Xildhibaannadii UK Ee Somaliland Timid Oo Warbixin Bani’aadanimo Ka Qortay Wixii Ay Aragtay, Baaqna U Dirtay Dalkeeda Iyo Dunida

London (SLpost)- “Toddobaadkii hore waxa aan joogay Somaliland, oo ku taalla geeska Afrika, halkaas oo ay ka jirtay abaar aad u ba’an oo khatar ugu jirta in ay macaluul sababto” Ereyadaas bani’aadamnimo waxa ku bilowday maqaal ay xildhibaan Diana Abbott ka qortay saamaynta xun ee ay abaaruhu u yeesheen Somaliland. Xildhibaan Diana Abbott oo ka tirsan Baarlamanka Ingiriiska isla markaana ah xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee xisbiga Shaqaalaha (Labor ka) ee dalka Ingiriiska ayaa toddobaadkii hore iyada iyo wafti ka kooban masuuliyiinta haayado kala duwan oo samofal waxa ay Somaliland ku yimaaddeen safar ahaa u xog-ogaal noqoshada saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen dalka.

Diana Abbott markii ay dib ugu noqotay dalkeeda waxa ay qortay maqaal ay kaga hadlayso dhibaatada ay indhaheeda ku soo aragtay, kuna canaananayso gacanta dalkeedu iyo beesha caalamku guud ahaan ay ka geysteen isla markaana baaq u dirayso dunida oo dhan.

Maqaalka xildhibaanka oo uu Geeska Afrika soo koobayo, xildhibaanku waxa ay ku muujisay sida ay u qawadsan tahay gaabiska ay dalalka deeqda bixiya oo dalkeedu uu ku jiraa kaga jawaabaan qaylo-dhaanta abaaraha iyo aafooyinka kale ka horreysa, “Sannadihii 2011 illaa 2012 Koonfurta Soomaaliya waxaa ka dhacay macaluul xun oo ay ku naf waayeen qiyaas ah 260 kun oo ruux, waxa ay ahayd masiibo muddo sannad ahba la sii saadaalinayey” ayaa ay ku tidhi qoraalkeeda, iyada oo arrintaas sii waddana waxa ay ku soo jeesatay dhinaca Somaliland iyo Itoobiya oo ay tidhi, “Sannadkan cabaashada xoggeedu waxa ay ka jirtaa Itoobiya iyo Somaliland, oo ah dal iskii madax-bannaanidiisa ugu dhawaaqay, waana halka aan imika uun ka soo noqday safar aan ku tegey”

Xildhibaan Diana Abbott maqaalkeedan oo uu Geeska Afrika ka soo akhriyey shabakadda internet ka ee wargeyska The Guardian ee ka soo baxa carriga Ingiriiska waxa ay ku sheegtay in roobabkii labadii sano ee u dambeeyey ka da’ay Somaliland ay ahaayeen teel-teel ka hooseeya intii baahidu ahayd, taasina ay sababtay in Somaliland ay ka dhacdo cunto yaraani. Waxa aanay dunida kala doorransiisay laba arrimood oo ah, ‘In faraha laga qaado oo la ogolaado in macaluushu ay mar labaad ku habsato bulshooyinkan iyo in beesha caalamku tallaabo wax-ku-ool ah oo adag dhaqso u qaaddo’

Xildhibaan Diana Abbott oo is barbar dhigaysay sida ay dunidu uga shaqaysay dhibaatada ka taagan meelo kale iyo tan Somaliland ka jirtaa waxa ay qoraalkeeda ku tidhi, “Xaalka aan indhahayga ku soo arkay ee Somaliland ka jiraa waa mid aan qurux badnayn. Marka la barbar dhigo booqasho kale oo aan dhowaan ku tegey magaalada Calais (Faransiiska) iyo Jasiiradda Lesbos ee Giriigga” Waxa aanay sheegtay in haayadaha samofalku ay aad ugu yar yihiin Somaliland marka la barbar dhigo dhulkaas ay tagtay isla markaana ay baahiyaha lagama maarmaanka ah ee dadku dhaqsaha ugu baahan yihiin aad ugu yar yihiin dadka abaaruhu heleen ee Somaliland, sida cuntada, biyaha, hoyga oo dhammaantood baahida dadka aad uga yar. Waxase ay sheegtay in haayadaha iyada safarkan ku soo martigeliyey ee waday oo ahaa Islamic Relief, Muslim Hands, Human Appeal, Charity Right iyo Afrikan Relief Fund ay dhammaantood ku dadaalayaan in ay dhibaatadan sii kordhaysa indhaha ku soo jeediyaan.

Xidlhibaan Diana Abbott waxa ay ka sheekaysay xaaladaha naxdinta leh ee ay ku soo aragtay deegaannadii dadka abaaruhu saameeyeen ay ugu tagtay ee gobollada Awdal iyo Salal ahaa, gaajada, hoy la’aanta jirta iyo xoolaha oo si aad ah u dhimanayey, raqdooduna jidadka hareerahooda daadsan tahay.

Dhinaca kalana waxa ay dalalka dunida ugu dhaqaalaha buuran ku dhalleecaysay in dhibta ka taagan Bariga Afrika ay iyagu sabab u yihiin, maadaama oo sababta wasakhowga hawada ee ay iyagu keeneen ay sababtay isbeddelka cimilada ee dadkan ku keentay dhibaatada, “Soo noqnoqoshada iyo ba’naanta abaaraha ka dhacaya Bariga Afrika waxa ay la sii kordhayaan isbeddelka cimilada. Xaddiga wasakhda ah ee bulshooyinka dunida ugu faqiirsani sababaan aad ayaa uu u yar yahay, haddana waxa ay u qoollan yihiin guul-darrada dalalka qaniga ah ee ku fashilmay in ay dhimaan wasakhda ay hawada ku sii deynayaan ee sababtay isbeddelka cimilada” ayaa ay Diana Abbott ku tidhi qoraalkeedan. Iyada oo intaas ku sii dartay in roobabka da’ay oo dabcan lagu farxayo marka la eego abaarta taagnayd, haddana aanay macnaheedu ahayn in dhibtii dhammaatay, maadaama oo laga yaabo in ay bilo qaadato in ay soo saaraan baadkii ay xoolahani daaqi kari lahaayeen, dhinaca kalana biyaha roobabka qudhooduna ay cudurro dilaacinayaan oo ay dhibtii sii kordhayso.

Diana waxa ay sheegtay in ay maqashay khasaare ka dhashay daadad, arrintaasna aanay iyadu la yaabayn oo ay waayo-aragnimo safarkeedan la xidhiidha u leedahay, iyada oo taas ka sheekaynaysana waxa ay tidhi, “Waxaa sidoo kale jira warbixinno sheegaya in daadad ay dad la tageen, anigu sababta waa aan fahmi karaa. Waayo annagaba markii aanu doonaynay in aanu tagno xerada ugu durugsan ee ay ku jiraan dadka dhibaatada abaaruhu saamaysay, waxa aanu sii marnay dooxyo badan oo qallalan.

Xigasho geeska Afrika