Xuska Sannad-guuradii 14-aad Ee Madaxweynihi Hore Somaliland Oo Khamiista La Qabanayo

Hargeysa  (SLpost) ALLE ha u naxariiste waxa ay maanta ku beegantahay sannad guuradii 14aad ee ka soo wareegtay geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo geeriyooday 3 May 2002.

 

download-2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xus ayaa sannad kasta loo sameeyaa maanta oo kale, waxaana xuskii sanadkan la qabanayaa khamiista toddobaadkan 5 May, waxaana lagu qabanayaa hoteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa.

 

 

 

Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed, ayaa ku jira qaban qaabada xuska Marxuum Cigaal ee sannadkan, waxaana barqada khamiista hoolka Guuleed lagu qabanayaa munaasibad balaadhan oo loogu duceyn doono marxuumka, islamarkaana lagaga hadli doono taariikhdiisii iyo hoggaamintiisii uu umadda reer Somaliland kaga soo saaray xaaladii adkayd ee ay ku jireen markii uu talada qabtay.

 

 

 

 

Guddi qaban qaabo oo uu hormuud u yahay ganacsade Cali Cumar, ayaa ku jira diyaarinta madasha iyo weliba dadkii khudbadaha ka jeedin lahaa ee xidhiidhka dhow la lahaa Marxuum Cigaal, kuwaas oo ay ka mid noqon doonaan xubno ka tirsanaa golihiisii xukuumadda, madaxda dhaqanka iyo aqoonyahano reer Somaliland ah.

 

 

 

Somalilandpost. Hargeysa