Berbera: Wasiirka cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland iyo Guddoomiyaha Gobolka oo Kormeeray Xabsiga Gobolka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

Berbera (SLpost)- Wasiirka Caddaalada iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa maanta kormeer iyo indho-indhayn ku sameeyay ku sameeyay xaaladda Xabsiga magaalo-xeebeeda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Wasiirka iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta safar shaqo ku soo gaadho xarunta gobolka, waxa kormeerkiisa ku weheliyay guddoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxa uu salka ku hayay u kuurgelida xaalada Maxaabiista dalka iyo dhawaaqii Madaxweynaha ee la xidhiidhay kala-hufida Maxaabiista iyo sidii loo sugi lahaa caddaalada dadka Gar-sugeyaasha ku ah Xabsiyada dalka.

Mr Xuseen Axmed Caydiid iyo guddoomiye Ramaax waxay warbixin ka dhegaysteen madaxda xabsigaas, waxayna u kuurgaleen xaalada ay Maxaabiista ku jirtaa ku sugan tahay.

Wasiirka oo hore u booqday xabsiyada gobollada qaarkood iyo Badhasaabku waxay sheegeen in gobolka Saaxil yahay ka ugu fiican dhinaca Maxaabiista. Sidoo kale, waxay sheegeen in aanay jirin Maxaabiis gar-sugeyaal ku ah Xabsiga Berbera, waxayna arrintaas ku amaaneen Maxkamaddaha gobolkaas.

Dhinaca kale, kormeerkaas ka dib wasiirka iyo guddoomiyuhu waxay xog-waran la yeesheen saddexda guddoomiye Maxkamaddeed ee gobolkan oo kala ah; Maxkamadda gobolka, Maxkamadda degmada iyo Maxkamadda Racfaanka iyo sidoo kale Xeer-ilaaliyaha gobolka Saaxil. Wasiirka iyo Badhasaabka Saaxil waxay amaaneen dedaalka masuuliyiinta Maxkamaddaha ee ka hawlgala Berbera, waxayna si gaar ah farta ugu fiiqeen waxqabadka guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Saaxil Mr Cusmaan Ibraahim Daahir. Sidoo kale, waxay warbixin ka dhegaysteen masuuliyiintaas oo faahfaahin ka bixiyay xaaladdaha ay ku shaqeeyaan iyo heerka caddaalada gobolka Saaxil.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland