Bahda ciyaaraha berbera oo ammaan usoo jeediyay wasiirka ciyaaraha kuna tilmaamay shaqsi shaqadiisii ka soo baxay

Isu-duwaha ciyaaraha gobolka Saaxil
Isu-duwaha ciyaaraha gobolka Saaxil

Berbera (SLpost)- Bahda sports-ka gobolka Saaxil ayaa war War saxaafadeed ay maanta soo saaren ku amaanay Wasiirka cusub Ee uu dhawaanta Madaxweynha Jamhuuriyada Somaliland umagacaabay wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye oo ay ku tilmaameen shaqsi uu Madaxweynaha Somaliland usoo xulay wasaaradan dhalinyarada Iyo ciyaaraha iyaga oo war saxaafeedkooda ku sheegay waxyaabo badan oo Ay yidhaahdeen wax buu ka qabtay mudadii yareyd ee uu wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaruhu uu Xilka wasaaradan hayay. Waxaanay bahda isboortiga ee Gobolka Saaxil ay intaa ku dareen in aanay Amaantoodu aheyn mid layska yidhiye ay wasiirka ku amaanayaan wax muuqda ee uu qabtay Waxaana kamida waxyaabaha ay soo qaateen in uu yahay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaruhu Wasiir Dhalinyaro ah oo qiimaha ciyaaraha fahmaya dareena ka qaadan kara dhibaatada dhalinyarada ka Haysata dhinaca ciyaaraha sida garoomo la,aanta iyo isku xidh la,aanta ciyaaraha kooxaha gobolada Dalka waxa kaloo ay intaa ku dareen bahda ciyaaraha ee gobolka saaxil oo uu shirkooda Jaraa,id Hogaaminaayay  Isuduwaha ciyaaraha iyo dhalinyarada gobolka ee saaxil Shaafici Jaamac Aadan Waxaana goobta ay ka hadlayeen ka soo xaadiray dhamaan bahda ciyaaraha ee gobolka saaxil oo Iyaga aad moodo in rajadoodii dhinaca ciyaaraha ay soo noolaatay markii yimi wasiirkan cusub ee Ciyaaraha oo dhawaan socdaal dhiiri galin dhinaca ciyaaraha ah ku soo maray dhamaan gobolada Dalka sida la sheegen bahda ciyaaraha ee gobolka saaxilna uu dardar galiyay ciyaarihii gobolada Dalka oo ay yidhaahddeen quus baaba laga taagnaa mudooyinkii udanbeeyayna aan la qaban wax ku Talagalana aanay jirin lagana rajo belay  ayay yidhaahdeen balse waxa ay sheegen in uu wasiirka cusub ee Wasaarada ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye uu koobkii gobolada mudeeyay xiliga la qabanayo isaga oo Waliba sheegay wasiirku in lagu qaban doono magaalada Burco halka markii hore lagu qaban jiray Hargeysa oo qudha waxaa kaloo uu iyana wasiirku sheegay in uu rajaynayo mustaqbalka in koobka Gobolada ee ciyaaraha kubada cagta marba gobol lagu qaban doono sharciyadii lagu kala Hagaayay ciyaaraha goboladana iyo kuwa kooxahaba gacanta lagu hayo dhawaana la dhaqan galin Doono  waxa kaloo ay intaa ku dareen in uu Wasiirkan Cusub ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu yahay wasiirkii ugu horeeyay ee koobabkii lagu kala qabanayaay gobolada ee Ramadaantii uu gobol walba oo koob lagu qabanayayba uu furitaankii koobkaa kala qeyb galay kormeerana Ku Sameeyay garoomada ay dayartu ku ciyaaran xaaladooda guud waxaanay sigaara uxuseen in uu iyag Reer Berbera ahaan kala qeyb galay laba xafladood oo kala ah furitaankii koobka ramadaanta iyo Dhagax dhigii garoon cusub oo ay dawlada hoose ee berbera dhismeheeda fulinayso oo aad weyn imikana dhismihiisu uu socdo waxa kaloo ay bahda ciyaaraha ee gobolka saaxil sheegen in ay wasiirka Dhaliyarada iyo ciyaaraha ee soo nooleeyay rajadii dhalinyarad ee dhinaca ciyaaraha kala duwan ay Isgarab taagayaan lana shaqeynayaan ayay yidhaahdeen waxana ugu horeyn goobtaa ay war saxaafadeedka ku bixinayeen ugu horeyn ka hadlay Isuduwaha dhalinyarad iyo ciyaaraha ee Gobolka saaxil Shaafici Jaamac Aadan waxaana hadaladiisii kamida ahaa”waxa aanu manta halkan isugu nimi In aanu muujino taageerada aanu uhayno wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane Cabdi Siciid Faahiye oo runtii soo nooleeyay rajadii dhalinyarada intoodii badneyd markay waayeen Cid ku dhiiri galisa ciyaaraha balwadaha bilaabay ee manta suuqyada taagtaagan imika se waxa Muqaata bidhaan yididiilo oo uu wato wasiirkani sababtoo ah waxa taas ka maraga waa wasiirka Gobolada dalka soo wada maray ee walibana garoomadii hargeysa ee baabay uhub urursaday sidii loo dhisi lahaa kuna guuleystay oo imika waata hargeysa stadium dhismihiisii la bilaabayo waxa kaloo aanu ku taageeraynaa aniga oo ka wakiila bahda ciyaaraha ee gobolka saaxil sidii sharafta laheyd ee uu noogu furay wareegii ramadaantii dhaweyd oo uu anaga dartayo usoo galay taraagaa dheer waxa Kaloo aanu daahsaareyn sidii uu bulshada reer burco wanaaga uga kasbaday isaga oo utixgaliyay Codsigii ay ka codsadeen in koobka gobolada lagu qabto burco markaa waxan leeyahay waa in la Taageeraa masuulka shaqadii loo igmaday ka soo baxa waxa shaqadiisu tahayna aqoonsada ooh agar Daamadana laga daayo iyo xagxagashada hadii masuulka wax qabanaya la xagxagto halka aynu Taaganay dhaafimayno laakiin hadii taageero la siiyo hore ayaa loo soconayaa waxa aan leeyahay Madaxweynahana waad soo xushay wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha ee boodhka ka tumi lahaa Ciyaaraha kala duwan ee Somaliland Anagu waxa aanu haraad uqabnaa ciyaaraha oo la kobciyo dhiiri galina la siiyo wasiir Cabdi Siciid Faahiye na waxa Noog Muuqata ama aanu u aragnaa shaqsi wadaninimo ku duugantay oo wax badan ka qaban doona ciyaaraha .

Intaa kadib ayaa waxa goobtii ay dhalinta ciyaaaraha ee gobolka saaxil isugu yimaadeen oo aheyd garoonka basket Ballsha ee berbera si wada jira ugu taageero ku waajahan wasiirka kaga wada dhawaaqween waxaanay sheegeen Dhalinyaradaa oo aad ufara badnaa in ay hadalkaa uu Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Saaxil goobtaa ka Jeediyay ay Wada taageersan yihiin.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland