Isbeddel lagu sameeyey Hoggaanka Maamul ee Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska

HARGEYSA (SLpost)- Kooxda ka caanka gayiga Afrika ee ugu horeysa somalida xaga fanka oo ah kooxda xidigaha geeska ayaa goordhawayd kalfadhigoodii ku doortey hogaan cusub waxaana ka soo xaadirey 22 xubnood ,warka oo aanu ka helney xafiiskooda u qaabilsan Dhanka Warbaahinta ayaa Sidan udhignaa:-

xiddigaha geeska“Shir waynihi Kooxda xiddigaha geeska oo lagu doortay maamul cusub

Kooxada xiddigaha geeska oo ah koox faneed ka dhisan magaaladda Hargaysa ayaa sida uu Sharci hoosaadka u yaalaa uu dhigayo labadii sanaba doorata maamul mudo laba sanadood ah hogaamiya kooxda, sidaa daraadeed shir ka qabsoomay xarunta kooxda xidigaha geeska ee magaaladda haragaya islamarkaana ay kasoo qeyb galeen 22 xubnood oo ka mida xubnaha koox da xiddigaha geeska waxa halkaasi sida sharciga kooxdu dhigayo lagu doortay hogaanka kooxda xiddigaha geeska hogaamin doona mudada labada sano ee soo socota.

Waxaana halkaasi gudoomiyaha kooxda xiddigaha geeska ee labada sano ee soo socda si rasmiya loogu doortay Axmed wali ibraahim Maxamuud{ furine} , oo ay cod gacan taag ah ku dorteen 21 xubnood oo shirka kasoo qeyb galay, sidaana uu xilkaasi ugu ansaxay isagoo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenka kooxda xidagaha geeska.

Halka sidoo kale gudoomiye ku xigeen loogu doortay Maxamed Axmed Bakaal {cirro} oo 22 xubnood cod gacan tag ahi ugu doorteen xilkaasi siagoo hore u ahaa xog hayaha kooxda xidaha geeska, waxa sidoo kale xog hayaha kooxda xidagaha geeska loogu doortay Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi {oday} taas oo 21 xubnood ay xilkaasi ugu doorteen isagoo hore u ahaa madaxa abuubulka kooxda xidagaha geeska.

Sidaa daraadeed gudoomiyihii hore ee kooxda xidagaha geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul {laabsaalax} isagoo ku mahadsan xilka uu soo hayay muddo laba xilliyeed horumarkii iyo guulihii uu gaadhsiiyay kooxda waa mid karaamo iyo qadarin ku leh kooxda dhexdeeda.

 

Magacyada xubnaha ku saxeexan war-murtiyeedka

  1. Axmedweli Ibraahin Maxamuud
  2. Sidiiq Maxamuud Gahayr
  3. Maxamed Siciid C/laahi (Xarrago
  4. Maxamed Siciid Cabdi (Bk)
  5. C/risaaq Xaamud Caydiid (Jaylani)
  6. Maxamed Miyir Xaaji
  7. Sidiiq Maxamed Burmad
  8. Guddiga Agaasinka Kooxda Xiddigaha Geeska (BOD)