Ururka SOLJA oo ka hadlay Weriyeyaal dhowr maalmood u xidhnaa Maayarka Berbera oo Xorriyaddooda dib u helay

xuutoHargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay sii-daynta Afar Weriye oo todobaadyadii u dambeeyey xadhig sharci-darro ah ugu xidhnaa Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin, iyadoo maxkamadda isla maanta xorriyaddooda dib ugu soo celisay afarta suxufi.

Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA waxa uu u mahad-celiyey Bahda Garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda gobolka Saaxil, balse waxa uu Ururku dhaliilay nidaamka maamulka degmada Berbera u maray Xadhigga weriyeyaasha oo sharci-darro ahaa.

War-Saxaafadeed Qoraal uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa arrinta xadhigga weriyeyaasha lagaga hadlay,  waxaanu Qoraalka War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:  “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu u mahad-naqayaa Bahda Garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda gobolka Saaxil oo maanta xorriyaddoodii u soo celisay Weriyeyaasha kala ah Mukhtaar C/raxmaan Maxamuud, Mubaarig Cisaan Siciid, Axmed Siciid Maxamed iyo C/raxmaan Maxamed Cige oo Maayerka degmadda Berbera si sharci-darro ah u xidhay.

SOLJA waxay hore u caddaysay falka uu Maayarku ku xidhay wariyayaashaasi in uu ahaa khalad, isla markaana uu kula kacay wax ka baxsan nidaamka sharciyeed ee dalka u yaala gaar ahaana uu ka hor yimi xorriyaadka aas aasiga ah ee Dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu-ba u damaanad qaadeen suxufiyiinta iyo bulshada reer Somaliland oo dhan.

weriyeyaalUrurka SOLJA waxa uu aaminsan yahay in ay saxaafaddu gudato waajibaadka dastuuriga ah isla markaana ay bulshada gaadhsiiyaan wax kasta oo u adeegaya horumarkooda, isla markaana ka hor yimaadaan talaabo kasta oo dhibaato u horseedi karta Qaranka.

Suxufiyiinta Somaliland waxay qayb libaax ka soo qaateen dhismaha Dalka, waxaanay heegan ugu jiraan taaba-galintiisa. sidaas daraadeed mar-naba ugama Habran doonaan falkasta oo ka dhan inay masuuliyadda saaran ku joojiyaan gudbinta maslaxada Dalka.

Ururka SOLJA waxa uu soo dhaweynayaa talaabadda ay Maxkamadda Gobolka Saaxil ku sii daysay wariyayaashii dhibta adag kala kulmay muddadii ay u xidhnaayeen amaradii sharci darada ahaa ee ay ku mutaysteen xadhiga, iyagoo maalmihii ay xidhnaayeen la kulmay xabsi adag.

Ururka SOLJA waxa uu Garsoorka ugu baaqayaa inay talaabo ka qaadaan masuuliyiinta ku takri-falaysa awooda ay u hayaan bulshada isla markaana ay ku ciqaabaan, maadaama sharciga loo siman yahay.

Inkasta oo Garsoorku talaabo fiican jideeyey waxa muuqata inaanay masuuliyiinta qaarkood tixgalinayn sharciga, Ururka SOLJA-na waxa uu Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyey dacwado ka dhan ah Hab-dhaqankaas, waxaanan ku kalsoonahay intay doonto ha qaadatee inaanu u samrayno inta arrintaasi ay ka midho dhalayso.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka SOLJA