“HADII DADKA TAMARTA AFKA LAGA GALIYEY MASKAXDA LAGA GALIN LAHA WAX BADAN BAY QABSAN LAHAAYEEN”

Dadkii waxa ku dhacay tamar darro awooded oo ah xagii wax qabadka,inay iyagu wax taran sadaan waxay ka jecel yihiin haayad iyo urur bulshed oo ajinabi ah oo wax yar meel ka taaga,markii bur burku dhacay kadib reer galbeedku gumaysigoodi waxay u bedeleen borobagaandho iyo hadalo la faafiyo oo lagu jidh dilaayo qalbiga qofka somaliga ah meel kastu joogaba,taaso lagu tiraabayo waxba ma qabsan kartid,dawladbawax lagu qabsada adigutaakulo ayad u baahantahy iyo haayado ku caawiya,aqoonsi la,anta aya kugu wacan dhaqale la,anta,waxad arkaysa dad wax hal qof qaban karayo dul tuban shir qabtay ay warbaahinta kula hadlayaan ooay leeyihin waxa ayaanu ka cabanynaa ee ha naloo qabto taasi waa ayyaan darro iyo mushkilad wayn oo u baahan in la cidhib tiro si aanay u sii socon dhibaatada bulshada haysta.waxa kalo somaliland ka taagan arin ah dawladnimo ku dhisan warbaahinta, qof kasta oo cabasho qabaa wuxu taagan yahay saxaafada qofki wax qabad rabaa wuxu imanaya warbaahinta.miyaanay jirin haayadoshaqadan lo xil saaray? miyaanay xafiis lahayn haayadaha dalka u qaabilsan shaqada arimaha bulshada ee kala duwan?  xukumada somaliland ha hir galiso nidaamka dawladnimo iyo shuruucdeeda ,iyagu ha ka waantobaan saxaafada ay u marinayaan bulshada wax khuseeya dad gaar oo si toosa xafiisyada loogasheegi karo,iyo nidaamka ay dawladu ku wada shaqayso labo xafiis ama labo haayadod oo yaanay warbaahinta isu adeegsan waxay isaga baahdaan,marka labaad shacbiga ha la baro sida cabashada loo gudbiyo iyo inay xafiisyadu iyaga u furan yihiin ee anay in saxafada loo soo fadhiista aanay anshaxa ku jirin.ha laga wacyi galiyo dhaqanka guracan ee bulshada la dhex dhigay ,dhaqankaas ooah fawdo,qas iyo dawlad xumo.

W/Q DR BOQORE FARAH

Â