BAKI: Wasiirka Beeraha Oo Dhagx-dhigay Dib U Dhiska Maangad Lagu Waraabin Jiray Tobanaan Beerood Oo Duufaantii Sagar Ka Dumisay Beeralayda Ruqi + SAWIRRO

BAKI (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin, ayaa Maanta Dhagax-dhigay Maangan ama Moos loo samaynayo Beer-biyoodyada Tuulada Ruqi oo ka mid ah deegaannada hoos taga Degmada Baki ee Gobolka Awdal, ka dib markii Duufaantii Sagar ee halkaa ku dhufatay burburisay Maangad hore biyaha uga qaadi jiray Doox Dur-dur ah oo deegaankaa mara isla-markaana lagu waraabin jiray Beer-biyoodyada ku yaalla Dacallada Dooxa deegaanka Ruqi.

Wasaaradda BeerahaWasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo Shalay gaadhay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa Maanta gelinkii dambana Deegaanka Ruqi ka dhagax-dhigay dib u dhiska lagu samaynayo Maangadka Bustaannada Ruqi lagu Waraabiyo.

Maangadka Wasiirku dhismihiisa dhagax-dhigay oo ay Maalgelinayso Hay’adda NRC oo Taageero ka helaysa UK AID, ayaa waxa Munaasibaddii dhagax-dhigga Wasiirka kala qayb-galay Maayarka Degmada Baki, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Saam Axmed Aar, Odayaasha deegaanka Ruqi iyo Beeralayda deegaankaasi.

Wasaaradda Beeraha2Odayaasha deegaanka Ruqi oo hadallo ka jeediyey Munaasibadda ayaa Wasiir Axmed Muumin Seed ku amaaanay sida uu uga war hayo Xaaladda Beeralayda, iyagoo sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee uu Ruqi u tago shaqo la xidhiidha horumarinta Beeralayda, balse dhowr jeer oo horena tagay halkaas, iyadoo sidoo kalena sheegay in Wasiir Seed ahaa Wasiirkii u horreeyay ee Halkaa gaadhay markii Duufaantu baa’biisay Beerihii halkaa ku yaallay.

Maayarka Degmada Baki oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Maamul ahaan ku faraxsan yihiin in Wasiirka Horumarinta Beeruhu uu ka soo baxay doorkiisii horumarinta Beeraha, maaddaama oo uu mar walba Xaaladdodoa ka qar-qabo, waxaanu Wasiirka u soo bandhigay in deegaankaa laga sameeyo Biyo-xidheen hakiya Biyaha dur-durka ee Dooxa Ruqi mara, si aanay mar labaad Biyo xoog leh oo halkaa soo mara u baa’biin Maangadka biyaha gaadhsiiya Beeraha ku yaalla Dacallada dooxaasi iyo kuwa ka durugsanba.

Wasaaradda Beeraha3Munaasibadda dhagax-dhigga oo ay ka hadleen Xubno ka socday Hay’adda NRC iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa waxa soo gebogabeeyay Wasiirka Wasaaradda Horunarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed, waxaanu Wasiirku hadal uu halkaa ka jeediyey amaan ugu soo jeediyey Dadka deegaanka oo uu sheegay in markii ay isku tashadeen ee ay Lacag iska ururiyeen isla-markaana bilaabeen inay samaystaan Maangadka ay Hay’adda hadda u dhisaysaana aragtay dedaalkooda, sidaasi darteedna ay go’aansatay in Dadkaa dedaallaya wax lala qabto, sidaasi awgeed ay Dadka deegaanka Ruqi Arrintaa Amaan ku mudan yihiin.

Sidoo kale,Wasiir Axmed Muumin Seed wuxuu sheegay in dhibaato kasta oo Dadka ku dhacda oo ka awood badan ay iyagu Gacmahooda ku kasbadeen, sidaasi awgeedna Beeralayda guud ahaan, gaar ahaana Beeralayda Ruqi looga baahan yahay inay isku Calool-samaadaan oo ay si wada jir ah wax u wada qabsadaan.

Wasaaradda Beeraha4Dhanka kale, Wasiirku wuxuu sheegay in Wasaaradda Horumarinta Beeruhu u darban tahay inay Dadka Reer Somaliland, gaar ahaan Beeralayda la qabato wax kasta oo awooddeeda ah, taasina tahay Siyaasadda uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Dalka ku hoggaaminayo.

Gebogabadii, Wasiirka ayaa kormeeray Beeraha halkaa ku yaal qaarkood iyo Ceelal Dadku gacmahooda ku qodanayaan, si ay biyo uga gaadhaan oo ay Mustaqbalka ku waraabsadaan Beeraha ka durugsan Dur-durka Mara Duleedka bari ee deegaanka Ruqi, waxaanu Wasiirka iyo Weftiga uu hoggaaminayey dib ugu soo laabteen Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Wasaaradda Beeraha5 Wasaaradda Beeraha6 Wasaaradda Beeraha8 Wasaaradda Beeraha9 Wasaaradda Beeraha99 Wasaaradda Beeraha11 Wasaaradda Beeraha12