Baaq ah In Dawladdu Ay Isu-Dhiibto Ama Dhamaystirto Gobinamada Garsoorka; Ama In Aniga Ay Dalka La Iga Mustaafuriso’

(By Security And Moral Reasons).

Mudane M/weyne, Intaan Kabihiina Tolayey Ayaad Idina Ka Shaqaynayseen Sidii Aad Ii Xaq-Seejin Lahaydeen. Waxaad tahay M/weynihii Saddexaad ee dalkan soo mara mudadii 12-sanadood ahayd ee Fulinta dacwadaydu ay socotay. Adigoo og inaan xuquuqo aan ku leeyahay Shirkaddas ayaa soo saartay Go’aan ah Xeer M/weyne NO: 0131/052011 ee ku taariikhaysnaa 22/07/2011 oo dalka aad kaga saartay gebi ahaanba Shirkaddaas TOTAL. Runtii Go’aankaasi wuxuu ahaa mid dhinaca danta guud aad u wanaagsan oo lagu farxay. Waayo Dalka laga saaray Shirkaddii TOTAL oo ahayd mid sifo Sharci daro ah, oo xaaraan ah uga maalaysatay Dalkan (Illega Enrichment). Laakiin dhinaca kale marka laga eego Go’aankaagaasi wuxuu ahaa M/weyne mid khaldan, oo lid ku ah xuquuqahayga Shakhsiga ee Muwaadinimo iyo kuwayga Madaniba. Go’aankaasi wuxuu Meesha ka saaray Muhimaddii iyo Ujeedadii falsafad ahaan laga lahaa Qodobada kala ah Qod: 28aad Faqraddiisa  1aad, Qod: 12aad iyo Qod: 34aad ee Dastuurka JSL iyo Qodobka 312aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Go’aankaagan iyo Tallaabooyinkii Xad-gudub ee M/weneyaashii adiga xilkan kaaga horeeyeyba ee la xidhiidhay Shirkadda TOTAL, Go’aanadii G/W ee Shirkadda TOTAL macneyaal badan ayey Sharci ahaan samaynayaan oo mudan in wax lagu qaato. Runtii wuxuu ahaa mid damaq badan, haddii ILLAAHAY aanu ii naxariisan lahayn, oo aanu wax i bari lahayn dhibaa dhici lahayd. Waayo JAHLIGU waa Cidhiidhi iyo Mugdi, Cilmiguna waa Nuur iyo iftiin. ILLAAHAY baa mahad leh maanta waxaan ahay nin Garyaqaan (Lawyer),  kamaan wer-werin marna ciddaan Xuquuqdaydii aan ku yeelanayo iyo meesha aan u raacanayo toona. Ogow In Xaqu aanu duugoobin, oo murti baa waxay tidhaahdaa in kasta oo uu raago Ma Lumo Xaq Ninkii Lahaa Uu Daba Taagan Yahay dalabkeeda.

Mar Haddii, adiga oo ah M/weynihii saddexaad ee Dalkan M/weyne ka noqday mudadii 12-ka sanadood ahayd ee Kiiskaygani uu Socday aad si DANAYN la’aan ah Xuquuqahayga Muwaadinimo iyo Kuwaygii Madaniba aad gebi ahaanba Dalka aad ka saartay Shirkaddi TOTAL adiga oo og in Shirkaddaas anigu aan ku lahaa Xuquuqo Fulineed. Taasi ay tahay tallaabo Xaqiraad iyo IHAANO ku ah Jiritaankayga Qofnimo; Mar Haddii, maanta Anigu aan weli NOOLAHAY, isla markaana anigu dhib kasta aan qabee aanay jirin, cid anigu aan dhibaato u geystay oo iga cabanaysa iyo Dembi aan ka galay Ummaddan, Shirkaddii TOTAL-na si NABADGELYO ah ay dalkii kaga baxday iyada oo aanay jirin wax Dhib ah oo Ammaan daro iyo Waxyeelo aan u geystay; Mar Haddii, Labadii Bilood ee Sh.TOTAL dalka ay ka sii maqnayd wax  kabadan aanan Gurigayga MAXBUUS ku sii ahaan karin. Isla markaana adiga M/weyne aanay kaa soo muuqan wax ifafaale iyo san-saan ah, oo ah Garawshiiyo aad ka bixisid khaladkaas aad iga gashay adiga iyo Labadii M/weyne ee xilkan kaaga horeeyey; Mar Haddii, Kolba M/weynaha iyo Kooxda uu wato ee sacabka la daba taagan ay yihiin kuwo iyagaba aanay dheerayn Raganimada, Baahida, Xuquuqaha iyo Manfaca Dawladnimoba, oo ay weliba isu arkayaan in Dadka iyo dalkaba ay qabsadeen; Mar Haddii, Sharciga ugu sareeya ee dalkan lagu maamulaa uu yahay RABITAANKA Madaxweynaha (The Will of the Ruler), isla markaana aan anigu ahay Qof Muwaadin ah oo aan ka Dhur sugi karin goorta uu Raali ka ahaanayo bixinta GASHIGA uu Dawladda u soo hooyey ee ka dhalanaya Gaadhista Go’aankiisaas dhayalsiga uu kaga saaray Shirkaddii TOTAL; Mar Haddii, anigu aanan hore u sii Urursan Dhaqaale Dalkan aan kaga Tahriibo, oo maanta ka hor aanay igu dhalan in dalkayga aan ka Dal Doorsado; Mar Haddii, anigu aahay Qof Muwaadin ah oo Sharci daro aan isu Dhiibi karin, Awood sheegasho iyo Xad-gudub M/weynena aan uga hadhi karin Xuquuqahayga. Mar Haddii, Anigu Afarsanadood oo dambe oo M/weyne muddo xileedkaagii ka hadhay aanan dalkaan sii joogi karin, isl markaana Xuquuqo Sharciga hortiisa aan ku leeyahay aanan adiga iyo M/weyne dabe oo iman doona aan u daba fadhiisan karin; Mar Haddii, ILLAAHAY (SWT) uu yahay mid meel kasta jooga. Mar Haddii, dalkan ay adag tahay in la DHAWRSANAADO iyo Muwaadinimo lagu xisaabtamotoona.

