Somalilandpost | News and Analysis

Afku Wuxu La Xoog Yahay Magliga Xawda Kaa Jara (Af-Ku Dhiiglayasha Qaranimada Dhaawacaya Xadhig Iyo Mustaafur Baa Ku Waajjibay)

Qalinkii: Rasheed Ali Meigag Samater

Waxaynu Joognaa Waqti U Dhigma 1988kii Markii Cadawgu Isku-Kaalmaysteen In La Tirtiro Xarakaddii Xoraynta Somaliland, Maantana Xoog Milatari Baanay  Haysanne Tabtii Waagaas Oo Kale Ayaa Dagaal Dhinacyo Badan Leh Laynagu Soo Qaaday, Kaaso Ah Mid Bulsho, Dhaqaale Iyo Siyaasadeedba.

 

Waa Waqti Cid Kasta Oo Qaranimada Ummaddan Duullimaad Ku Ah, Ama Isku Dayda Xagal-Daacinta Geeddi Socodka Qaranka Somaliland Ee Dhibta, Dhiigga Iyo Tacabkaba Loo Soo Maray – Ay Wadajir Waajib Inagu Tahay In Dhiigdhirbaaxo Aanu Ka Soo Kicin Lagu Dhufto.

 

Haddaba Xukuumaddu Illaa Goorma Ayay Ka Dul-Qaadanaysaa Sida War-Baahinta Shacabkeenna Mar Walba U Soo Bandhiga Quruxda Dhabdhabka Ah Ee Cadawgeenna – Iyagana U Tebiya Cayda Iyo Gaabiska Qarankeena Oo La Naaxnaaxiyay, Ama Dad Shaki La’aan Loo Soo Igmaday Wax-Yeellada Qarankan S/Land?.. Shacab Ahaan, Muddo Dheer Dabadeed – Dulqaadkii Iyo U Samirkii Af-Ku-Dhiiglayaashaasi Wuu Naga Dhammaday Xataa Haddii Qaarkood Waqtiyo  Hore Bulshada Dhexdeeda Magac Ku Lahaan Jireen.

Dad Baa Jira Somaliland Sheeganaya Dalkana Ku Nool Oo Caadaystay Inay Toos Ugu Adeegaan Danaha Cadawga Iyagoo Tabasho, Mucaaradnimo Iyo Weliba Hay’do Dastuuri Ah Gabbood Ka Dhiganaya, Runtuse Tahay Inay Wakiillo U Yihiin Cadawga Somaliland, Marwalbana Ku Foogan Yihiin Kala- Hagardaamada, Kala Qaybinta Qaawinta, Ceebaynta Iyo Inay Dhiriq Ku Saydhaan Guud Ahaanba Dadka, Dalka Iyo Madaxda Somaliland.

Waxa Iyaguna Soo Badanaya Shakhsiyaadka Adduun Lacageed Oo Baaxad Leh Ka Qaata Muqdisho Iyo Maal Ay Bixiso  Dawladda Qadar (Gude Iyo Dibedbana Jooga) Loona Igmaday Cayda, Niyad-Jebinta Iyo U Gacan-Haadinta Dhallinta Somaliland Habeen Iyo Dharaarna Ku Foogan In Goonni Isu Taagga S/Land Ku Dambayso Mid Dhicisowday.

Ciddii Somaliland Cadaw Ku Ihi – Beelaha Walaalaha Ah Ee Somaliland Oo Dhan Waa U Cadaw, Sidaa Darteed Midnimo Iyo Isku-Duubni Hala Ogaado. Beel Kastoo Uu Ka Dhashayna – Cadawgu Reer Ma Leh, Xukuumaddana Dadka Noocaas Ah Oo Aboolkooda La Mariyo Ayaa Looga Fadhiyaa.

 

Wa Billahi Tawfiiq

Rasheed Ali Meigag Samater

Hoggaamiyaha Jaaliyaddaha Somalida

W.London

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

Loading…