Badhasaabka gobolka Sanaag oo faahfaahiyey halka ay marayaan Wada-hadallo u socda Xukuumadda iyo Korneyl Caarre

Ceerigaabo (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa faahfaahin ka bixiyey wada-xaajood la sheegay inuu u socda Xukuumadda Somaliland iyo Korneyl Caarre oo dhawaan dagaal dhexmaray Ciidanka Qaranka, kaas oo hadda ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

 

Badhasaabka Gobolka Sanaag oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa magaalada Ceerigaabo, waxa uu sheegay inay jirto waan-waan laga dhex-wado xukuumadda iyo Malleeshiyaadka uu hoggaamiyo Korneyl Caarre isla markaana ay arrinta ku jiraan Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiinta Beeshiisa, natiijo fiicanna ay ka filayaan.

 

“Marba heerbay maraysaa oo xidhayaashiisii iyo Odayaal baa ku maqan, warbaananu ka sugaynaa, insha Allah war kheyr leh ayaanu ka sugaynaa. Arrinka hore ee ka timidna may xumayn oo odayaashaasaa lagu wareejiyey oo kalsoonida la siiyey,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Tiimbaro.

 

Korneyl Caarre oo hore u ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu Bilowgii dhismaha xukuumadda Muuse Biixi u baxay inuu mucaaradad hubaysan ugu baxay dalka dibaddiisa isagoo fadhiisin ka samaysaytay gudaha maamul-goboleedka Puntland oo lagu soo dhaweeyey isaga iyo Ciidan-beeleedyo uu wato. Haseyeeshee, sida wararku tibaaxeen maamul-goboleedka Puntland ayay isku af-garan waayeen shuruudo ay soo hor-dhigeen, taasina waxay sababtay inuu gudaha u soo galo Somaliland, halkaasna ay isaga horyimaaddeen Ciidamada Qaranka oo dagaal koobani ku dhex-maray ka hor intii aanu u firxan buuraha Golis oo uu dhuumaalaysi ugu jiro xilligan halkaas oo ciidamada Qaranku ku hor-fadhiyaan.

 

Guddoomiye Tiimbaro waxa uu ka digay inaanay jiri karin malleeshiyaad hubaysan oo gudaha Somaliland ku sugan, “Somaliland gudaheeda waxa reebban beel hub ku haysata, gaar ahaan gobolkayaga Sanaag, meel haku xeraysnaado ama guri halagu haysto, ma jiri karaan Qori weyn oo Tikniko la saaro oo Beeluhu haystaan,” Sidaas ayuu yidhi badhasaab Tiim-baro.

 

MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO HADALKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG

 

https://www.youtube.com/watch?v=hHnDzrAv5Ys

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net