Awoodda tabobare Jose Mourinho Real Madrid oo si weyn loo dhaliilay

SLpost Sports- Madaxweynihi hore ee kooxda Real Madrid Roman Calderon ayaa cambaareeyey awooda uu tababare Jose Mourinho ku leeyahay kooxda isagoo sheegay in uu Mourinho u dhaqmo sidi isagoo madaxweyne ka ah kooxda oo kale.

Tababaraha reer Portugal ayaa raalli-gelin gaar ah u gudbiyey taageerayaasha kooxdiisa kadib rabshadihii ka dhacday garoonka Camp Nou arbacadi la soo dhaafay oo isagu qayb weyn ku lahaa.Madaxweynaha kooxda Florentino Perez ayaan weli ka hadlin rabshadaas, waxaan Calderon oo horay u cambaareeyey hab-dhaqanka Jose Mourinho uu aaminsanyahay in madaxweynaha laga doonayo inuu muujiyo awoodiisa isla markaana uu tilmaamo u noqdo kooxda.

” Jose Mourinho ayaa kooxda madaxweyne u ah, sababtoo ah madaxweynihii runta ahaa ma uusan ka hadlin xaaladaan oo looga baahnaa inuu madaxweynuhu ka hadlo.

“Florentino waxaa looga baahanyahay inuu ka hadlo arintaan oo uu yidhaahdo Real Madrid taariikhdeeda hab-dhaqankaan oo kale ma taageerto balse sidaas ma dhihin maxaa yeelay wuxuu ku xidhanyahay Jose Mourinho”.

Arintaan dhaceysa mas’uuliyadeeda ma lahaa Mourinho oo isagu aan wax bedel ah ku sameynin hab-dhaqankiisa sannadihii la soo dhaafay, waana wax la qiyaasi  karayo inuusan dhaqankiisa bedeleynin kadib imaanshihiisa kooxda ”

Warbixin ka soo baxday dalka Spain maalinimadi Salaasadii ahayd waxay sheegtay in Jose Mourinho uu qorsheynayo ka tegitaanka kooxda Real Madrid kadib markii uu taageero ka waayey madaxda sare ee kooxda, inkastoo Mourinho uu mar dambe hadalkaas beeniyey, Calderon ayaa sheegay iney suurtagal tahay in Mourinho uu kooxda ka tago.Tababare Mourinho waligii koox muu joogan saddex sanno. ayuu yidhi Roman Calderon.

Somalilandpost.net

Sports News Desk