“Aniga reer ima dooran..reer i sheegan karaana ma jiro, intiina halkan fadhidana ninna Oday iima keenine…” Madaxweyne Muuse Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi oo Daah-furay Kulan Lagaga Tashanayo Qorsheyaasha Xukuumaddu Mustaqbalka ku Hawlgeli Doonto

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha golaha wasiirrada u daah-furay kulan ballaadhan oo lagaga tashanayo qorsheyaasha ay xukuumaddu ku hawlgeli doonto mustaqbalka soo socda oo ay gundhig u yihiin buug-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II).

FB_IMG_1514025542014Kulankan oo maanta lagu qabtay Hotel Royal Palace ee galbeedka caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, dhammaanba xubnaha golaha wasiirradda iyo hoggaanka mac-hadka hay’adaha shaqaalaha dawladda, waxaana uu socon doonaa muddo Afar maalmood ah, iyada oo lagu diyaarin doono qorsheyaasha ay xukuumaddu ku hawlgeli doonto sanadaha soo socda, gaar ahaan afarta bilood ee inagu soo foolka leh ama 120 maalmood ee ugu horeeya xukuumadda.
Wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan ee dawladda, nidaamintooda iyo sidii looga hortegi lahaa murug ku yimaadda hannaanka la isula jaanqaadaayo, ayaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday, waxaana uu madaxweynuhu si hufan u sharraxay baahida loo qabo inay golaha wasiirradu noqdaan mishiinkii hoggaamin lahaa hayaanka waxqabad ee xukuumaddu u heensaysatay muddo-xileedkeeda.
Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo kulankan daah-furay, ayaa ku dheeraaday ujeedadda kulanka, waxaana uu sheegay in xukuumadda looga fadhiyo sidii ficil loogu beddeli lahaa ballamihii uu xisbigu ummadda u qabtay oo lagu lammaaneeyey qorshaha horumarinta qaranka Somaliland ee labaad, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Hawlaha inoo yaallaa way badan yihiin waxaana aynu soo galnay olole siyaasadeed, waxaana aynu dadka u ballan qaadnay ballamo waaweyn inaga oo xisbiga KULMIYE ah, Barnaajim lix tiir ah oo dadku aamineen oo qurux badan baynu samaynay, waxaana aynu rabnaa in Barnaamijkii la furfuro illayn wuu koobnaaye oo 23-kaa wasaaradood ay mid waliba qorshaheedii la baxdo oo ay u samayso sanadle, lix-biloodle iyo saddex-biloodle ka dheegan Barnaamijka xisbiga iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II), waxaynu u baahanahay inaynu diyaarino 120-ka(Boqol iyo labaatan maalmood) ee ugu horreeya oo run ah.”
Madaxweynuhu waxa uu xubnaha golaha wasiirrada xusuusiyey in aanay cid gaar ah iyo deegaanno gaar ah midna metelin, balse ay yihiin wasiirro qaran, isla markaana uu madaxweyne ahaan kusoo xushay codkii bulshada oo isku duuban, waxaana uu ku adkeeyey inay ummadda si guud ugu wada-shaqeeyaan, “Intiina I horfadhidaa waxaad Ilaahay ku mahadisaan ninna reer qudhi masoo dooran, anigana reer ima soo dooran oo qaranka oo dhan baa I doortay labadii mucaaridna way igu raaceen, markaa reer I sheegan kara oo dabada I jiidi karaa ma jiro, qaar cod ii badiyey way jiraan, laakiin qaranka oo dhan baa I doortay oo iyagu meel wax ma geeyaan, wasiirradan halkan fadhiyanna ninna caaqil iyo odayaal iima keenin, mana ogayn cidda imanaysa, codkii Umadda ee la iidhiibay awooddiisii uun baan idinku yeedhay, waanad ka nasiib badan tihiin nin olole soo galay oo Oday iyo Caaqil ay hadhow u manno sheeganayaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sidoo kale sharraxay baahida loo qabo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwa sharci ee guud ahaan bulshada haysta, isla markaana loo curin lahaa afkaar cusub oo lagaga hortago dhibaatooyinka dalka ka jiro.