Djibouti  Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Casuuntay Caleemo-saarka Madaxweyne Geelle

 

Hargeysa (Slpost) Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ku casuumay xafladda caleemo saarka iyo dhaarta Madaxweynaha Djibouti oo bishan dhammaatay mar kale loo doortay Madaxweynaha Djibouti.

 

 

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u soo diray martiqaad rasmi ah oo uu kaga mid noqonayo madaxda ka qayb galaysa munaasibada dhaartiisa oo qabsoomaysa 8 May.

 

 

Madaxweyne Siilaanyo, ayaan la filayaa inuu munaasibadaas lagu casuumay weftiga uu u kaxaysan doono  uu ka mid noqon doono guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo sidoo kale xubno ka tirsan golaha wasiirada.

 

 

Madaxweynayaal kala duwan oo ka kala socda gobalka iyo qaaradda Afrika ayaa la filayaa inay ka qayb galaan caleemo saarka iyo dhaarta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo qaban qabadeeda laga dareemayo guud ahaan dalka Djibouti.

 

 

 

Somalilandpost. Hargeysa