Ambassador Nuuriye Oo Boorama Ku Geeriyooday Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsiyadeeyey

(SL.Post) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ku geeriyooday Boorama maanta oo ay taariikhdu tahay 25/10/2016.

14732163_1089602327820286_8258260721815693246_n

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, iyo nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay qaranka, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiinta muxtarimka ah ee dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.