Ayaa Haddaba, mudane M/weyne aniga oo maanta Qof Muwaadin ah oo Garyaqaan ah, isla matkaana Cuskanaya armahaas sare aan ku soo taxay, isla markaana Qaba Miyirkayga iyo Maankaygaba, ayaa waxaan si Xushmad, Qaddarin iyo Maamuusba uu ku jiro aan kaaga codsanayaa in aad iga aqbashid oo aad kala dooratid mid ka mid ah arimahan Afarta ee soo socda;

(1) In Dawladdu ay IS-DHIIBTO Sharciga Dalkeeda, Garawshiiyona M/weyne aad ka bixisid Khaladaadkii iyo gefafka MAAMUL-XUMO ee Saddexdiina M/weyne ee xilka ku kala dambeeyey aad aniga iga gasheen. Isla markaana haddii mad-madaw ama aqoon la’aani aanay kaaga jirin aad gacanta aniga iga soo gelisid Xuquuqihii la iigu Fulinayey ee Sh. TOTAL ee adigu aad Gacantaada ugu soo hoysay Dawladda inay Qaaddo Masuuliyaddaas oo GASHI-BAX aad la timaadid. Weliba ogow, Muhiimaddu ma aha oo keliya LACAGTA, lakiin waa arin dammiireed oo la xidhiidha DADNIMADDA iyo Garawshiiyo (GARAWSHIIYO WAA GEEL SIIN); ama

(2) In Dalkan aad si Daahid la’aan ah M/weyne aniga aad iiga Mustaafurisid; Ama Xabsi Dheer aad ii Taxaabtid Sababo Nabadgelyadayda iyo Kuwa Damiirkayga awgeed (By Security And Moral Reasons); Ama

(3) In M/weyne aad soo Dhamaystirtid GABONIMADA iyo Madaxbanaanida Garsoorka Maxkamadda Sare, oo si loo Helo Xadhigii adiga iyo Madaxweyne kaa dambeeya qaban lahaa aad soo dhamaystirtid SHURUUDAHAN soo socda ee gadaal ku qoran lagu Aamini karo In Dawladda laga dacweyn karo Maxkamadda Sare, Fulinta Shuruudahaas oo ah kuwo iga baajin kara in Muwaadinimadayda aan ka doorto Laajinimo Dal-Shisheeye ah, aam Tahriibo oo aan DAL-DOORSADO.

