Madaxwaynaha Somaliaya Ayaa Cambaareeyay Qarixii Kadhacay Garoonka Diyaadaha Ee Magaalada Istanbul

images
Madaxwaynaha soomaaliya mudane Xasan SHeekh Maxamuud ayaa sheegay in ay muujinayso taagdarada  kooxaha argagixisada oo ay beegsanayaan dadka aan waxba galabsan.

Mudane xasan sheekh maxamuud waxa uu wadanka turkiga ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxii ismiidaamintaahaa ee ka dhacay garoonka diyaadaha ee magaalada istanbul habiinkii xalay ahaa  isagoo sheegay in uu la dareen sanyahay dibaatada ay gaysanayaan kooxaha argagixisada ahi.

Madaxwaynaha soomaliya ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ahi ayihiin kuwo taagdareeyay  sidoo kale ay yihiin kooxaha isqarxiyaa kuwo quuska taagan dagaalo toosa oo ay galaan isla markaana ay
bartilmaameedsadaan dadka shacabka ah taasina ay daliil u tahay sida aanay u ixtiraamay xuquuqda aadamaha.

Isagoo sheegay inkooxaha argagixisada ahi yihiin kuwo u midoobay dhibaataynta bulshooyinka caalamka
taasna laga hortagi karo dagaal caalamku umidaysanyahay oo lagu qaado kooxaha argagixisada ah.

Madaxwayne xasan ayaa sheegay in dawlada somliya ay xooga saartay la dagaalanka kooxaha argagixisada ah sidoo kalena waxa uu intaasraaciyay in dhibaatada kooxani ay tahay midcaalanka oo dhan saamayn doonta oo aanay ku koobnayn turkiga iyo somaliya.

Madaxwayne xasan sheekh waxa uu ugu dambayntii sheegay in uu aad uga xunyahay dhibaatada uu gaystay qaraxii turkiga ka dhacay isagoo sheegay in turkigu uu yahay sxb dhow oo ay leedaha dawlada soomaaliya aadna ay uga wada shaqeeyaan dhinacyo badan oo
ayka midtahay xaga amniga iyo kaalmooyin farabadan oo ay turkigu siiyaan somaliya. images1 index