‘Beenta & Boorabagaandadu intee beri ayey ku wadayaan’

Maafiyada Xamar & ilma Jarka labaduba waxay ka siman yihiin beenta, Masabidka & indho adayga. aanay xitaa la xishoonahayn

Waxay shallay ku faraxsanaayeen Markabkii Adhiga ayaanu xaninbay oo way dabaal degayeen.

Markii Dacwadoodii ay u dhoofeenee xanibaada adhiga ahayd lagaga guulaystay ee ay ogaadeen in Xoolihii la dajiyeyna waxay la shir yimaadeen wax aan suuragal ahayn oo aan xitaa caruurta loogu sheekayn karin.

Waa nimanka yidhi Mr Khadar Maxamuud Guulleed oo lagu sheego inuu yahay Raysal Wasaare ku xigeen oo ah ninka Dagaalka qaawan kula jira Dalkiisa ee ay ku shaqaystaan Ciyaalka Maafiyada Xamar ee Farmaajo & Kheyre ayaa fasaxay adhigiii.

Su,aashu muhiimka ahi waxa weeyaan iyama ayey labada goor waallanyihiin?

Ma ninkii wax dacwaynayey ayaa hadana wax fasaxaya?

Anigaa wax xanibay & anigaa wax fasaxay labadaba ayaga ayaa laga hayaa mana aha wax dad caqli ku jiraa umada la soo hor fadhiisan karaan.

Hore ayaanu u ogayn ayaga oo aan libta inoo quudhahayn oo ina dacwaynaaya inay hadana yidhaahdeen DPWorld Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Madaxweynihii hore ee Villa Wardhiiglay ayaa saxeexay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo afkiisa ku hadlaaya warbaahinta la hadlay oo sheegay inaanu waxba ka ogayn arinta DPWORLD & saxeexeeda toona.

Miyaan la odhan karin jar iska xoornimada Maafiyada Xamar & in yar oo inaga ah oo asqaysani way iska shabahaan.

Mr Khadar oo Raysal Wasaare ku xigeen sheegta oo ah Ninka gabadha Heesta ee Caanka ah u eeg waxaa uu caan ku yahay Dagaal ka dhan ah Somaliland oo taariikhda ugu jira oo aanu waxba kaga qaadi doonin.

Yarkaa xiiran Tallaabo kasta oo uu qaado waanu la soconaa.

Kuwa qurbaha jooga ee uu ku xidhan yahay & kuwa gudaha jooga intaba waanu la soconaa.

Waxaa loo aqoonsaday oo taariikhda u gashay yarkaas iXiirn ee Khadar ee Gabdha Heesta u eeg in uu yahay qofkii abid ugu xumaa ee ka soo jeeda Somaliland ee ka mid noqda Maafiyada Xamar .

Taariikhdu way is qaraysaa lama huraana waa Caws Jiilaal oo waxaa nin walba huran Ceelkii Hargeisa oo kuwii kaa horeeyeyba waa taas lufankoodii lagu soo tuuray Hargeisa ayaga oo aan waji waangasan & ixtiraamtoona u dhex oolin Dadkooda & Dalkooda ay hore ula soo dagaalameen.

Adigana ballan ayaanu kuugu qaadnay intaad Dadka & Dalka yeeshay in maalin lagaa jari doono oo aan xitaa Cafis lagu siin doonin sidii kiwii kaa horeeyey.

Waa la noollaan doonaa Nin waliba wixii uu dhigtay ayaana lagu abaal marin oo taariikhda ugu jirta.

Allahayaw Nin daacad ah.
Allahayaw Nin daallin ah.
Deeqdaada ha u simin.

Xaji Ibrahim.