Dawlanimadu waa Karaamo, waa Waayeelnimo, waa Fogaan-Arag, Waana Wakaalad Akhlaaqadeed (Ethical Institution). Sidaas darteedna, ma aha in lagu ciyaaro xuquuqahayga iyo dadnimadayda, sido

Mudane M/weyne, anigu waxaan ahay Muwaadin Somalilander ah oo Muslim ah, Arimahaas aan kaa codsanaday Macnaheedu ma aha Mid aan ku diidanahay adiga Shakhsiyadaada iyo Xukunkaagaba. Waayo waxa Diinta Islaamka iyo Mabaadiida Suuban ee Dhaqankeenu ay aniga i farayaan, oo la igu Amray, oo Waajib igu ah arimahan (a) In aanan ka Xidhiidh Furmin oo aanan ka Goosan Madaxdayda ah ULUL-AMRIGA; (b) In aanan ka Tegin oo aanan Faaruqin Jammaaca; (c) In Aan si macsi la’aan ah u maqlo oo aan Addeeco Madaxdayda , oo Dhib iyo Dheef, Fudayd iyo Culaysba aanan kaga hor iman; (e) In Aan u Gargaaro, Garab Istaago iyo aan u HIILIYOBA. Sababahaas anoo ka duulayana, waxay igu keliftay inaan ahaado TABLIIQI-SHARCI oo aan dawladayda iyo dadkaygaba aan fidiyo HIIL-SHARCI. Dantayduna waxay ku jirtaa ilaalinta Danaha Guud ee Ummadda. Sidoo kalena Danta Ummadduna waxay ku jirtaa Ilaalinta Xuquuqaha Qofka Keliya ee Muwaadinka ah. Markaa si gaar ah waxan kaga odsan lahaa in M/weyne aad ii fududaysid sidii aan u gudan Waajibaadka ILLAAHAY uu i saaray ee u Daryeelidda Waalidkay oo ii baahan, iyo Uhiilinta Madaxdayda ULUL-AMRIGA ah.

M/weyne waan dareensanahay oo sifiican baa u ogahay dhibaatada iyo duruufaha adag ee uu xilku leeyahay ee adiga iyo Masuuliyiinta Xukuumadda ku xeeran. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana waxa jira dareen xanuun badan, oo aniga iga awood badan, oo dabada iga riixaya oo ii diiday inaan nastom inaan Shaqaysto isla markaana i ilowsiiyey inaan u samo falo Waalidkay.

KU: Xubnaha Golalaha Wasiiradda ee Kalfadhigooda 28/07/2011

Dhammaan Xubnaha Golalaha Wasiiradda ee Kalfadhigooda 28/07/2011 ee kala ah:-

(1) Max’ed Xaashiga W/Maaliyadda; (2) Sacadka W/Qorshayta; (3) Xuseen Caydiidka W/ Caddaaladda; (4) Odayga W/Boosaha; (5) Maxamuud Xaashiga W/Duulista Hawada; (6) Cadamiga W/Gaashaandhiga; (7) Samzamta W/Waxbarasgada; (8) Wasiirka Beeraha; (9) Max’ed C/llahiga W/A/Dibadda; (10) Geeljiraha Kaluumaysiga; (11) Ilhaanta W/Qoyska; (12) Prof. Ismacil Muminka H/Guud; (13) Kii Hore ee W/Ciyaraha; iyo (13) Wasiirka Ganacsiga.

Waxad og tihiin in M/weyne Siilaanyo uu gebi ahaanba dalka ka saaray Sh. TOTAL ee aan ku lahaa Xuquudaydii Fulineed isagoo arintaas, soona saaray Xeer M/weyne ee Lambarkiisu ahaa NO: 0131/052011 ee ku taariikhaysnaa 22/05/2011. Xilliga Go’aankan uu M/weynuhu soo sarayna waa xilli aan ku gudo jiray TABLIIQINIMO-SHARCI oo idinka aan idin caawinaayey oo HIIL-SHARCI aan idiin fidinaayey. Si kastaba ha ahaatee, waxaan idinka codsanayaa in M/weyne SIILAANYO aad ku Qancisaan inuu iga aqbalo inuu yeelo midka mid ah sedan (1) In Dawladdu ay isu Dhiibto Sharciga Dalkeeda Garawshiiyona uu ka bixiyo Khaladkiisa (GARAWSHIIYO WAA GEELSIIN); ama (2) In Aniga Dalka la Iga Mustaafuriyo ama Xabsi dheer la ii taxaabo; ama (3) In Gobonimada Garsoorka Dalka loo Dhamaystiro si loo heli karo Maxkamad Sare oo Madaxbanaan oo Dawladda laga soo dacweyn karo oo leh awood Fulinta Amarkeeda ay Ku Sandulayn karto m/weynuhu inuu aqbalo una hogaansamo Sharciga.

