Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Oo Xukuno Ku Riday Salaadiin

 

Hargeysa (Slpost) 14 qof oo saddex ka mid ahi madax-dhaqameed yihiin, ayaa Maxkamadda Hargeysa ku xukuntay xadhig iyo ganaax lacageed oo kala duwan, magaalada Mandheera ee Somaliland.

 

 

SULDAAN-MAWLIID-SABAYSO

 

 

 

 

 

 

 

Dadkan la xukumay ayaa ku eedaysnaa inay khalkhal geliyeen goob ay ka socotay diiwaangelinta doorashada muwaadinku oo ku taalla waqooyiga magaalada Hargeysa.

 

Salaadiinta ayaa kala ah:

 

Suldaab Ibraahim Suldaan Sulub

 

Suldaan Mawliid Cali Sabayse

 

Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore

 

Garyaqaan Xasan Cali Xasan oo ka mid ah garyaqaannadii u doodayay dadkan oo in muddo ah xidhnaa, ayaa waxa uu xukunka ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

 

Garyaqaanka ayaa waxa uu ku dooday in maragyo ku filan aan loo cuskan xukunkan, isla markaana salaadiintu la xukumay ay deegaankaa u tageen inay shaqaaqo ka jirtay xalliyaan. Garyaqaanku wuxuu intaa ku daray inay rafcaan ka qaadan doonaan xukunka.

 

Somalilandpost. Hargeysa