Biyaha Roobka iyo Jidadka Magaalada Hargeisa Maxaa kala haysta

Wariye Mustafe Future
Dhibaatada iyo Waayo aragnimadu Waa Cashar Mudan in laga Faa’
idaysto

Biyaha Roobku waa Raxmad illaahay ku Qaboojiyo Makhluuqiisa, waana Nimcooyinka rabbi

Wariye Mustafe Future

Nabaadka kaga soo saaro dhulka, kaasi oo dad iyo Xooloba laga Faa,iidaysto, waana Furaha koowaad ee Nolosha Bani,aamka, Biyaha Roobku Waa Nimco u baahan in la jiheeyo loona samaysto Weel iyo Goobo ay maraan si looga hortago Wax yeeladda ay u gaysan karaan Deegaanka, sidaa awgeed Waxaan Maanta Qalinka u qaatay in aan Wax yar ka idhaahdo Jidadka Magaalada hargeisa iyo Biyaha Roobka waxyaabaha kala haysta. jidadka Magaalada Hargeisa waa Dariiqyo la sameeyay Wakhtiyadii dawladii hore ee somaliya la isku odhon jiray ay Dalka ka talin jirtay, kuwaasi oo aan Wax ka kabis ah oo ku filan lagu samaynin marka laga reebo Woxogaa Dawladaha hoose iyo Wasaarada Hawlaha guud dhoobdhoobeen. Biyaha Roobku waxay halis Wayn ku yihiin Mustaqbalka jidadka Somaliland kuwaasi oo aan lahayn Biyo shub, biyuhuna ay ay dul fadhiistaan isla markaana Sameeyaan Godad badan oo dariiqaasi yeesho. Roob kasta oo da,aa waxa uu gooyaa qayb ka mid ah Wadooyinka magaalada ha kala badnaatee, taasi oo dhabar jab ku ah mustaqbalka jidadka iyo dhaqaalaha umadu ku bixiso jidadka Dalka.
Waxaa jira Dariiqyo badan oo dawlada hoose ee Hargeisa ka Samaysay Gudaha magaalada tan iyo intii dalka la soo galay kuwaasi oo aan loogu hagar bixin sidii jidadkii hore ee Dalka loogu soo noqday 1991-kii. Dariiq kasta oo la sameeyaa dhawr bilood ka dib waxa uu yeeshaa godad badan iyo Goo,go’ dhinac walbana Wadadu ka soo yaraato taasi oo ay gooyaan Biyaha roobku.

Dhibaatada iyo Waayo aragnimadu Waa Cashar mudan in laga Faa,iidaysto Dariiq kasta oo dhibi ku timaado waxa ay ahayd in ka danbe lagu saxo oo laga hagaajiyo halkii ka hore ka qaldnaa, balse Waxay ila tahay Talaabo qaldan in Dhaqaalaha Dadka laga guro ee lagu dhiso Dariiqyada magaalada aan si fiican loogu maamulin, isla markaana Dariiq waliba iin yeesho, oo laga shaxaado wixii uu Xaqa u lahaa, taasi oo dhabarjab ku ah Horumarka Dalka.

Maalin walba waxaa la sameeyaa ama la kabaa Dariiq ka mid ah jidadka Magaalada kaasi oo mar kasta oo Roob yimaado halkiisii ku noqda, Ma jirto Qorshe Cad oo Lagu hagaajinayo Tayada jidadkan Dhaqaalihii Dalka lagu Dhameeyay taasi oo la odhon karo ma jiro Cid ka daacad ah Mustaqbalka Horumarka Dalkan.

Waxaa jira Mashaariic badan oo Lacago badan lagu Burburiyo balse aan Faa,iido u lahayn Dalka iyo dadka kuwaasi oo laga fuliyo Dalka lagana saaray tayadii uu shaygaasi lahaa in sidii loogu talo galay loo fuliyo. Maahmaah Somaliyeed ayaa Tidhaahda “ Roob magaalo ku hooray Laamiguu ku Raftaa” haddii aan Dalkan Dadkiisii la helin waxa ay illa tahay in khiyaalugu dhab noqon doono, horumar la hiigsadaana aanu jiri doonin dib u dhac mooyaane.

