Home » Archives by category » News (Page 1099)

Xildhibaanno Qaaddacay Caleemo-saarka Ugaaska Samaroon, eedaymo iyo digniinna u jeediyay Hoggaanka Kulmiye

Comments Off on Xildhibaanno Qaaddacay Caleemo-saarka Ugaaska Samaroon, eedaymo iyo digniinna u jeediyay Hoggaanka Kulmiye
Xildhibaanno Qaaddacay Caleemo-saarka Ugaaska Samaroon, eedaymo iyo digniinna u jeediyay Hoggaanka Kulmiye

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland oo  ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa si adag uga soo horjeestay Caleemo saarka Ugaaska cusub ee Beesha Samroon, kaasoo ay sheegeen inaan Caleemo saarkiisa laysku waafaqsanayn. Xildhibaanadan oo ka soo jeeda Beelaha Maxamed-Case iyo Ba-habar Carfaan ee Beesha Samaroon, waxa ay sidoo kale ka digeen […]

Continue reading …

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Talada Haya oo Dhaleecayn u jeediyay Xukuumadda

Comments Off on Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Talada Haya oo Dhaleecayn u jeediyay Xukuumadda
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Talada Haya oo Dhaleecayn u jeediyay Xukuumadda

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga talada Dalka haya ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa si adag u naqdiyay saami qaybsiga Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay inuu ku badhi-furay ballantii beesha uu ka soo jeedo. Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu sheegay in beeshiisa dhamaan laga xayuubiyay xilalkii sare ee ay Xukuumadda ka […]

Continue reading …

Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay sidii Haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay ay uga qaybgali lahaayeen Siyaasadda

Comments Off on Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay sidii Haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay ay uga qaybgali lahaayeen Siyaasadda
Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay sidii Haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay ay uga qaybgali lahaayeen Siyaasadda

Hargeysa, 08 September, 2011 (Ogaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay magacaabay Guddi cusub oo uu u xil-saaray inay soo baadhaan ama daraaseeyaan Xoojinta kaalinta Haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay ee ka qaybgalka Siyaasadda dalka. Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi-Cukuse, kaasoo […]

Continue reading …

Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa oo is-casilay iyo sababta keentay Xilligan kala-guurka ah

Comments Off on Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa oo is-casilay iyo sababta keentay Xilligan kala-guurka ah
Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa oo is-casilay iyo sababta keentay Xilligan kala-guurka ah

Hargeysa 09, September, 2011(Ogaal)- Guddoomiyihii jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, ayaa iska casilay guddoomiyenimadii Jaamacadda oo uu muddo gaaban xilkeeda hayay. In kasta oo aanu si rasmiya u shaacin guddoomiyuhu is-casilaaddiisa, haddana sida ay sheegayaan ilo ka ag dhow maamulka Jaamacadda, waxa in guddoomiyuhu iska caslilay guddoomiyemimadii jaamacadda Hargeysa, ka dib markii uu shaqo […]

Continue reading …

Bahda ciyaaraha berbera oo ammaan usoo jeediyay wasiirka ciyaaraha kuna tilmaamay shaqsi shaqadiisii ka soo baxay

Comments Off on Bahda ciyaaraha berbera oo ammaan usoo jeediyay wasiirka ciyaaraha kuna tilmaamay shaqsi shaqadiisii ka soo baxay
Bahda ciyaaraha berbera oo ammaan usoo jeediyay wasiirka ciyaaraha kuna tilmaamay shaqsi shaqadiisii ka soo baxay

Berbera (SLpost)- Bahda sports-ka gobolka Saaxil ayaa war War saxaafadeed ay maanta soo saaren ku amaanay Wasiirka cusub Ee uu dhawaanta Madaxweynha Jamhuuriyada Somaliland umagacaabay wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye oo ay ku tilmaameen shaqsi uu Madaxweynaha Somaliland usoo xulay wasaaradan dhalinyarada Iyo ciyaaraha iyaga oo war saxaafeedkooda ku sheegay waxyaabo badan oo […]

Continue reading …

Wasiirka cusub ee Daakhiliga oo ka hadlay mawqifkiisa diga-rogasho ee UDUB iyo KULMIYE iyo Xilka culus ee loo igmaday

