Guddiga Horumarinta Degmada Faraweyne oo Dejiyey Qorshe ay ugu talo-galeen Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Degmada

HARGEYSA (SLpost)- Guddiga Horumarinta Degmada Faraweyne, ayaa diyaariyey Qorshe ay ugu talo-galeen inay dadweynaha degmadaasi kaga qayb-qaataan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo la filayo inay maalinta Berri ka bilaabanto Gobolka Maroodijeex oo degmadaasi ka tirsan tahay.
guddiga

Guddiga Horumarinta degmada Faraweyne oo xubno ka mid ah maanta shir-jaraa’id ku qabteen magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay diyaariyeen gaadiid loogu talo-galay in lagu daad-gureeyo dadka Xoolo-dhaqatada ama reer-guuraaga ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda degmadaas.

HALKAN KA DAAWO