Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo go’aan ka soo saartay Caleemo-saarka Madax-dhaqameedka iyo kuwa ay u oggoshahay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa gebi ahaanba mabnuucday caleemo-saarka madax-dhaqameedka Cusub, sida lagu sheegay war-qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Daawo:-Wasiir Warancade Oo Lagu Yaqaanay Cayda Somaliya Oo Si Qabaw Uga Hadlay Weerarka Ciidanka Bada Ee Jabuuti iyo Dafirida Qaranimada SomalilandQoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa lagu sheegay in wasiirka Wasaaraddaasi Md Cali Maxamed Waran-cadde uu wareegto ku mabnuucay gabi ahana caleemo-saarka Salaadiinta iyo Cuqaasha Cusub, marka laga reebo caleemo-saarka Salaadiinta iyo Cuqaasha ku yimaadda nidaam dhaxal-tooyo ah,

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:- “Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Mudane  Cali Maxamed Waran-cadde Isaga oo  tixraacaya  Wareegtadii  Sumadeedu ahayd WAG/Xw/86/72/2015 kuna  taariikhaysan  11/01/2015  oo  kazoo   baxday   xafiiska wasiirka   Arrima gudaha   ujeedadeeduna ahayd  joojinta  caleemo saarka  cuqaasha iyo salaadiinta  soo  badanaya.

“Waxaa uu wasiirka ku wargalinayaa  dhamaanba Badhasaabada Dalka Iyo Taliyaha Ciidamada Boliska  JSl . in la joojiyo  dhamaan caleemo saarka  Salaadiinta  Iyo Cuqaasha Cusub ee aan Ku Iman Dhaxaltooyo.

Sidaas awgeed waxa laydin  farayaa inaad ka ilaalisaan  Gobolada Iyo Degmooyinka aad Madaxda u Tihiin  in lagu  caleemo saaro  Suldaan iyo Caaqil Cusub, isla markaana waxay  wasaaradu  gacanta ku  haysaa  Sharcigii Lagu Mabnuuci Lahaa Madaxdhaqameedka Cusub ee Somaliland.

Ugu  Danbayntii Waxaad  la wada socotaan  Baryahan Danbe  Cadawga Somaliland Waxa uu  isku Dayayaa  Sidii loo kala Qaybin lahaa  bulshada  Somaliland , iyaga oo Doonaya  Inay  Bulshada ka dhex samaystaan  Madax Dhaqameed Madiidaan  u  noqda.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Wasaaraddaas Jamaal Cabdi Muxumed.