Warbixin Uu Machad Caalami Ahi Soo Saaray Oo Kala Saartay Heerka Xorriyada Hadalka Ee Somaliland Iyo Somaliya Iyo Hal Qodob Oo Ay Somaliland Ku Canaanatay

Hargeysa(SLpost)-Warbixin caalami ah oo uu shalay soo saaray machadka lagu magacaabo Freedom House, oo lagu baahiyay wargeysyada ugu waaweyn wadanka Ingiriiska, ayaa kala saartay heerka ay kala taaganyihiin xorriyada hadalka ee dalalka Somaliland iyo Somaliya, waxaanay ku kala dartay laba qaybood oo aad u kala fog.

Warbixintaas, oo dalalka u kala qaybisay saddex kooxood oo kala ah inay dalalka qaar ka jirto xorriyad dhammaystiran, qaar ay ka jirto xorriyad badh ah iyo qaar aanay xorriyadiba ka jirin. Waxa ay Somaliland warbixintani ku dartay wadamada ay xoriyada hadalku ka jirto balse aanay dhammaystirnayn taas oo ah kaalinta labaad oo ah xorriyad badh ah, waxaanay Somaliland kaalintan kula jirtaa 59 dal oo ay ka mid yihiin wadamada Kenya, Malaysia, Maali, Nayjeeriya iyo kuwa kale.

Halka ay Somaliya ku jirto kaalinta saddexaad oo ah dalalka halista ah ee aanay ka jirin xorriyada hadalku. Somaliya waxa ay kaalintan kula jirtaa 50 dal oo ay ka mid yihiin Koonfurta Suudaan, Suuriya, Sucuudiga Qatar, Ruushka iyo Ruwaanda iyo kuwo kale.

Waxa iyaguna jira 86 dal oo lagu daray kaalinta wadamada ay xorriyadooda hadalku buuxdo amaba dhammaystirantahay, waxaana dalalkaas ka mid ah Maraykanka, Ingiriiska, Kanada iyo kuwo kale.

Warbixintu, waxa ay wadamada Somaliland, Afgaanistaan iyo Koonfurta Suudaan si isku mid ah ugu canaanatay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dhici lahaa sannadkii 2015 oo ay sabab u noqdeen laba arrimood oo kala ah dib u habayn sharciyeed iyo dhibaatooyin amni.