“Madaxweynuhu Isaga Oo Cadhaysan Ayuu Go’aankaas Gaadhay” Wasiirkii Boosaha oo Ka Hadlay Xil Ka Qaaditiisa

Hargeysa  (SLpost) Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta  ee Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa go’aan cadho ah ku tilmaamay xil ka qaadistiisa.

 

 

Maxamed Jaamac Abgaal, oo uu waramay HCTV, waxa uu yidhi, “Markuu xilka ii dhiibay waan ku farxay waanan ku hambalyeeyay, imika oo uu iga qaadayna waan ku hamablyaynayaa, waanan ku faraxsanahay inkastood yara moodo malaha Madaxweynuhu markuu qoraalkayga samaynayay isagoo cadhaysan ayuu go’aankas gaadhay, laakiin mar walba waan ku qanacsanahay, dabcan kursigan aan maanta ku fadhiyo waxa leh cidda uu madaxweynuhu u magacaabo laakiin dalkaan wada leenahay.”

 

 

 

Mar la weydiiyay inay jirto amar diido uu sameeyay sida Madaxweynuhu sheegay wuxuu yidhi “Madaxweynuhu inuu xilka iaga qaadaan aqbalay, mana filayo in amar madaxweyne oo intaas ka weyn oo aan fulin lahaa inuu jiri karo, sidii aan arki jiray marka masuuliyinta xilka laga qaadayo anshaxa iyo nidaamku waxa weeyaan waan soo wada shaqaynee nabadgelyo, ereygaas odhanaya amar diido ayuu sameeyay ayaan isleeyahay madaxweynaha cadho ayaa jirtee, ilaa heerkaas istaahil may ahayn.”

 

 

 

Wasiirkan iyo taliyihii ciidanka ilaalada xeebaha ee xilka laga qaaday, ayaa waxa la aaminsanyahay inay sabab u tahay markab Sahan ah oo ka yimid dalka Cumaan oo sahaminaya xadhig Fiber Optic ah oo Internetka ka soo qaadaya dalka Cumaan, keenayana magaalada Berbera, kaas oo ay leeyihiin shirkado wadani ahi, waxaana la tilmaamayaa in Wasiirku bixiyay qoraal ogolaanaya in markabku sahanka sameeyo, halka taliyuhuna fasaxay markabku inuu biyaha Somaliland soo galo, waxaana markabkan dalka yimid ka cadhooday oo dacwad u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo mulkiilaha shirkadda Somcable oo sanadkii 2010 kooto loogu xidhay  25 sannadood.

 

 

 

Hase yeeshee baahi dhinaca Internetka ah oo weli dalka ka taagan ayaa sababtay in markabkani dalka yimaado, iyadoo la sheegayo inuu dhammaystay sahankiisii.

 

 

Somaliland ayaa waxa ka jirta baahi badan oo dhinaca Internetka ah, waxaanay bulsho badani taageersanyihiin in la helo xadhko dhawr ah oo ka yimaada meelo kala duwan si ay bulshadu u hesho khadad kala duwan oo fudud oo ay adeegyadooda ku qabsadana.

 

 

Somalilandpost. Hargeysa