Buugga Warsame iyo Weriyenimo (Falan-qeyn) – Qalinkii Cabdicasiis Ibraahin Ciise

Buugga Warsame iyo Weriyenimo waxa markii iigu horreysay aan ku arkay bogga uu qoraaga buuggu (Suldaan Nayruus Xaaji Aadan) ku leeyahay Internet-ka ee Feysbuugga. Run ahaantii qormo kooban oo buugga ka hadlaysay oo aan akhristay iyo qoraaga oo aan qormooyinkiisa ku taxnaa, ayaa igu dhaliyey inaan buuggaas wayddiiyo bal halka aan ka heli doono. Xidhiidh fiican oo naga dhexeeyay aniga iyo qoraaga ayuu fadligiisa buuggani ku yimid magaalada Hargeysa oo aan deganahay, isaga oo Muqdisho la iiga soo dhiibay.

Buuggani sidaas ayaa uu maktabaddayda kaga mid noqday. Run ahaantii fursad badan ayaan u raadiyey si aan wakhti u la qaato buuggan, aniga oo aroosna ah. Nasiib wanaag se, muddo afar bilood ah kaddib, ayaan akhtistey. Si degan oo dhugmo iyo dheehashaba leh ayaan u akhtistay.

warsameUgu horrayn buuggan waxa qoray qoraa qalinkiisu mudh-baxay, qoraa qormooyinkiisu socdeen oo saamayn iyo sifaynba yeesheen. Suldaan Nayruus Xaaji Aadan, waa qoraaga tiro buugaag ah oo buuggani u danbeeyay. Waa qoraaga buugta kala ah: Gododle, Gogoldhigga Ganacsiga, Qaamuuska Ganacsiga, Layla Maxaa Loo Dilay, Sheekooy Sheeko Sheeko Xariira IQK. Giddigood buugtiisu waa kuwo iibsamay oo laga yaqaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya.  Dhab ahaan waa qoraa qalin fiiqan oo hibo u leh qormaynta iyo dhigaalkeeda.

Buuggan Warsame iyo Weriyenimo waa buug sheeko ah. Siiba nooca sheekada dheer. Wuxu ka kooban yahay 190 bog. Laga soo bilaabo xaanshida koowaad illaa midda u danbeysa waa isku 190-kaas bog. Buuggu waxa uu ku garaacan yahay far yaryar oo la fahmi karayo, ruux walbana akhrisan karo. Sheekada buuggu inoo werinayaa waa qof-ka-hadal. Waa sheeko ku saabsan nin la dhaho Warsame iyo waayo’aragnimo uu ka helay xirfadda Saxaafadda oo muddo Sagaal gu’ ah uu ku jiray. Ninkaas oo ka lib keenaya mihnaddaas una diga-rogonaya mid kale. Sheekaduna waa mid dhab-ka-hadal ah oo Muqdisho ka dhacday.

Marka aad judhaba dhex gasho buugga, ee aanad ku hakan ama wakhti isaga lumin tusmada, mahadnaqa iyo afeefta, ee aad ka bilowdo bogga 9aad oo Gogoldhigga ah illaa bogga 190aad si xidhiidha oo aan kala go’ lahayn ayaad u mushaaxaysaa. In kasta oo buuggu saddex geeddi uu yahay, geeddi walbana qaybo yaryar oo cinwaanno leh yahay, haddana waa mid xidhiidhsan. Dareenkaaga iyo waayaha buuggu markay is helaan, runtii waad jeclaysanaysaa oo dhegta iyo ishaba u raaricinaysaa nolosha Warsame ee is gedgediyaysa. Hadba geeddiguu guurayo iyo jeerba fikirka uu kaga gudbayo ayaad ka waayo qaadanaysaa oo uga garaabaysaa inuu buug ku muuneeyo hal-adaygnimadiisii iyo halgankii uu soo maray.

Buuggu sidaan soo sheegay wuxu ka kooban yahay saddex geeddi. Geeddi kastaana uu gu’yaal iyo waayo’aragnimo soo gudbinayo. Geeddiga koowaad wuxuu soo gudbinayaa: dhalashadii Warsame, koritaankii, hanaqaadkiisii, ka soo anbabixii uu magaaladuu ku dhashay ka yimid, safar Gaalkacayo illaa Muqdisho ahaa, imaanshihii Muqdisho, barashadii saxaafadda iyo shaqo ku raadinteedii.

