Maayarka Caasimada Hargaysi Ma Geyo Aflagaado W/Q: Kamaal Xassan Isaaq

Nin abwaana baa yidhi .

Afku erayga khayrka leh

haddii aanu odhanayn

inuu aamusaa u wacan”

ddddddd

nin kale oo aanu saaxiib nahay oo la yidhaa  C/raxmaan sh. Cilmi Fahiye(Shamax)   ayaa isna laga  hayey mar uu nin u jawaabayey

Yey kaa engaginoo lagaa laabin agabkee  imikaad u dhawdee istayqfurala maad odhan

Waayadii hore Somalidu dhaqan wanaagsan bay lahaan jirtay , haddase waxaa soo kacay qaar aan haadba haysan oo bilaa xuduud ah.

Hees ka mid ah heesaha aan maqli jiray ayaa iyaduna tidhaa “cilmiga ha laguu dhigee caqliga kaashabaa  la yidhi”

Mid kale anigu waxaan islahaa aqoontan casriga ah iyo horumarkani  bulshada waxbay u soo kordhin doonaan , waxase  ayaan daro ah in  dhalinyaradii  jamacadaha ka baxday ee la islahaa wax dadka iyo dalkooda  wax u taraya ayey   soo tabin doonaana ayaa   xaalkoodu noqday jaantaa rogan (been abuur  , cay,  aflagaado , war aan sal iyo raad toona lahayn) iyo xag xagasho u badan hugri,

Somalidu  waxay odhan jirtay  “gadhow ku sii daayee gafuur dhaaf”  allaylehe kuwanaa dabarka goostay ,iyadoo taasi jirto hadana  qofka wax qoraya waxa la gudboon in  uu ka fiirsado waxaa uu ummada u soo gudbinayo.

Maalintii jimcihii ee 8dii bishan aynu ku jiro waxaan  websaydka Hadhwanaag  ,  ka akhriyey nin lagu magacaabo Abokor cumar Cismaan .

Oo laba maqaal soo wada qoray  Oo labadaba ku caayey ama aflagaadaynayey   maayarka Caasimada Hargeysa . waxaanu  soo qoray qoraal aan  macno badan xambaarsanayn   in kasta oo uu  muuqday   nin dhalinyaro ah ,  haddana murti baa ahayd “nin yari intuu geed ka boodu talo ka booda”   inkastoo aan u arkay Abokor shakhsi nacayb taasna looma bahna ,  waxaan  xasuusin  lahaa inay  xaaran tahay  in qof bini’aadam ah sharaftiisa meel kaga dhacdo  diinteenda suubani  ma oggalaa.

Lacagaha la lunsaday iyo waxaad ka sheekaynaysana dalku hanti dhawr buu leeyahay wixii  la lunsado iyo wixii laga shakiyaba hanti dhawrkaa inoo qaabilsan , ta kale ee  aad tidhi “ dalka Sweden buu qoxooti ka qoran yahay maayarku kolay warkaasi adiguu kugu kooban yahay , Waase eray su’aale adiga  shaqadu Maxay  tahay? , kolay socod barad baan  kuu arkaa anigu , laakiin meel wanaagsan ka bilow nolosha xumaan horumar laguma gaadhee.

Waxaa kale oo aan ku faa’iidaynayaa saddexda nooc  ee bini ‘aadama shakhsiyadoodu u qaybsanto waxaanay kala yihiin sida soo socota..

Qof  dadka uun ka sheekaya( Tusaale .ninkii hebel baryahan wuu lacagaystay , hebelkii kalena wuu dhuubtay, heblaayo waa la furay, hebelkiikalena wuu guursaday , hebelkii kalena wuu dhoofay  IWM. Qofka caynkaas ah somalidu waxay u taqaanaa maangaab.

Qof  dhacdooyinka uun ka sheekeeya (Tusaale ,   qarax baa halka ka dhacay, Ruushkaa maraykan u hanjabay,  daad baa qaaday  dadkii dooxa ag deganaa I.WM.

Qofka caynkaas ah soomaalidu waxay u taqaana, meel dhexaad.

Qof  fikrado cusub keenta ( Tusaale Qof waxyaabo cusub ku soo kordhiya dunida, ama horumar balaadhana gaadhsiiya ummadiisa ) qofka caynkaas ah somalidu waxay u taqaanaa “wax garad” ama hal abuur .

Hadaba adigu waxaad noqotay kuwan dadka  uun faalaynayee bal dib iskuugu noqo.

Dhinac kale maayarka caasimadu Hargeysa Mudane C/raxmaan Caydiid (Soltelco )haddaan wax yar kaaga taabto intii uu xilka hayey wuxuu  ku talaabsaday horumar la taaban karo , haday noqoto bilicda caasimada oo uu hagaajiyey marka loo eego cidihii ka horeysay , wadooyinkana daa hadalkooda intaas oo wado oo cusub buu soo kordhiyey , tusaale wadadii ugu dambaysay ee laga dhisayey degmada 26 juun oo isku xidhi doonta boqol iyo kotonka iyo goljano .

Meelaha qaar markaad marayso waxaad arkaysaa islaamo u ducaynaya oo leh maayarkani  C/raxmaan waa  dal dhaweeye oo magalaadii buu isku soo dhaweeyey.

waxaa taariikhda u gashay oo aan la dafiri Karin  in uu noqdo ebid maayarkii ku dhiiraday in ay suurta gasho oo ay  socoto rakibaada qalabtkii wadooyinka oo isu jira dhowr warshadood oo rakibaadoodu socoto , markay hawshaasi dhamaata hargeysa iyo Somalilandba ka haqab beeli doonaan wadooyin casri ah haddii eebbe idmo.

Waxaa haatan bilaabmay hawlo  baaxad leh oo lagu qurxinayo caasimada hargeysa sida wadooyinka hareeradooha oo la Dhigayo marmar .iyo  dhirayn qurux badan  oo lagu xusuusan doono.

Waxyaabaha yar yar ee dhimana waxaan ilaahay ugu baryayaa  in uu fududeeyo  , waanan  uga mahad celinaynaa maayarka hawsha adag ee u qarankiisa u qabtay taariikhdaana xusi doonta haddii aad adigu xusi wayday. Adiguna haku mashquulin wax aan shaqadaada ahayn.

Waxaan hadalkaygii ku soo afmeeray ,“xaashee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaab”

W/Q: Kamaal Xassan Isaaq

00252-634402758

Email. kamalcadow@hotmail.com

Hargeysa Somalilad .

 

Muwaadin dalkiisa iyo dadkiisaba  jecel.

(MDDJ)