Cidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Talka Talyaaniga Oo Soo Badbaadiyay Tahriibayaal

imag-740x493(slpost)-Ciidamada Ilaalada Xeebah Dalka Talyaaniga Oo SOo Badbaadiyey Tahriibayaal Hor Leh

Ciidamada illaalada xeebaha dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in ay badwaynta Mediterranean-ta ay ka soo badbaadiyeen 4500 oo muhajiriin ah khamiistii oo kali ah.

Waxay sheegeeen in ay sare u kacday tirada muhaajiriinta ka imaanaya waqooyiga Afrika iyadoo haatan baddu ay daggantahay.

Qaramada Midoobay ayaa horraantii bishan waxay sheegtay in 10 kun oo qof ay dhinteen iyagoo isku dayaya in ay ka tallaabaan badweynta Mediterranean-ta si ay u gaaraan Yurub labadii sano ee la soo dhaafay.
xigasho hadhwanaagnews