MANHAJ WAXBARASHO OO TAYO LEH AYAA SOO SAARI KARA ARDAY TAYO LEH

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, waxaan salaamayaa dhammaan akhristayaasha sharafta leh, salaan ka bacdi. Laga bilaabo sannadii 1993 oo ah intii aan ku garaadsaday jiritaanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa jiray Wasiiro fara badan oo soomaray Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasiiradii soo maray Wasaarada Waxbarshada, waxay soo mareen xiliyo lagu jiray xaalado kala duwan oo Wasiir kastaaba ku dadaalayey sidii Dugsiyada loo furi lahaa carruurtuna ay u heli lahayd Waxbarasho.

Wasiiradiisi waxay ku dadaaleen sidii loo furi lahaa Dugsiyada, waanay fureen Dugsiyaddii , laakiin arrinta u baahan in dib loo eegaa waxay tahay in ma jirtaa siyaasad guud uu ku wajahan sidii dalku u heli lahaa Siyaasada Waxbarasho oo tayo leh
oo isu dheelitiran.

Inta aan ka xasuusto niddaamka Waxbarasho ee Somaliland ma jiro Siyaasad Miisaaman oo Waxbarasho oo isu dheelitiran, isla markaana lagu hagi karo Waxbarsho tayo leh oo soo saarta arday tayo leh. Iyadda oo taasi jirto ayaa Wasiiraddii faraha badnaa ee soo maray Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare uu mid kastaaba isku dayayey in uu soo saaro Manhaj Waxbarasho oo hage u noqda Siyaasada Waxbarasho ee dalka, laakiin sida aan u fahmay Wasiiradaasi Wasaarada soo maray waxa kaliya oo u jeedadoodu ahayd in sameeyaan Manhaj Waxbarasho oo tayadooda aan la hubin oo ay iyagu ku saxeexan yihiin, si taariikhda qorani mar uun u xusto in hebel mar Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare uu Wasiir ka ahaa.

Adduunka Qaran kastaa wuxuu leeyahay Siyaasad Waxbarasho oo hage u noqotay Ardaydooda, si waddankoodu u gaadho Cilmi ka sareeya inta ardayda iskuulka guddihiisa ku dhigato, si aynu waddamadaas uga dayano waxaynu u baahan nahay dajinta Siyaasada Waxbarasho oo tayo leh, oo ay ka qayb qaataan dhammaan aqoonyahanka dalka, si loo sameeyo Manhaj Waxbarasho oo tayo leh, lana tartami kara Manhajyada Waxbarsho ee ay leeyihiin Waddamada adduunka sida kuwa Africa, Asia, America iyo Europe.

 

Dhanka kale waxaan soo dhawaynayaa talaabada fiican ee uu qaaday Wasiirka Cusub ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdilahi Ibraahim Habane, aniga oo u arkay in uu doonayo in uu bilaabo sidii Qarankani  u heli lahaa Manhaj Waxbarasho oo tayo leh, soona saari kara arday tayo leh. Waana arrin u baahan in ay ka qayb qaataan dhammaan aqoonyahanka iyo Waxgaradka si Manhajku u noqdo mid tayo leh, lana tartami kara Waddamada adduunka.

Ugu dambeynta waxaan leeyahay Qaran aan lahayn Manhaj waxbarasho oo tayo leh, ma hiigsan karo Qaramada Adduunka, mana hiigsan karo horumar dhaqaale, mid Cilmiba maadaama oo waxbarashadu tahay jaangoyn muhiim ah.

 

dearmahad@outlook.com

Mobile: 00252-63-4489943