Comments Off on Wasiirka cusub ee Daakhiliga oo ka hadlay mawqifkiisa diga-rogasho ee UDUB iyo KULMIYE iyo Xilka culus ee loo igmaday
Wasiirka cusub ee Daakhiliga oo ka hadlay mawqifkiisa diga-rogasho ee UDUB iyo KULMIYE iyo Xilka culus ee loo igmaday

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee aan wali xilka la wareegin Maxamed Nuur Carraale  (Duur), ayaa shaacay ka qaaday in maanta laga bilaabo aanay Saxaafaddu ugu soo hagaagi doonin masuul arrimaha Xisbiga UDUB wax ka weydiiyey, isla markaana marka ay dhinaca Xisbiyada noqoto uu ka tirsan yahay Xisbiga talada haya ee KULMIYE. […]

Continue reading …

Midowga Afrika waxa uu ku guuldarraystay taakulaynta dadka Afrika ee abaaruhu aafeeyeen, halka Dahabshiil laga tilmaamay kaalintiisa mudan

Comments Off on Midowga Afrika waxa uu ku guuldarraystay taakulaynta dadka Afrika ee abaaruhu aafeeyeen, halka Dahabshiil laga tilmaamay kaalintiisa mudan
Midowga Afrika waxa uu ku guuldarraystay taakulaynta dadka Afrika ee abaaruhu aafeeyeen, halka Dahabshiil laga tilmaamay kaalintiisa mudan

London (SLpost)- Wargeyska sida weyn loo xiiseeyo ee The economist, oo inta badan looga dambeeyo, kana faallooda arrimaha dhaqaalaha, ayaa warbixin guubaabo ah ka qoray gurmad’ka aan lagu diirsan ee Midowga Afrika ku wajahaan dadyawga qaaradda ee masiibooyinka dabiiciga ahi ku habsadaan, ayna ugu dambeysey abaaraha sida ba’an u naafeeyey noloshii iyo himiladii dhawr boqol […]

Continue reading …

Berbera: Wasiirka cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland iyo Guddoomiyaha Gobolka oo Kormeeray Xabsiga Gobolka

Comments Off on Berbera: Wasiirka cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland iyo Guddoomiyaha Gobolka oo Kormeeray Xabsiga Gobolka
Berbera: Wasiirka cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland iyo Guddoomiyaha Gobolka oo Kormeeray Xabsiga Gobolka

Berbera (SLpost)- Wasiirka Caddaalada iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa maanta kormeer iyo indho-indhayn ku sameeyay ku sameeyay xaaladda Xabsiga magaalo-xeebeeda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Wasiirka iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta safar shaqo ku soo gaadho xarunta gobolka, waxa kormeerkiisa ku weheliyay guddoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxa uu salka […]

Continue reading …

Guddoomiyaha Kulmiye oo Wasiirka Cusub ee Daakhiliga uga digay shakhsiyaad beelo-ku-macaash ah

Comments Off on Guddoomiyaha Kulmiye oo Wasiirka Cusub ee Daakhiliga uga digay shakhsiyaad beelo-ku-macaash ah
Guddoomiyaha Kulmiye oo Wasiirka Cusub ee Daakhiliga uga digay shakhsiyaad beelo-ku-macaash ah

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay talooyin calculus u soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo uu khamiistii inna dhaaftay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo xilkaas u magacaabay. Muuse Biixi, waxa uu Wasiir Duur uga digay inuu iska jiro dadka midabbeeya ee marka dadku […]

Continue reading …

Wariyihii Wargeyska Waaheen ee Gobolka Togdheer oo Xabsiga loo taxaabay

Comments Off on Wariyihii Wargeyska Waaheen ee Gobolka Togdheer oo Xabsiga loo taxaabay
Wariyihii Wargeyska Waaheen ee Gobolka Togdheer oo Xabsiga loo taxaabay

Burco, (SLpost)- Wariyihii Wargayska Madaxa banaan ee Waaheen ee Gobolka Togdheer Axmed Muuse Maxamed (Sagaaro) ayaa maanta Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cabdi si sharci daro ah Saldhiga Dhexe ee Burco ugu xidhay. Wariyaha oo aan loo keenin waaran maxkamadeed oo xidhigiisa xalaalaynaya ayaa maanta waqti uu hawl maalmeedkiisa ku gudo jiray  lagu xidhay amar […]

Continue reading …