Dhamaan Xubnaha Wasiirada waan idin TACAB-GASHADAY, oo hawl ka qaalisan Maal kasta ayaan idin gashaday. Ujeedada aan idiin Caawinayeyna waxaan Masuul kasta oo aan u tago u sheegayey ‘IN AAN DOONAYO IN DAWLADDA AAN DACWEEYO’. Waayo wax NOOL baa ku anfaca oo kaa jid baxa. Oo Dawlad aan lahayn NOLOL-SHARCIYEED waa Dawlad-Sawaaban. Madaxdeeduna waxay noqotaa Madax-Silloon. Arinkan oo faahfaahsan waxaan idiinku soo bandhigi doonaa Warbaahinta madaxa bannaan ee JSL oo kala socda qormadayda ka mid ka ah HIIL-SHARCi ee cinwaakeedu yahay ‘Dawlad-Sawaaban iyo Madax-Sillooni Cidna Kuma Anfacaan Muwaadinimo’.

Þ Waxan idinku Mahad naqayaa lacagtii aad i siiseen mudooyinkii aan ku gudo jiray Cawwintiina, gaar ahaan madaxda kala ah:-

(1) OdaygaWas. Boosaha = $ 300;

(2) Samzamta Was. Waxbarashada = $ 50;

(3) Xuseen Caydiidka Was. Caddaaladda = $ 20 (100,000 SL/Sh);

(4) Ibraahinka Wak. Biyaha Hargeysa = $ 15 (100,000);

(5) Gudd. Hay’ada Tababarad Shaq. Ee (C. S. I.) = $ 15;

(6) Agaasimaha Guud ee Was. Gaashaandhiga = $ 15 (100,000);

(7) Max’ud Xaashiga Was. Duulista Hawada = $ 50;

(8) Agaasimaha Guud ee Was. Beeraha = $ 5;

(9) Sacad Cali Shiraha Was. Qorshaynta = $ 200 oo aan ugu sameeye Xeerka Istaatistikada (Statistics Law) oo laga soo dheegtay Xeer uu M/weyne Siilaanyo ku Saxeexnaa isa iyo SIYAAD BARRE 1970-kii Xilligaas oo xilligaas oo uu ahaa Xoghayaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka;

Haddii lacag ahaan laga hadlo isu geynta lacagtaas aad i siiseen xiligii aan idin caawinayey, waxa toban lab ka badan lacagtii Dawladdu ay heshay Ganaaxii iyo Qalabkii Diyaaradii sida harci darada ah ku soo fadhiisatay Madaarka Hargeysa, Puntland u siday Qalabka Ciidamada ee ahayd sida Nibiriga Soo Caaryey. Dhokumentigii Shuruucda ahaa ee Dawladdu ay ku difaacata, ee Maxkamaddu ay wax ku Xukuntay, ee Xafiiska Xeer ilaalintuna u cus kaday Eeddiisa wuxuu ahaa Dhokumentigii aan ugu deeqay Wasaaradda Duulista Hawada oo ah sida Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dalka mid ka aradan oo aan lahayn gebi ahaan wax Shuruuc ah oo ay ku dhisan tahay oo ka soo baxay Baarlamaan Qaran oo wax lagu kala wado. Wasiirkaasna waxan ugu mahad naqayaa sida Masuuliyadda leh ee uu iga guddoomay Dhokumentigaas iyo siduu iiga dhegaystay talooyinkii Sharci ee aan siiyey. Waxaanan isaga iyo dhamaan Wasiiradaas aan idinka codsanayaa mar labaad, in idinkoo ka turjumaya dareenkaygii wadaninimo ee aad igu aragteen iyo niyad samidayda, inaad M/weynaa aad ku qancisaan in Dawladdu ay isu dhiibto Sharciga Dalkeeda.

Shirkadda TOTAL wax dhib iyo xanuun ah iguma hayso oo sanadkii 2000 ayey si gobonimo leh ay iiga jid baxday oo Qareeno ay qabsatay Sharciga iyo Maxkamadda horteeda ayaanu ku kala calaf qaadnay, oo ay ku ogolaatay Xuquuqdayda. Taasina waa sababta keliftay in Deegaankaygii aan ixtiraamka xuquuqaha Shirkaddaas awgeed aan ugu soo haajiro Berbera iyo Gobolka Saaxil, oo aan ka baqay in haddii Gobolkaas aad ku noqotid cadhada ayaa kaa qaalib noqon oo dhib ayaa kaa gaadhi Shirkadaas. Laajiin SHAADHKAN DAWLANIMO ee marba uu midi soo xidhanayo ee la iigu soo gabanayo in Sharciga hortiisa nalagu kulasiiyo oo nalogu gar qaado ayaan idinka dalbayaa in M/weynahan aad ku qancisaan.

Þ Waxan idinku Mahad naqayaa SHAQOOYINKII aad ii fidiseen ee aad ila jeclaysateen qaarkiin inaan idiin noqdo La Taliye Sharci iyo kuwiinii sida Wasiirka Maaliyadda Eng. Max’ed Xaashi ila Jeclaystay inuu igu Shaqaaleeyo Meel Hay’ad ah oo lacag Mushar wanaagsan laga bixiyo ee Qaybta (Fiscal Policy) iyo kuwii kae ee ila Jeclaystay inay ila doonaan Shaqooyin leh Nolol (ushar) Fiican. Waxase NASIIB-DARO aan idinkaga cudurdaartay in anigu aanan awoodin xiligan inaan qabto oo aan doonto wax Shaqo ah. Waayo, waxaan idiin sheegay in Qalbigayga iyo dareenkayguba ay ku maqan yihiin KIISKAN Fulinta ah ee lidka ku ah Shirkadda TOTAL. Oo maadaama Shaqadu ay tahay CIBAADO midhaheedana la quudanayo, loo baahan yahay in Shaqada loo soo jeediyo dareenka iyo qalbigaba.

 Ka Dib Markii Qoladii Xisbiga UDUB aad kala wareegteen Xilkii Xukuumadda. Waxaad Sheegteen;

  • Ø In gebi ahaanba aydaan ugu imanin dalka wax lacag ah, oo qoladii UDUD ay sii boobeen, oo xataa tii dadka ee Bangiyada taalay ay sii qaateen iyo Deymo fara badan oo boqolaal milyan ah oo aad la wareegteen;
  • Ø Waxa kale oo aynu wada ogtihiin in mudadaas yar ee Halka sanno ah ee aad xilka hayseen ay isla madaxda Xukuumadda ee ay idin dhex martay khilaafaad, is-qabqabsi iyo Gacan ka hadalba oo ku saabsan sida:-

— GACAN KAHADALO hex maray Wasiirada qaar iyo Agaasimeyaasha Guud;

— ISKU QABSI HAY’ADAHA DAWLADDA oo ku saabsan cidda ay hoos imanayso ee maamulkiisa ay jiri doonto, sida

E DAKEDDA: oo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Madaxtooyadu ay isku qabsatay cidda Sharci ahaan ay hoos imanayso;

E IMMIGRATION-ka: oo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudu iyo Madaxa Hay’adda Sirdoonka qaranku ay isku absadeen cidda ay hoos imanayso;

E XARUNTA AGOOMAHA: oo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirka Caddaaladdu ay isku qabsadeen Cidda ay hoos imanayso.

Haddaba, dhamaan arimahaasi waxay markhaati ka yihiin maqnaanshaha Sharcigii ay ku dhisnaayeen Hay’adaha Dawladdu iyo Xeer Nidaamiyeyaashii Maamul eek ala xaddayn lahaa, nidaamin lahaa, iwm. Insha ALLAH hal hal baan Warbaahinta ugu soo bandhigi doonaa hay’add kasta, duruufaha ku xeeran Xaaladooda Shaci iyo Nidaam iyo Manfaca ay Hay’ad kasta u leeyihiin Dhukumentiyadii aan mid mid ugu qaybiyey iyo duruufaha adage e ay la kulmayso Cid kasta oo ummaddan xil loogu dhiibo iyo sida iyagana dhibaato loogala kulmaayo,iwm. Waxaas oo dhami waa natiijo ka dhalatay Baadhitaano iyo deraasad dheer oo xilligii UDUB aan hore ugu sameeyey hay’adahaas Dawladda. Sidaasna garashadaydu ay isiisay si looga hortago dhibaatadaas aan Xukuumaddan Cusub u fidiyo HILL-SHARCI. Waana madax ah ULUL-AMRI oo mudan in la caawiyo iyo in loo Hiiliyoba.

Sidaas darted mudaneyaal idinkana waxa idinla gudboon in sidaas si la mid ah aad aniga iyo M/weynahaba aad noo hiilisaan, oo weliba aad M/weynahayga aad ku qancisaan in Dawladdu ay IS-DHIIBTO, oo ay GARAWSHIIYO ka bixiso khaladaadkeeda iyo Gefka MAAMUL-XUMO ee M/weyne SIILAANYO uu dalka kaga saaray Shirkaddii TOTAL ee Xuquuqda fulineed aan ku lahaa. Hiilku Waa Shay Dammiireed, Waana Shay ku xidhan in cidda Hiilka samaynaysaa ay tahay mid kala garanaysa Xuquuqaha iyo Waajibaadka dhinacyada ka dhexeeya. Waayo ‘HIILKA oo Kaa Xumaadaa Waa NOLOSHA oo Kaa Xumaata’.Arin iy Xukunba Allaa iska Leh. Illaahayna ha idin garansiiyo sida xaqa ah.

 MAAMUL-XUMO WAA ARGAGIXISO

M/weyne waxa Xaqiiqo ah in aniga aad i Dishay, adiga oo aan doonayn in aad i Dishid. Sidoo kalena Adiga oo aan doonayn inaad isiisid xuquuqahaygii la iigu Fulinayey Shirkadda TOTAL oo ay la socoto  kharashkii Dacwadda ee 11-sanadood ee xanuunka badnaa oo isu geyntoodu dhan tahay $ 222,666 USD, kuwaasoo ah GASHI M/weyne adigu Dawladdan aad u soo hoysay, oo Dawladdu inay GASHIBAX daahid la’aan ah ay la timaadaa ay ku khasban tahay. Sidoo kalena, Magdhaw ka dhashay MAAMUL-XUMO oo ka timid saddexdiina Madaxweyne ee kala dambeeyey ee iska dhaxlay Hagardaamaynt xuquuqahayga Muwaadinimo iyo kuwayga Madaniba, ayaa waxaad isiisay oo kale lacagta dhan $ 7,022,333 USD (Todoba Milyan laba iyo Labaatan Kun iyo Saddex Boqol iyo Saddex iyo Sodon Dollar oo keliya) oo Sharciga hortiisa aan ka dalban doona, si si DAAH FURAN oo Public ahna aan Warbaahhinta ugu soo bandhigi doono, si ay ula wada socdaan Muwaadiniinta Dan yarta ah ee aanu Xeerka iyo Xuquuqdaba wadaagno, ee jeebkooda ah (Khasnadda Dalka) laga bixin doono. Lacagtan dhan $ 7,022,333 USD Gashi baxeeda waxan u qaadan doonaa in muddo Toban sanadood (Ten Years) oo keliya aniga oo ah Muwaadin Garyqaan Maxamed xasan Siciid Cilmi (Salli-dhige) aan si sifo Sharci ah ku qaato lacagta ka soo baxaysa Haamaha Shidaalka ee Haamaha Berbera ee hore sida Sharci darada ah ugu Dhici Jirtay Jeebka Shirkad Shisheeye ah. Waxa xaqiiqo ahna in maant aanay Dawladdu garanayn tirada lacagta ka maqan Qaranka ee kaga maqan Sh. TOTAL ee Boqolaalkii Milyan ee Doolar ahayd e ina Xaashi uu xisaabin jiray kana hadli jiray Musuqmaasuqa lagu dhacay dalkii dhamaa. Arinba Allaa Iska Leh.

Si cad ayaan warbaahinta ugu soo bandhigi doonaa Garnaqsigayga iyo sifada Sharci ee ay Dawladdu ku gashiyowday iyo sida aan lacagta ugu yeeshay dawladaydaba. Waayo waa Magdhaw iyo Dacwad khusaysa dhammaan Muwaadiniinta JSL oo Jeebkooda laga jaraayo dhibta iyo khasaaraha MAAMUL-XUMO ee ay u soo hooyeen madaxdoodu, oo dadweynuhu ay xaq u leeyihiin inay dhegaystaan o ay qalabka Warbaahinta kala socdaan xaaladda Dacwaddu ay marayso maalin walba.

Dacwaddu ma aha wax sahlan, waa hawl aad iyo aad u dhibaato badan, laakiin marka laga hadlayo Fiqiga Qaanuunka, Falsafadaha ama Culuumta Bulshada iyo Cilmi Nafsigaba, waxa Dacwadda lagu tilmaamaa inay tahay xal iyo (Last Choose) talaabada  ama go’aanka ugu dambaya ee qofku uu qaato ee lagu soo ceshado xaq ama lagu  Difaacdo Xuquuq ama la iskagana qabto xadgudubka. Dalkeenana Dacwaddu ma aha dariiqo si sahlan loogu helo xaqa!!?

Dacwaddan na dhex martay aniga iyo Shirkadda TOTAL ka hor Weligay anigu Cid maan Dacweyn oo Maxkamad kamaan furan Dacwad, Cidina aniga imay soo Dacwayn oo Maxkamad la iigama yeedhin, Dacwaddii Shirkadda TOTAL na dhexmartayna waxay tahay maanta mid igu maraysa 12 sanadood, Dacwaddani sida  Runtii ah waa imtixaan illaahay aan ka baryaayo inuu uu igu guuleeyo AAMIIN AAMIIN.

Ma aha arin fudud in Qof muwaadin ah oo dalkiisii jooga oo weliba ah maanta nin Garyaqaan (LAWYER) ahi uu M/weynihiisa ka dalbado in Dalka Laga Mustaafuriyo iyo/ama In Xabsi loo taxaabo, mana aha arin dhayal dhayal aan iskaga leeyahay, laakiin waa arin ka soo jeedda dareen damaq badan oo bogsiin u baahan!!?

WELIGAY DAWLADDA ERGO UMAAN DIRAN

MID IYADU AY II SOO DIRATO MOOYAANE?

M/weyne waxad ogtahay oo marag aad ka tahay In Kiiskaygan mudadii xilkan M/weynenimo aad haysay aanan kuu soo diransan, ama adiga aanay kaala hadal wax ka qabashada Kiiskayga. Sidaas si la mid ahna waligay labadii Madaxweyne ee adiga kaa horeeyey iyo Xafiis kale toona kiiskaygan oo la wada og yahay miisaanka iyo culayska uu leeyahay weli wasto cid umaan kaxaysan. Taas macnaheedu ma aha in anigu Cidlaawe aan ahay, laakiin waa mid aan u tudhaayey oo aan ilaalinaayey M/weyne, halkan waxaan kuugu soo bandhigayaa laba keliya oo ka mid ah mmagacyada Xildhibaanadayda kuwaas oo miisaanka iyo qaddarinta bulshada iyo dalkaba ay ku leeyihiin lawada garaayo, (1) Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye Dirir iyo (2) Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, illaahay ha daayee waa laba nin oo xagay kaa xigaan aanay cidina xagooda kaaga soo dhacayn, arin ay galaana aan laga werwerayn, ragaas oo ah rag Qaran oo baladhan. Waa laba nin oo i dareen garanaya oo aniga DAB-DAMIS ii ahaa, kuwaasoo iyaga iyo inta kaleba ku qanacsan in anigu aanan cidna dhibaato u geysanayn, haddii la iga soo cawdana i qabanaya. Kan u cabanayo iyo cidda aan ka cabanayeyna ee i hortaagnaydna waa isku mid iyo isku dad. Marka qabiilkayga iyo dadkuba xaq bay iigu leeyiin inaan dhawro Sumacaddooda iyo magacsamidoodaba. Sidaas si la mid ahna iyagaana xaq baan ugu leeyahay inay i ilaaliyaan oo ay ii hadlaan, oo ay i doodaan, oo ay i garab istaagaan marka ay haboonaato.

Waxase jirtay in Dawladdu iyadoo ka Cabanaysa Mudaaharaad keligay aan suuqa iyo waddooyinka magaalada aan ciil la meeraysanayey iyo kuna soo baxday Wargeyska ama Joornaalka AL-XORIYA Vol. 1. Issue 12 ee Sabti, 15.02.2003 (Eeg Website address: nasiibnews. Co.cc.).

Wuxuu ahaa M/weyne ku xigeenkii hore ee JSL mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, kaasoo u soo cawday oo ergo ahaan iigu soo dirtay Maxamed Faarax Qabile iyo Dr. Maxamed Ismaaciil Burco, kuwaasoo iigu yimid anigoo jooga guriga Qareenkaygii Qareen Jaamac Cilmi Xaashi, dabadeed markii M/weyne ku xigeenka aanu Garnaqsanay waxa caddaatay in cidda is hortaagtay Fulita Maxkamadda Sare ay gacanteeda iigu fulinaysay xuquuqdayda aanu ahayn Axmed Yuusuf Yaasiin laakiin uu ahaa M/weyne Daahir Rayaale Kaahin. Runtii waxa uu ahaa Klalad aad u weyn oo anigu aan ka galay M/weyne ku xigeenkaygii, arintaas aniga iyo odayaashaydiiba xaal baanu ka bixinay. Dhacdadaas khalad ah ee Foosha xun iyo Bedelka khladkaa HIILKII-SHARCI ee aan ku gudayba iyadoo faahfaahsan ayaan halkan ku soo bandhigayaa. Waayo Xaq buu iigu leeyahay inaan sharaftiisii aan dib ugu soo celiyo, maadaamaa hore aan jaraa’idka iyo Shaaracaba aan ku soo bandhigay. Waa arin ahayd sidii sakaaradii Budka la kulantay oo kale oo hubsiimo la’aan ah, Digniinteeda uu ILLAAHAY (SWT) uu kaga hadlay Aayadda 6aad ee Suuradda Al-Xujuraat.

