Maxaad ka ogtahay Heesaha loo Cudeeyey inay Kaalmaha Hore ka galeen Qiimeyn lagu sameeyey Heesaha Sannadkan ugu Shilis ee ay soo saartay Fannaanadda YURUB MAXAMED CABDI (GEENYO)?

YURUB GEENYO IYO MAXAMED CIRO GUURKEENA KU DHAWAAQ VIDEO 2016Iyadoo Sannad kasta ay heeso cusub soo saaraan Fannaaniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan fannaaniinta qarnigan laga daba-dhacay ee Xiddigaha Geeska oo fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa. Waxa baadhitaan iyo codeyn ay macaamiisheedA ka qaadday barta Youtube-ka ee Hargeysa Music Productiomn, si gaar ah loogu soo qaatay heesaha Sannadkan badhtamaha lagaga jiro ee 2016-ka ay soo saartay Fannaanadda casrigan lagu tilmaamo BOQORADDA CODKA ee Yurub Maxamed Cabdi (Yurub Geenyo), iyadoo dadweynuhu u kala codeeyeen heesihii ugu shidnaa isla markaana kaalmaha hore ka galay hab-faneedkeeda iyo midhaha suugaanta ay u gudbinayaan heesaheeda si weyn u taabtay dhegaha bulshada Soomaaliyeed.

Waxa kaalinta Koowaad loogu codeeyey codbixinta ay samaysay HARGEYSA MUSIC PRODUCTION heesaha sannadkan 2016-ka, Heesta lagu magacaabo HARGEYSABA KAMA TAGEEN oo uu midhaheeda isla leeyahay Abwaanka Da’da yar  ee Siddiiq Maxamed Burmad. Heestani waxa laxanka saaray Fannaan lagu magacaabo BEELLE, waxa Miyuusikadeeda ku fara-yaraystay Macalin Axmed Wali Ibraahim Furinle.

DAAWASHO HABBOON HEESTA KAALINTA 1AAD GASHAY

HEESTA KAALINTA LABAAD LOO CODEEYEY…

HEESTA KAALINTA 3AAD LOO HIBEEYEY

HEESTA KAALINTA AFRAAD GASHAY