Berbera (SLpost)- Biyo la’aan baahsan oo saamayn inta badan shacab, gaar ahaan dadka danyarta ah, ayaa soo food-saartay magaalo-xeebeedda Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, iyadoo maalmihii u dambeeyey laga dareemayay biyo la’aanta xaafadaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah.
Dadweynaha ku dhaqan xaafadaha magaalada Berbera oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa cabasho ka muujiyey isla markaana soo bandhigay caqabadda biyo la’aanta ah ee haysata, iyadoo eedayn u jeediyey wakaaladda Biyaha ee magaalada.
WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE
https://www.youtube.com/watch?v=6_aSiZ3Zk3w
Magaalada Berbera oo ay ku taalo isha Dhaqaalaha ugu weyn ee Somaliland isla markaana ah magaalo-xeebeed kulaylkeedu saamayn ku yeesho nolosha dadka, ayaa inta badan shacabkeedu cawdaan biyo la’aan.