Su’aasha is-weydiinta mudani waxay tahay ‘Haddii Muwaadinkii Khaladkii uu ka galay madaxdiisa uu karaageliyey Xaalna uu ka bixiyey, MaxaaDawladdana ka Maanacay inay Sidaas oo Kale ay IS-DHIIBTO oo ay Qirato Khaladkeeda oo ay Xaal ka bixiso talaabooyinkeeda MAAMUL-XUMO ee ay M/weyneyaashu ku dhibaataynayaan Muwaadiniintooda?!! Markaa saw Dawladnimadii noqonmayso Haykal Argagixiso ah iyo Shaadh ah Gabiid-Xad-Gudub oo marba uu soo xidho nin Bulshadiisu ay maamuustay oo ay M/weyne ama Wasiir ama Xil kale u dhiibteen?!! Sawtii la yidhi Dawladnimo waa Waayeelnimo. Waa Wakaalad Akhlaaqadeed (Ethical Institution) Goorma ayaase dadka dalkani ay heli doonaan Dawlad Sharaf leh (Credible Government) oo Masuul ah (Responsible), oo lagu tiirsan karo (Dependable), oo lagu la isku halayn karo (Reliable), oo la aamini karo (Believable), oo lagu xisaabtami karo (Accountable), oo Waaqici ah ((Realistic)?!!!

waxa xaqiiqo ah, in ta aynu sidan nahay in Cid kasta oo Ummaddan Somaliland xil u qabata ay la kulmayso dhibaatooyin aad u faro badan. Waxa kale oo xaqiiqo ah in dadkaas madaxda ahana ee lagu aaminay xilalalka kala duwna iyana ay Bulshadoodu kala kulmayso dhibaatooyin faro badan. Haddaba, dhibaatooyinkaas kala gaadhaya madaxda iyo bulshadu ma aha kuwo ku imanaya talo gal iyo dhib qorshaysan toona. Waa arimo u baahan is weydiin iyo samayn daraasado badan oo dhinac badan ah.

Ma Ogaa M/Weynuhu In Sh. TOTAL Xuquuq Aan Ku Leeyahay?

M/weyne waxan saxaafadda madaxa banaan aan kuu soo mariyey Warqadaydii Furnayd (Open Leter) ee ku soo kala baxday labada wargeys ee kala ah 1) JAMHUURIYA Cadadkiisii 4254 ee 06/08/2010; iyo 2) Wargeyska SAXAFI tirsigiisii 84 ee 06/08/2010. Qoraalkaygaas waxan M/weyne aan kaaga codsaday in aad iga aqbashid labadan arimood; 1) In Maareeyaha Shirkadda TOTAL aad Amarto inuu hor yimaado Maxkamadda Sare ee JSL si Maxkamaddaas ay u dhamaystirto Fulunta Xukunkeedii; iyo 2) In M/weyne aad dhakhso u soo magacawdid Masuulkii GARYAQAANKA GUUD EE QARANKA iyo weliba aan kuu sheegay in weli mudadaas aanan arag M/weyne aniga imetala oo iiddooda, mid i DUUDSIYA iyo Mid Igu Dirqiya inuu iga saxeexdo qoraalo Sharci daro oo ay xadgudubkooda ku meelmarsadaan intuu is hortaago Fulinta Xuquuqahayga ee Maxkamadda Sare ay wado. Waxa intaas igaga daran oo aan qoraalkaygaas aan kuugu sheegay in M/weyne labadeenuba aynu ka simanahay hagardaamooyinka aynu kala kulanay KURSIGAAS M/weynenimo ee dalka oo labadeenaba ay Shakhsi ahaan iyo Qoys ahaanba ay inoo saamaysay, oo adiga hore loogu xadbay Xuquuqahaagi Siyaasadeed ee u tartankii M/weynenimo, Anigana lagu xadgudbay xuquuqahaygii Madaninimo. Sidoo kalena halka marwadaada AAMINA WARIS lagu xadgudbay xuquuqaheedii Shaqo ee Hay’adda Care International ay ka heshay, ayaa anigana Eedaday SHUUN SICIID CILMI (Ina Sali-Dhige) hore KURSIGAASI M/weynenimo ee Dawladnimo loogaga xadgudbay Xuquuqaheedii Shaqo ee ee Hay’adda Care International ay ka heshay ee madaxnimada xafiiskaas ee imtixaanka loogu tartamay ay ku guulaysatay, sanado ka hor marwadaada. Qoraalkaygaas Wargesyadaas oo siduu ii sheegay weliba afkiisa kuugu akhriyey Sarkaalka dhalin yarada ah ee Madaxa Baratakoolka aad u magacawday ee Maxamed (ilka Case), kaasoo warkaygaasi inuu ku soo gaadhay iigu bushaareeyey anigoo fadhiya Maqaaxida loo yaqaan ‘BURCAAN KA IMID‘ ee togdheer.