Waxaan aad ugu Farxay Hayadda illaalinta Tayadda Agabka ee dhawaan Madaxwayne Siilaanyo Sameeyay taasi oo qabatay Raashinno dhacay oo Dalka la keenay balse waxay u baahantahay in Tayadda Shaqadda, Qalabka, Dawadda, iyo Dalkaba la xoojiyo lana Garab istaago si,ay waajibaadkooda uga gutaan cid kasta oo ku xadgudubta horumarka Dalka, Sharciga loo horgayn lahaa.

Wax kasta oo la samaynayaa waxay u baahanyihiin in si qoto dheer looga fikiro Qorshaha lagu hirgalin karo, iyo siyaabaha loo taabo galin karo habsami usocodka shaygaasi, sidaa awgeed Jidadka Dawlada hoose ka Samaysay Caasimadu Waxay u muuqdaan kuwo indho sarcaad ah oo lagu jeedinayo indhaha dadka balse aan tayo badan lahayn, waxaanay u baahanyihiin dabagal iyo xisaabtan dheer oo ku wajahan Mustaqbalka jid kasta oo ay samaynayaan jiri karo.

Waxaa Cabsi badani ka muuqataa Mustaqbalka jiritaanka jidadka Hargeisa iyo Qorshaha dhabta ah ee Xukuumadihii kala duwanaa ee Dalka soo maray ka lahaayeen, kuwaasi oo aan Wax Talaabo ah ka qaadin Cidhiidhiga Dariiqyada iyo Tayo Xumada Samayskooda oo Waliba ay ugu biirtay Saxmada Baabuurta oo Qoraxdii soo baxdaba sii kordhaysa. Waxaa la yidhi nin qurbaha ka yimi oo markii ugu horaysay dalka yimi ayaa lagu yidhi ka Waran Hargeisa? markaasuu yidhi “ hargeisa waa meesha inta aad Baabuurka Laamiga dhex dhigto Caffee iska soo Cabayso iyada oo Baabuurtii oo dhami ku daba taagantahay cidhiidhi awgeed” taasi waxa ay ka mid tahay dhiilooyinka dadka ku cusub caasimada ka soo yeedha marka ay dalka yimaadaan.

Waxyaabaha ugu dhibaatada badan Wakhtiyada Roobka jidadkana Waxyeelo soo gaadhsiiya, Bilicda magaaladana Nusqaan ku ah waxaa ka mid ah, Qashinka lagu Qubo Jidadk ee Biyaha la soo raacinayo, kuwaasi oo Buux dhaafiya isgoysyada iyo jidadka kale ee Badhtamaha magaalada, taasi oo ay ka dhalan karaan Cudduro badan, isla markaana ay Dawladii hoose ee Shaqadan lahayd indha ku daawanayo wax ka qabashada Arimaha Dib u dhaca ku ah Mustaqbalka Caasimadda Somaliland.
Waxaan ku soo Afmeerayaa hadalkayga Waxaa Meesha ka baxay Wadaniyadii iyo Dal jacaylkii, waxaad is odhonaysaa mararka qaar malaha Dalkan Dadkiisii ayuu la”yahay. Qofkasta Waajib baa Saaran, Xukuumadana Waajibbaa ka Saaran Dalka iyo Dadkaba haddii aan Arimahaasi dib loogu noqon waxay Dhaawac wayn ku tahay Horumarka, dhaqaalaha iyo Mustaqbalka danbe ee Qaranka Somaliland. Waxaan Cod dheer ku gudbinayaa in laga Faa,iidaysto Dhibaatooyinkii Dalka soo maray oo Jidkii shalay Wixii ka qaldamay ka danbe aanu ku dhicin.

Wa bilaahi Tawfiiq

Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Gabiley News Office
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland