Maamulka Dekeda Berbera Oo Warbixiyay Dhaqangalka Heshiiskii Isticmaalka Dekeda Berbera Ee  Dhex-maray Somaliland Iyo Itoobiya

Berbera (SLpost) Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor), ayaa ku dhawaaqay Digreeto uu Madaxweynahu ku dhaqan gelinaayo heshiiskii adeegsi ee dekadda Berbera ay dawladda Itoobiya la soo gashay, waxaana uu ugu baaqay shacabka Somaliland iyo kuwa reer Itoobiyaba in laga billaabo maanta uu u furan yahay adeegsiga dekadda Bebera, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay ka dekad ahaana ay awooda saari doonaan siddii ay adeegyadaas ay si hufan oo ballaadhan ay ugu adeegi lahaayeen macaamiisha kala duwan ee ka adeeganaysa.

 

Displaying DSC_0404.JPG

index

 

 

 

 

 

 

 

“Halkan waxa yaala heshiis dhammeystiran oo dawladda Somaliland iyo dawladda Itoobiya ay wada galeen, heshiiskaasi waa heshiis ganacsi, wuxu qeexayaa oo uu qorayaa oo uu faaleynayaa badeecadda Itoobiya, ta ku socota iyo ta ka timidba ay dekadda Berbera ka baxdo kana dhoofto. Badeecaddaas dawladdeena guddiyo badan ayaa ka shaqeynaayey, guddi farsamo oo heer qaran ah ayaa ka soo shaqeysay, weliba muddo sannad iyo badh ah ayaa ay ka shaqeynaayeen, waana aad ogeydeen in halkan uu wefti innoogu yimi, markii dambena wefti inaga socda oo dalka Itoobiya tegay ayaa heshiiskan lagu kala saxeexday. Waxa kale oo aan halkan idiin ku caddeynayaa wareegtaddi madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Siilaanyo lagu oggalaaday in uu ku dhaqan geliyo oo uu ku amraayey hay’adaha dawladda in la dhaqan geliyo heshiiskaas, waxaana aanu maanta u sheegaynaa dadweynaha reer Somaliland iyo kuwa Itoobiyaba in hawshaasi ay fasax tahay oo ay si toos ah u billaabanto, labada shacabna ay ka faa’ideystaan, dekadda Berbera-na ay diyaar u tahay in ay hawshaas ka faa’ideystaan iyo weliba hay’adaha kale ee dawladdaba ee halkan ku qeexan iyo kuwa ay sida dadban u soo gelayso hawshaasi in ay iyaguna fuliyaan amarka madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Siilaanyo.” Ayuu yidhi Cali Xoor Xoor

 

 

 

 

Somalilandpost. Hargeysa