GIDAARKA QOLKAYGA QUMAC BAA KUJIRA

Sanadku waa sagaashamaadkii dalka ayaa lagu soo noqday inakstoo aanay jirinba kaabayaasha dhaqaalaha iyo aas aaska nolosha oo ay kamid yihiin biyo nadiifa,laydh lashito, waxbarsho toosa, iyo caafimaadka; hadana Rooble wuxuu aad ugu faraxsan yahay deegaanka uu joogu sababtoo ah wuxuu hadda kasoo noqday xeryaha qoxootiga ee dalka itoobiya waa meeshii ay injirtu ku gashay markuu waayay shaadh iyo surwaal uu kubadasho kuwa uu xidhan yahay iyo biyo uu kumaydho jidhkiisa.

Rooble gurigooda oo kuyaalay xaafada idaacada wuu dumay, waxaana meel walba kaga jira qumaca rasaasta, wuxuu dhinacwalba kamaray gurigoodii oo baryo qaarkood ahaan jiray meel ay kufanaan dhamaan reerkoodu dadkana kusoo dhaweeyaan fadhiga qurxoon ee aabahood barigaa ka keenay SANCA oo ahayd meelaha laga doonan jiray alaabta guryaha la dhigto.

Rooble qolkiisa waxaa si gaara ugu jira qumac wayn oo nooca kaaraha uu rido ee looyaqaano madfac kaasoo dhexfadhiistay gidaarka isagoo aan qarxin hase waxba yaanay sheekadu ila durkine waxaa si caadi ah usoo noqotay dhamaan qaybihii noloshu kufadhiday oodhan Rooble reerkoodu wuxuu go,aan kugaadhay in guriga la dayactiro oo lahagaajiyo hase yeeshee Rooble waa loo taag waayay inuu ogolaado in qumacas laga saaro gidaarka maqsinka uu galo, waxaanu kutiraabay waa xasuus aan ubaahanay inaan naftayda kuxakameeyo markaan cadhoodo ee ha la iidaayo.

Arintii waa laga ogolaaday meeshiisana waa loodaayay maalmo kadib Rooble aabihii oo ahaa nin garaad badan oo tacliin leh ayaa qumaca meesha kasaaray waxaanu kubadalay bir uu tumaalka ugeeyay oo sida qumaca loo sameeyay oon laga garanba qumicii meesha kujiray Rooble inaba muu dareemin in qumacanu uu mid tumaalku soo sameeyay yahay.

Rooble qolkiisa waxaa kuxardhan kudhawaad 50 sadar oo nabada kahadlaya iyo qiimaheeda

nabad baa naas la nuugo leh

intay nabadu joogtaa ninba laba nin leegyahay

dhubuq dhubuqdaada mooyee dhul udhacaa hubso

nabadi waa naas irmaan

raga gogoshiisu waa nabada

Rooble waa nin jaamiciya waqtigan waa double master da,diisu waa 29 wuxuu kujiraa mid kamida ururada mucaaridka ah ee somaliland sababtoo ah wuxu qabsaday odhaahda African badan ay aaminsan yihiin ee tidhaa hadaad rabto inaad dawlada xil ama masuuliyad kaqabato mucaaridka kubiir si laguu arko dabadeedna laguugu yeedho, sabtida waa maalin xisbiga uu kujiro Rooble isu qanciyay inay lagama maarmaan tahay in ladhigo mudaharaad aad uwayn oo dalka oodhan gilgila si qolyaha xilka hayaa isaga laaluushaan oo malaayiinta dolar ee sida daadka usocota badhkooda ay ulaboobaan guryo iyo gaadhiyo uga iibsadaan.

 Habeenkii markuu qolkiisii yimi ayuu istusay isagoo mudaharaadkii dhacay dhamaan gobolada dalku qasan yihiin wuxuu isu qanciyay iyadoo qolyaha xilka hayaa malaayiin dolar oo laaluusha isla habeenkii dambe ukeeneen si xisbigoodu udajiyo dadka kacsan oo TV yada uga hadlaan una sheegaan in arinkii dhamaday wuxuu is tusay isagoo xilkii ugu qaalisanaa xukumada talada haysa loomagacaabay guryo dhistay gaadhiyo iibsaday isagoo riyadaas kujira ayuu markaliya isha lahelay QUMACII GIDAARKA KUJRAY aad iyo aad ayuu uga argagaxay wuxuu arkay iyadoo dad dhinteen qaarkalana dhaawacmeen cusbitaalada dalka odhan baroorta dumarka mooyee waxkale aan laga maqleen bacadlayaasha suuqa dharka ku iibiya laboobay, masaakiintii suuqa ku ganacsan jirtay hantidoodii la dhacay , gaadhiyo shicib iyo kuwo dawladeed ba lagubay wuxuu arkay inaanay dadkeenu ubislayn mudaharaad salmiya oo inta boodhadh lasamaysto ama waraaqo qoraal lagu xardhay la qaato in jidka dheer si nabadgalyo ah loo maro wuxuu ogaaday in ciidamada police ka ee dalku aanay haysan sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo budhadhka dadka lala dhaco toona ee ay hastaan rasaas nool markay doonaana ay isticmaali karaan si ay dadka ukala eryaan.

Wuxuu mar labaad xasustay DULCAD IYO DAROOR iyo injirtii kugashay markuu caruurta ahaa, kuyuugii loogalijiray qamadiga iyo biyaha si loogu noolaado oo nafta logu sasabo markaliaya ayuu jiifka ka booday wuxuu xidhay suudh kamida suudhadhkiisa uu kuxaragon jiray waxaanu tagay mid kamida TV yada ugu afka dheer ee kuyaala somaliland waxaanu halkaa kasheegay inuu iska casilay xilkii uu uhayay xisbiga mucaaridka ah mudaharaadkii barito aanu isagu hogaamin doonin halkaas waxaa kubaaqday mudaharaad dad badan ay kudhiman lahaayeen kuwo kalana hantidooda looga boobi lahaa

Duluucda sheekada ayaa waxay tahay sidee loobari karaa dadkeena somaliland sida loo qabto mudaharaad salmiya oo cidina kudhiman cidina kudhawacmin qofna hantidiisa aan looboobin?

W/Q Axmed C/raxmaan Axmed (ORIGINAL)

.