Afhayeenkii hore ee Kulmiyaha North Ameerika oo Socdaal Gilgilay Majaraha Xisbiga ku galaa-bixinaya Gobollada Maraykanka

Arizona (SLpost)- Afhayeenkii hore ee Xisbiga Kulmiye u qaabilsanaa gobollada Woqooyiga Ameerika, Eng Farxaan Axmed Maxamuud, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaal sal-ballaadh ah oo uu ku marayo gobollada kala duwan ee dalka Maraykanka, kaas oo uu ugu kuur-galayo xaaladda taageerayaasha xisbiga ee ay isku mabda’a yihiin iyo dar-dargelinta weji cusub oo ka tarjumaya diga-rogasho ay isaga iyo siyaasiin kale kaga aayo-tashanayaan masiirkooda siyaasadeed.

17454775_10210696946634358_393737618_oEng Farxaan iyo masuuliyiin ka tirsan hoggaankii sare ee xisbigaas u qaabilsanaa Woqooyiga Ameerika oo tiradaadu dhan tahay ku dhawaad 20 sarkaal , ayaa dhawaan iska casilay xilalkii ay ka hayeen xisbiga, iyaga oo sababta go’aankooda ku sheegay saluug ay ka muujiyeen nidaamka hoggaamineed ee saraakiisha ugu sarraysa Kulmiyaha North Ameerika ku hoggaamiyaan xisbiga iyo maamul-xumo xambaarsan musuq-maagsuq ay ku eedeeyeen masuuliyiinta ugu sarreysa Kulmiyaha qaaraddaas. Masuuliyiintaas ayaa isugu jiray Guddoomiyihii Garabka Haweenka, guddoomiyihii garabka dhalinyarada iyo guddoomiyeyasha dhowr iyo toban ka mid ah guddoomiyeyaasha gobollada Maraykanka u qaabilsan xisbiga Kulmiye.

Haddaba, Eng Farxaan oo muddooyinkii u dambeeyey ku gudo-jiray olole ka dhan ah ka-diga-rogashada xisbiga Kulmiye iyo sidii ay weji siyaasadeed oo cusub ugu samayn lahaayeen aayo-ka-tashiga taageerayaashooda, ayaa mar uu maanta la hadlayay warbaahinta qaarkeed, waxa uu tafaasiil ka bixiyey ujeeddada socdaal uu ku galaa-bixinayo gobollada kala duwan ee Maraykanka.

Eng Farxaan oo ugu horeyn ka hadlayay ujeeddada socdaalkiisa iyo marti-qaadyo ay u fidiyeen taageerayaasha xisbiga ee mabda’ooda siyaasaaded aaminsan, waxa uu yidhi, “Anigoo ah Farxaan Axmed Maxamuud, ahna Afhayeenkii hore ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, gaar ahaan Woqooyiga Ameerika, waxaan maanta jeclaystay inaan halkan kala hadlo warbaahinta. Waxaan ugu horeyn halkan uga mahadcelinayaa bahda saxaafadda doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan bulshada, qaddiyadda Somaliland iyo hawlaha horumarineed, gudo iyo dibadba.

Waxa kale oo aan halkan u hambalyeynayaa oo aan la joogo taageerayaashii aannu muddada badan soo wada shaqaynay magaalada Venix ee gobolka Arizona. Aad iyo aad ayaan uga mahad-celinayaa sida sharafta leh ee laysoo dhaweeyay iyo qaddarka aanu kulannay ee aanu is-waraysannay,” Sidaas ayuu yidhi Eng Farxaan Axmed Maxamuud.

Eng Farxaan isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Socdaalkan oo ka mid ah safarro aanu gobollada Maraykanka ugu baxayno masuuliyiintayadii ka goosatay Xisbiga Kulmiye oo runtii noqonaya safar aanu annaga iyo taageerayaashayadu kaga tashanayno aayahayaga siyaasadeed iyo cidda aanu siinayno taageeradayada.

Waxa kale oo aanu u mahadcelinaynaa marti-qaadka ay noo fidiyeen taageerayaashayada ku nool magaalada Sao Paul ee gobolka Minessota ee dalka Maraykanka oo dabayaaqada bisha May noo ballansan. Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca siyaasiyiintii kale ee aan guddoominayay, waxaan leeyahay dadkayaga, waxaanu idinka guddoonnay marti-qaadkaas, waananu idiin imanaynaa Insha Allah.”

Afhayeenkii hore ee Xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu ka hadaly doorka ay ku leeyihiin qaban-qaabada xuska 26-guurada ka soo wareegtay maalinta xornimada Somaliland ee 18 May, waxaanu yidhi, “Waxa kale oo fursaddan uga faa’idaysanayaa in qaban-qaabada 18-ka May ee sannadkan ee laga dhigi doono gobollada Maraykanka in laga dhigi doono oo ay qaban-qaabin doonaan guddi is-xil qaantay oo aan guddoomiye u ahay, insha Allah maalmaha soo socdana waxaanu diyaarinaynaa boodhadkii ay ku xardhnaayeen fanaaniintii iyo shakhsiyaadkii lagu marti-qaadi lahaa ee ka qayb-qaadan lahaa xafladahaas qaran oo noqon doonta mid ka duwan tii sannadihii hore.” Ayuu yidhi Afhayeenkii hore ee Xisbiga Kulmiye u qaabilsanaa Woqooyiga Ameerika.”

Eng Farxan waxa kale oo uu ka hadlay sababaha ku kallifay is-casiladdooda oo uu gun-dhig uga dhigay xil-gudasho la’aan uu masuuliyaddooda dusha ka saaray maamulka ugu sarreeya ee dalka Maraykanka u qaabilsan xisbiga Kulmiye.

 

SOMALILANDPOST.NET