Diyaaraha Dagaalka Sucuudiga Oo Turkiga Gaadhay iyo Saansaanta Dagaalka Suuriya Oo Sii Xumaanaya

Turky(Slpost)-Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay diyaarado dagaal geysan doonto saldhig Turkiga ku yaalla, halkaasi oo ay ka weerrari doonto ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ee Suuriya.

Mr Cavusoglu ayaa sidoo kale sheegay in ciidammo dalkiisa ka socda iyo kuwo Sacuudi ah ay suuragal tahay in ay si toos ah ula dagaallamaan ururkaasi.

Labada dal ayaa taageera xooggag ka dagaallama gudaha Suuriya, kuwaasi oo todobaadyadii dambe dib u guranayay duqeymaha Ruushka awgood.

Ruushka ayaa ka digay in ciidammo shisheeye oo cusub ay ka qeyb qaataan dagaalka dhulka ah ee ka socda Suuriya, asaga oo sheegay in taasi uu ka dhalan karo dagaal adduunka qabsada.