Xisbiga WADDANI oo Ka Hadlay Ruqsad Laga Qaaday Qareen u Dooda Xuquuqda Dadka

Hargeysa (SLpost) Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa canbaareeyey go’aan uu dhowaan Wasiirka Caddaaladu ruqsadii qareenimo uga qaaday Guuleed Axmed Jaamac. Barkhad oo kula hadlay saxaafadda magalaada Hargeysa wuxuu ku eedeeyey wasiirka inuu ku gefay Xeerka Qareenada, Xeer Lr. 30/2004 oo ah xeer dhaqangal ah.

wad“Wasiirku wax awood ah uma laha inuu ruqsadaha ka qaado qareenada. Maaha shaqadiisa. Sharciga dalka u yaal in lagu tunto maaha. Xeerka qareenadu si cad ayuu u sheegayaa in xilkaasi yahay mid ay gaar u leedahay Gudida Ruqsad Bixinta iyo Anshax-marinta Qareenada. Qodobka 37aad ee dastuurku wuxuu sheegayaa in awoodaha qaybaha qaranku kala madax banaan yihin. Wasiirku inuu qaato awood aanu lahayn waa dastuur jebin.” Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi.

Wuxu intaas ku daray in qodobada 13 aad iyo 14aad ee Xeerka Qareenadu uu si cad u sheegayo sababaha Gudidu uga qaadi karto ruqsad qareen kuwaasina waxay yihiin hadii uu galo qareenku dembi culus sida hadii uu laaluush siiyo garsoore ama hadii marka horeba uu khiyaamo ku helay ruqsadda.

“Waxa yaab ah in Wasiirka Caddaaladu qoraalkiisa ku sheegay in Xeer-ilaaliyaha Guud ka codsaday in qareenka laga qaado ruqsadda. Xeer-ilaaliyaha Guud ma awood buu u leeyahay inuu ruqsadaha ka qaado qareenada ay dacwdaha iskaga horyimadaan? Uma laha. In Wasiirka Caddaalada loo adeegsado arimo sidan oo kale ah maaha.”

Ugu danbaynti, Barkhad wuxuu u soo jeediyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare inuu laalo go’aanka Wasiirka oo uu u ogolaadu qareen Guuleed Dafac inuu shaqadiisa guto. “Tani wado cusub ayay noqon doontaa oo dadka oo dhan saamayn doonta hadii aan laga hortegin. Xirfadlayaasha oo dhan oo ay ka mid yihiin dhakhaatiirtu ayay saamayn ku yeelanaysaa oo ay tanoo kale ku dhici kartaa.” ayuu yidhi Barkhad Jaamaac Xirsi.

SLpost.net