheedha u caayey madaxweyihii marka talada hayey mudane dahir riyale kahin waxa marmarka qaar u si laga xishoodo u caayayey beelaha iyo ummda isku qalbiga ah ee ku midoobey kelmada ku qoran calankooda iyo wada dhalashada dhabta ah. hadaan hadelkeyga isku soo xooriyo waxa maalinta ii cadaatey in Buur madaw u shaqeeyo cadawga ay leedahay somaliland, waa ta isii xaqiijiyey wareysi uu ka bixiyey 24-05-2011 Tv ga madaxabanan ee horn cable Tv oo mar marka qaaar ad is odhaneyso hadalka uu ku hadalayo maskaxiyan ma dhama mar marka qaarn ad odhaneyso maya aad ayuu u cabsanyahay oo shaki kaa gelyo xaladiisa maskaxeed, waxa uu laha hadlo ku ciyaaraya damiirka saxda ee muwaadiniinta reeer somaliland waxa uu cay iyo ceeb u geysanyey casimada hargeysa ee jamahuuriyada somaliland mar mar wuxu hurinayey dab beelaha wada dega markalena waxu tos u weerarayey madaxda qaranka somalianda, taas  waxa xigtey markii an isla xalay Tv HCTV iyo habeen kasii horeyeyba intii lasoo xidhidhey Tv-ga leh waxan la kulmey madaxda wadanka china bal xasuuso shekadan hore kugu soo sheegey, qof walba waxa masakadiisa kuso dhacaysa yuu metela buur-madaw waa wax walagu qoslo waxa taa kasii daran waxaba uu yidhi madaxweynuhu china majoogo oo mabuu tegin mana uu odhan halkaas ayuu jooga malahayga sidii uu sheegey afhayeenka madaxtooyadu md. cukuse wuxu leeyhay wuxu jooga casimada hargeysa waa hadal qof walba ku qoslaya buur madawa waa nin jifadiisu dayriyeen oo debad wareega waa nin ku caan baxay muuqal an wanagsaneyn intaaso laysu geeyey awaxay cadeyneysa in buur madaw yahay dilaal u adeega cadawga somaliland.

 

AXMED SULEMAN NUUR
axmed_saleeban@hotmail.com 
Germany.