Geeddiga labaadna wuxuu inoo soo tebinayaa: shaqo bilaabiddiisii, dhibkii uu u maray shaqo helidda, ciddii garab qabatay, waayo’aragnimadii idaacadaha, sheekooyin qabsaday intuu shaqaynaayey iyo siduu uga diga-rogtay ugu danbayntii. Qaybtani waa midda ugu dheer ee buugga ugu badan qoraaguna xoogga saaray. Waana qaybta uu akhristuhu kaga boganayo waayo’aragnimada Warsame iyo talooyinka maldahan ee aad kala dhex bixi karto sheekadiisa.

Geeddiga saddexaad isagu wuxuu soo gunaanadayaa buugga, wuxuuna soo afmeerayaa waayihii taxnaa ee sagaalka gu’ ahaa. Wuxuu kaloo soo gudbinayaa isku daygii Warsame ee furashada idaacad yar, sidii uu uga gudbay ee uu markaliya ugu biiray ganacsiga, guurkiisii iyo meesha buugga ugu qaalisan, Warsame na ku noqday geesiga iyo gobta lama gooyaanka ah oo ah: abaalgudkii cid walba oo sagaalkaas gu’ garab iyo gaashaan siisay. Ugu danbayntii talooyin ku socda Warbaahinta iyo Weriyayaasha ayuu ku soo afmeerayaa.

Inta aad akhrinayso buuggan marna kuma arkaysid eray macne u baahan ama si kale kuugu adkaada. Qoraaga buuggu isaga oo aqoontiisa iyo waayo’aragnimadiisa isticmaalaya wuxuu ku dedaalay inuu saxartiro buugga, runtii waanu ku guulaystay middaas.

Buuggan oo ah buug qiimihiisa leh, waxa aad ka dheefaysaa waanooyin iyo waayo’aragnimo qof Soomaali ah maray, qof kula degaan iyo dadnimo ah maray, oo haddana aad jeclaysanayso markaad waayihiisa dhex muquunanayso inaad wax ka gunuddo.

Marka aad buugga idlayso, waxaan hubaa inaad jeclaysanayso shakhsiyadda saliimka ah ee Warsame iyo kartidiisa uu kaga gudbayo wakhtiyada adag. Sida uu mar walba u cisaynaayo habaryartiisa muuminadda ah ee dhaqaysa iyo habarwadaaggiisa halyeyga ah ee saacadiya. Waxa aad u qiraysaa habaryartii gobonimo qof bini’aadan ahi sameeyo midda u sarraysa; marka ay aqal siiso, arrin siiso, ee adduun siiso ee waliba ugu darto inantii ay dhashay oo u dhisto. Ala gobsanaa oo dun wacanaa Habaryartii Majabto, garasho dheeraa inankeedu oo wanaagsanaa. Waa shakhsiyadaha ugu mudan sooyaalkaas Warsame.

Qoraaga buuggan wakhtiga ku bixiyay, inoo muuneeyay ee isagu keen soo dubbariday wuu ku amaanan yahay qormaynta buuggan. Sida aanu uga sarriigan ugana ilduufin wax ka tegista waayaha Intaas le’eg iyo dhacdooyinkiisaba. Sidoo kale ilaalinta uu ilaaliyay qormada iyo dhammaan shuruucdeeda inuu xil iska saaray ayuu ku amaanan yahay.

Gebagebada waan hubaa inaad u mohon doonto la kulanka Warsame iyo la xidhiidhkiisa si aad isugu miisaanto waayihiisa iyo nolosha uu hadda ku jiro, jeclaysanna doonto inaad wax badan ka dheefto.

Guntii iyo gebagebadayda waxaan ku boorrin lahaa qof walba oo awooda inuu buuggan maktabaddiisa ku darsado. Inuu akhriyo oo wax badan badan kala baxo buuggaas. Waxaan sida wedkayga u hubaa inaanad ku hungoobayn sheekada qiimaha leh ee buuggan iyo wakhtiguu soo gudbinayaba. Fursad u raadso oo buuggaas akhriste hel meel walba oo aad joogto.

 

Qalinkii: Cabdicasiis Ibraahin Ciise ‘Daacad’